SOOMAALIYA IYO COVID-19 – SAAMAYNTA IYO JAWAABTA

17 May 2020

SOOMAALIYA IYO COVID-19 – SAAMAYNTA IYO JAWAABTA

Tan iyo markii uu soo shaac baxay, COVID-19 oo ah musiibo caalami ah wuxuu gaaray ku dhawood dhammaan waddamada caalamka. Waxa lagu tilmaamay mid kamid ah caqabadaha ugu wayn ee caalamka lasoo darsay muddo tobanaan sano ah, xanuunkan saf marka ah wuxuu carqaladeeyay dhammaan waddamada caalamka, dhinacyada, bulshada, dhaqaalaha iyo nolosha siyaasadeed.
Soomaaliya waxay 16-kii Maarso 2020, kusoo biirtay waddamo badan oo la tacaalaya COVID-19, kadib markii Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya, Fawsiyo Abiikar ay ku dhawaaqday xaaladdii ugu horaysay gudaha dalka.Tallaabooyin deg deg ah oo is xig xiga ayaa la qaaday si loola dagaallamo ‘saamaynta curyaaminta ah ee coronavirus’ loona joojiyo faafiddiisa. Sawiradan xiriirka ah waxay bixinayaan muuqaal guud oo ku saabsan qaar kamid ah saamaynta uu reebay xanuunkan saf marka ah iyo tallaabooyinka ay dawladda Soomaaliya iyo shacabkuba qaadeen si ay ula dagaallamaan.

Garoon diyaaradeed oo aan rakaab lahayn

Shaqadii mashquulka badnaynd ee ka socon jirtay Garoonka Diyaaradaha ee Ugaas khalif ee Baladwayne ee Maamul Goboleedka Hirshaballe, iyo dhawaaqii diyaaradaha dagaya iyo kuwa duulaya, iyo saxmaddii rakaabka soo dagaya iyo kuwa dhoofaya waa mid mar hore istaagtay. Waxaa lamid  ah garoomada kale ee diyaaradaha ee dalka ku yaalla, oo badi diyaaradihii caalamiga ahaa iyo kuwii gudahaba la joojiyay– waana tallaabo ay dhaqan galisay Hay’adda Duulista Hawada ee Soomaaliya si loola dagaallamo faafidda  COVID-19.


Waddooyinka Muqdisho oo Faaruq ah

empty streets

Waddooyinka gala suuqa wayn ee Bakaaraha waxay waligood ahaayeen kuwo lagu bartay mashquul iyo cariiri. Tani waxay is baddashay 15-kii April 2020, markii Maamulka Gobolku soo rogay Bandow ku siman magaalada inta u dhaxaysa 8:00 p.m  (Fiidnimo) illaa 5:00 a.m. (Fiidnimo). Dhaq dhaqaaqa kaliya ee la arkayay waxay ahaayeen gaadiidka Ciidanka Booliska  oo gaaf wareegaya waddoyinka ayagoo isticmaalaya sameecado waawayn si ay dadka ugu sheegaan inay dhaqan galiyaan bandowga.


Wicitaanka dadka

call center

Ayadoo qayb ka ah hal abuurka qorshaha fog ee lagu xakamaynayo COVID-19, ayaa Dawladda Federaalka Soomaaliya  waxay hir galisay taleefon lagu soo wici karo lacag la’aan oo ay ku taageereen Qamarada Midoobay iyo dhinacyo kale. Xarunta wicitaanka, waxaa bahda caafimaadku bixinayaan talooyin joogto ah oo khadka taleefonka ah kuwaasoo bilaasha ah. In ka badan 3,000 oo wicitaan ayaa lagu sameeyaa lambarka lacag la’aanta ah ee 449 maalin walba dalka Soomaaliya.


Xogtu waxay bad baadin kartaa nafta

information

Dawladda Soomaaliya waxay kordhisay ololaha qaran ee bixinta macluumaadka kusaabsan COVID-19, ayagoo isticmaalaaya hababka qaddiimiga ah iyo hababka cusub ee dadka lagu gaaro. Waxaa kamid ah isticmaalka Raadiyaha, Tabbeelayaasha bannaanka lagu dhajiyo si looga digo dadwaynaha loona ogaysiiyo astaamaha coronavirus iyo tallaabooyinka looga hortagi karo iyo waliba talooyin iyo tusaale lagu soo bandhigo baraha bulshada. Halkaan waxaa kamuuqda, nin akhrinaya tabbeelle ay ka muuqdaan fariimaha wacyi galinta ee COVID-19 aagga KM4 ee Muqdisho.


Nadaafadda Gacmahaaga

hygiene

Hab dhaqanka gacmo dhaqidda wanaagsan waxay kaa caawinaysaa inaad joojisid faafitaanka COVID-19. Halkaan waxaa ka muuqda macaamiil ka gadanaysa jeermis dilaha gacmaha lagu nadiifiyo farmashi kuyaalla magaalada Jowhar, ee Maamul Goboleedka Hirshabelle. Farmashiyuhu wuxuu hadda iibiyaa cel celis ahaan 60 jeermisdile ama faradhaqe maalintiiba –  waa koror aad usareeya marka loo eego iibkii horay loo samayn jiray inta uusan Soomaaliya soo gaarin safmarka COVID-19.


Xog-heliddu waxay bad badisa qoyska

informed

Ka jawaabidda COVID-19 waa masuuliyad shaqsiyeed iyo masuuliyad wadareed intaba. Halkaan waxa kamuuqda, Abshiro Shamsi Saalax oo deggen xaafadda Kooshin ee magaalada Baladweyne ee Maamul Goboleedka Soomalaiyeed ee Hirshabelle , oo baraysa gabadheeda yarta ah sida loo dhaqo ama loo mayro gamcaha.  “Waxaan si joogto ah u baraa gabadha aan dhalay sida gacmaha loogu dhaqo sida ugu wanaagsan ee lagu taliyay. Waxaan sidaa u sameeyaa si aan u bad baadiyo qoyskayga.   Markii Soomaliya laga helay xaaladdii ugu horaysay ee COVID-19 kama aannu bixin gurigeenna muddo bil ah maxaa yeelay waannu cabsanaynay. Si aan u helo xog dhamaystiran oo kusaabsan Fayraska, waxaan dhagaystaa raadiyaha, waxaana raacaa talada saraakiisha caafimaadka,” ayay tiri Abshiro. 


Dadka u nugul Khatarta

vulnerable

Xanuunkan saf marka ah wuxuu saamayn aan la sadaalin karin ku yeeshay dadka maatada ah ama jilicsan sida dadka qaba baahiyaha gaarka ah, dadka dalka gudihiisa kusoo barakay (IDPs), dadka waawayn, iyo dadka saboolka ah. Haddaba dadkaas qaarkooda waxaa caqabad ka haysataa dabiqidda taallaabooyinka ugu yar ee looga hortagi karo COVID-1. Halkaan waxaa kamuuqda, Maxamed Sheekh Xassan, oo kunool xerada Xaliye ee ay daggan yihiin dadka barakcayaasha ah oo kutaalla magaalada Baladwayne ee Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Hirshabelle oo gacmihiisa dhaqaya. “xeradan waxaa nagu yar biyaha iyo qalabka nadaafadda, laakiin sidaas oo ay tahay waxaan si taxaddar leh ula socday talada bahda caafimaadka.  Raadiyaha waxaan ka bartay sida gacmaha loogu dhaqdo si joogto ah saabuun  inay iga caawin karto badqabka iyo ilalainta qoyskayga iyo anigaba ,” ayuu yiri Maxamed.


Joojinta Faafitaanka

stoppingspread

Dawladda Federaalka ee Soomalaiya iyo Maamul Goboleedyadaba oo kaashanaya hay’ado iyo ururo kala duwan, waxay qaadeen tallaabooyin waawayn oo ay kula dagaallamayaan faafitaanka COVID-19. Tallaabooyinkan waxaa ku jira in la diyaariyo samaynta goobo biyo laga helo magaalada Dhoobley, ee Maamul Goboleedka Jubbland, si ay dadka socotada iyo dadka deeganka ugu dhaqdaan gacmohooda saabuun –   Halkan waxaa kamuuqda – Hubinta dadka socotada ah ee isaga gudbaya jidka isku xira Soomaaliya iyo Kenya si loo hubiyo qofka xambaarsan fayraska.


Habab cusub oo loo shaqeeyo

new_way

Saamaynta uu yeeshay  COVID-19 waa mid aad u kala duwan, waxaana kamid ah saamaynta uu ku yeeshay dadka ka shaqeeya warshadaha. Si loo xakameeyo fayraska faafiddiisa, qayb kamid ah ururada iyo shirkadaha  waxay la yimaadeen  qorshe shaqada ku saabsan oo loo kala fogaanayo, ama waxay  shaqaalohooda ku amreen inay guryaha kushaqeeyaan.  Halkaan waxaa kamuuqda, Cawil Cismaan oo ka tirsan Muqdisho Innovattion Hub-iRISE oo shir uga qayb galaya aaladaha fogaan aragga.


Hab cusub oo wax loo hoggaamiyo

SRSG

Dajjinta siyaasadaha la xiriira COVID, macneheedu waa in safka hore looga jiro sidii loo dabbaqi lahaa ama loo hirgalin lahaa siyaasadahaas. Markii uu dillaacay safmakran, Dawladda Soomaaliya iyo Dawlad Goboleedyada waxay hirgaliyeen habab cusub oo loo shaqeeyo, kuwaasoo la isku kaashado, ayna ku wada xiriiraan saaxiibada wada shaqaynta leh . Halkaan waxaa kamuuqda Raysul Wasaaraha Soomalaiya Xasan Cali Khayre, Wakiilka Xogayaha Guud ee Qaramada Midooay ee Soomaaliya, James Swan iyo xubno muhiimah oo ka tirsan Soomaaliya iyo hay’adaha caalamiga ah oo ku kulmay habka fogaan aragga.


Qaab cusub oo wax loo kala gato

social_distance

Hindisidda hababka cusub ee loo wada shaqeeyo kuma eka kaliya dadka teebka garaaca kaliya ama hor fadhiya shaashadaha. Ganacatada Soomaaliya waxay hirgaliyeen habab cusub oo ay shaqooyinkooda ku wataan, ayagoo joogtaynaya kala fogaanshihii lagu taliyay. Halkaan waxaa kamuuqda, wax kala gadasho ka dhacaysa Degmada Xamarwayne ayadoo laba dhinac ay samaysteen xad aysan isku doo dhaafin oo lagu calaamadiyay jeesto dhulka lagu xariiqay si loo hubiyo in lakal fog yahay.


Iskuul ma jiro maanta

school

Maalin kadib markii xaaladdii ugu horaysay ee COVID-19 laga xaqiijiyay dalka Soomaaliya, Dawladda Soomaaliya waxay ku dhawaaqday in dhammaan xarumaha wax barashada ay xiran yihiin muddo 15 maalmood ah, si loo joojiyo faafidda cudurka. Amarkaasi mar kale ayaa haddana lasii kordhiyay. Waxaa la qiyaasay xiritaanka iskuullada inay wax barasho la’aan dhigtay  caruur gaaraysa hal Malyan.


Dookha Online-ka

online_classes

Macaahidda wax barashada sare ee dalka  waxay la yimaadeen habab cusub oo ay kusii wadayaan inay wax u baraan ardaydooda. Xarumo waxabrasho oo dhowr ah ayaa u guuray habka Online-ka si ardayda loogu sii wado waxabrashadooda xilli ka hortagga COVID-19 lasii joogtaynayo. Halkaan waxaa ka muuqda, Xaawo Aadan Xuseen oo kamid ah ardayda Jaamacadda Jobkey oo ka qayb galaysa waxbarashada Online-ka magaalada Baladweyn ee Maamul Goboleedka Hirshabelle.  "Bilowgii hore, wax barashada habka Online-ka ah waxay ahayd mid igu adag aniga iyo ardayda aan isku fasalka nahay, maxaa yeelay wuxuu ahaa hab nagu cusub. Waan la tacaalnay. Laakiin waxaan waayay dadkii aan la shaqaynayay oo sida wada jirka ah aan iskula samayn jirnay shaqoyinka iskuulka. Gurigayga kuma haysto qol aan fariisto waxna ku barto. Waxaan qolka la wadaagaa dad kala duwan, waxaana sidoo kale qabtaa shaqada guriga inta aan wax barashada wato” ayay tiri Xaawo.


Isla joogid bad qabta

staying_together

COVID-19 ma badalin kaliya habka dadka u shaqeeyaan ama wax u bartaan , wuxuu kaloo  baddalay habka dadku u caweeyaan, iskulana xiriiraan. Halkaan waxaa ka muuqda koox dhallinyaro ah oo ku cawaynaysa Meherad  kutaalla Muqdisho ayagoo hirgaliyay kala fogaanshihii lagu taliyay ee ahayd in la isku jirsado  1.5 mitir.


Xeeb cidlo ah

empty_beach

Xeebta Liido ee Muqdisho, waxay  ahaan jirtay meel camiran oo shaqooyin badan ka socdaan, oo ay dadku ku raaxaystaan hawada macaan, muuqaalka iyo qabowga badda kasoo dhacaya. Halkaan waxaa ka muuqda, in maalmahan dad aad u yar ay ku tagayaan xeebaha bilicda leh ee Soomaaliya si dadku ay dhaqan galiyaan joogitaanka guriga iyo kala fogaanshaha lagu xakamaynayo faafidda COVID-19.


Ganacsi furan laakiin aan macmiil lahayn

no_business

Xilli ganaciga qaarkiis ay u suurto gashay inu shaqeeyo xilligaan lala tacaalayo  COVID-19, qayb kamid ah ganacsatada waxaa soo wajahay xaalad cakiran. Maamulka ayaa dadka ku amray inay guryohooda joogaan ayna xakameeyaan faafidda COVID-19, waxay tani jug culus ku noqotay soo dhawayntii Soomaalida lagu yaqaannay. Halkaan waxaa ka muuqda, Maqaayad can ah oo laga cunteeyo oo Muqdisho ku taalla oo heli jirtay macaamiil badan oo faraxsan, hadda waa meel sharqan yar oo cidla ah.


Qolal aan la dagganayn

hotel

Si lamid ah maqaayadaha iyo goobaha laga cunteeyo, dhinaca Hoteellada jiifka ah ayuu saamayn xooggan ku yeeshay safmarka COVID-19, Socodka yar ee dadka macneheedu waa inaan qolalka hoteellada aan cidina dagin . Halkaan waxaa ka muuqda, haweeney xiran aaladaha  badqabka ee sanka iyo afka lagu daboosho iyo gacmo gashi oo kusugan qaybta soo dhawaynta ee mid kamid ah Hoteellada Muqdisho.