Soomaaliya iyo bah-wadaagta caalamiga ah oo ka wada hadlay horumarka laga sameeyay Habka Dhammeystiran ee Amniga

26 Apr 2018

Soomaaliya iyo bah-wadaagta caalamiga ah oo ka wada hadlay horumarka laga sameeyay Habka Dhammeystiran ee Amniga

Muqdisho - Dadaallada sare loogu qaadayo horumarka ay Soomaaliya ka gaarta dhinaca amniga ayaa ahaa mowduuca ugu weyn ee looga hadlay kulan heer sare oo maanta ka dhacay caasimadda dalka oo u dhaxeysay mas’uuliyiinta Soomaaliya iyo bah-wadaagta caalamiga  - iyada oo dadkii ka qaybgalay ay shaaciyeen baahida loo qabo in la sii xoojiyo hirgelinta Habka Dhammeystiran ee loo wajahayo Amniga (CAS).

Kulanka guddiga fulinta CAS waxaa ka soo qaybgalay wakiilo ka socda Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Howlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM), Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) iyo bah-wadaagta caalamiga ah, waxaana guddoominaayay Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

Markii la furayay kulanka, Ra’iisal Wasaaraha ayaa ka qaybgalayaasha u sheegay in tani iyo kulankii Amniga ee Soomaaliya wax qabad badan laga sameeyay dhinaca diyaarinta qorshe xilwareejin ah kaas oo ugu dambeyn mas’uuliyadda amniga dalka ku wareejin doono ciidamada ammaanka ee Soomaaliyeed.

"Qorshaha xilwareejinta wuxuu diiradda saarayaa dhowr qodob oo muhiim ah. Ugu horreyn waxaa uu xoogga saaraya in dadaal maxalli ah loo baahan yahay si loo gaaro guul. Tan labaad, qorshuhu waxaa uu faahfaahinaya hawlaha lagama maarmaanka ah ee lagu aqoonsanayo in xal militari kaliya aan lagu xallin karin dhibaatooyinkeenna,” ayuu yiri Mudane Khayre. “Ugu dambeyntiina, qorshaha waxaa uu xoogga saaraya dhismaha awoodda hay’adaha.”

Ra'iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale dib u xaqiijiyay in Soomaaliya ay ka go’an tahay in ay sameyso dib u habeynta loo baahan yahay si dalka loo horumariyo.

“Dib u habeynta aan sameyneyno ma ahan kaliya in aan ka soo baxno shuruudaha noo yaall si aan u helno cafis dhinaca deymaha,”ayuu yiri. “ “Waa waddo lagama maarmaan ah oo aan u baahannahay in aan qaadno si aan dib u dhisanno qaranka isla markana aanu gaarno hiigsigeenna ah in aan helno Soomaaliya oo xasilloon oo barwaaqo ah.”

Wakiilka Gaarka ah ee Xog-hayaha Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating, oo matalayay UNSOM, ayaa sheegay in guusha qorshaha xilwareejinta ay ku xiran tahay ansixinta seddax dhinac – Soomaalida, AMISOM iyo bah-wadaagta caalamiga ah. “Seddaxda dhinac midda ugu muhiimsan waa tan Soomaalida,” ayuu raaciyay Mudane Keating.

Ergeyga Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale tilmaamay in qorshaha xilwareejinta uu ku jiro qorshaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, wuxuuna ku boorriyay bah-wadaagta caalamiga ah in ay taageeraan qorshaha.

Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Francisco Madeira, ayaa ku celiyay baaqa uu Mudane Keating u jeediyay beesha caalamka in ay maalgelin u fidiyaan qorshaha xilwareejinta isla markana la diyaariyo Ciidanka Xoogga Soomaaliya iyo ciidamada ammaanka qaranka si ay AMISOM kala wareegaan mas’uuliyadda koowaad ee amniga dalka.

“Waxaan u baahannahay in aan ogaanno xilliga ay imaaneyso lacagta lagu soo iibinayo qalabka lagu xoojiyo ciidanka, xarumaha ciidanka iyo baabuurta Ciidanka Xoogga Dalka,” ayuu yiri Mudane Madeira. Gebagebadii kulanka maanta, ka qaybgalayashu waxaa ay si rasmi ah u ansixiyeen qorshaha xilwareejinta mas’uuliyadda amniga, ka hor kulan heer sare ah oo ku saabsan ammaanka Soomaaliya ee lagu wado in uu ka dhaco Brussels toddobaadka soo socda.