UNSOM oo cambaareysay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Gaalkacyo oo ahaa isku day la doonayey in lagu wiiqo hanaanka dib-u-heshiisiinta

28 Apr 2018

UNSOM oo cambaareysay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Gaalkacyo oo ahaa isku day la doonayey in lagu wiiqo hanaanka dib-u-heshiisiinta

Hawlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) ayaa cambaareeyay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee maanta ka dhacay magaalada Gaalkacyo, kaas oo lagu soo warramey inay ku dhinteen saraakiil ka tirsan amniga Dowladda iyo dad rayid ah.
 
"Weerarkan wuxuu u dhacay sababtoo ah xagjirayaashu waxay dareemayaan inuu khatar ku hayo horumarka laga gaarayo dadaalka dib-u-heshiisiinta ka socda magaalada Gaalkacyo," ayuu yiri madaxa UNSOM, Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating.
 
"Dalku wuxuu soo maray rabshado dhiigbadni ku daatey oo ku filan; hadda waa waqtigii dibuheshiisiinta," ayuu raaciyay. "Dadka iyo mas’uuliyiinta maamullada magaalada Gaalkacyo waxay si geesinimo leh u raadinayaan waddo horey loogu socdo; waa inaan lagu wiiqin weerarkan lagu soo qaaday fursadd ay u leeyihiin mustaqbal nabdoon.
 
Sida laga soo xigtay warar hordhac ah, qof isa soo miidaamiyay ayaa walxaha qarxa ee uu waday ku qarxiyay goob magaalada ku taalla oo loo yaqaano Jiiro Cabdullaahi Yuusuf, halkaasoo ay ku sugnaayeen ciidamada ammaanka, goor hore subaxnimadii Sabtida, isagoo dilay ugu yaraan laba ka mid ah taliyeyaasha sare ee ciidamada ammaanka iyo weliba dad rayid ah. Al-Shabaab ayaa la sheegay inay sheegatay mas'uuliyadda qaraxa.
 
UNSOM waxay tacsi u direysaa qoysaska iyo asxaabta dadka dhibaatadu soo gaartey waxayna dadkii ku dhaawacmay u rajeyneysaa caafimad iyo iney si buuxda oo degdeg ah uga bogsadaan dhaawaca.