Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo dadaallada lagu ilaalinayo hiddaha & dhaqanka laguna wanaajinayo waxbarashada
Muqadisho – Soomaaliya iyo hay’adda Qaramada Midoobay ugu qaybsan dhaqanka iyo waxbarashada (UNESCO) ayaa maanta kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo dadaallada lagu ilaalinayo hiddaha iyo dhaqanka laguna wanaajinayo waxbarashada dalka.
“Dhaqanka iyo waxbarashadu waxay muhim u yihiin aayaha waddanka, waxay kaloo asaasi u yihiin dhinacyada soo kabashada insaanka, nabad dhisidda iyo sii wadistooda,” ayay tiri Maareeyaha Guud ee UNESCO, Audrey Azoulay.
“Waxaana aad ugu faraxsan ahay inaan ka wada hadlaynay furitaanka boggan cusub ee iskaashi,” ayay ku dartay, xilli ay Soomaaliya ku tagtay booqashadii ugu horreeysey ee uu abid halkaa ku gaaro madaxa UNESCO.
Sarkaalladdan Qaramada Midoobay ayaa ka hadlaysey shir jaraa’id oo ay ku qabatay magaalada Muqdisho oo lagu kala saxiixday heshiiskan is fahamka ah (MoU) ee iskaashiga Soomaaliya-UNESCO.
Heshiiskan is fahamka ah ayaa dhinacyada gayaysiinaya inay ka wada shaqeeyaan soo noolaynta dhaqanka Soomaaliya iyo xoojinta qorshayaasha tacliinta Soomaaliya – qaybta dambe waxaa ku jirta in iskuullada la geeyo carruurta yar yar, gaar ahaan gabdhaha, si ay u helaan waxbarasho bilaash ah oo hoose, dhexe iyo sare ah, iyo in ay fursad u helaan adeegsiga hannaanka dhijitaalka ah, oo ay ku dhex jiraan buugaagta iskuulladu.
Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya, Cabdullahi Goodax Barre, ayaa saxiixay is fahamkan isagoo metelaya DF Soomaaliya. Wuxuu shirka jaraa’id ka sheegay taariikhda fog ee iskaashi ee Soomaaliya iyo UNESCO, wuxuuna intaa raaciyey in soo celinta xiriirkaasi uu saamayn ku yeelanayo waxbarashada iyo dhaqanka Soomaaliya.
“UNESCO ma joogin Soomaaliya, balse taariikhiyan, Soomaaliya iyo UNESCO waxay leeyihiin taariikh dheer, tan iyo xorriyadiina, waxaan iska kaashanayney dhinacyo badan. Maanta, waqtiga ayaa noo saamaxey in aannu markale dib u daarno xiriirka UNESCO. Xiriirkaasi wuxuu si toos ah wax u tari doonaa waxbarashadeenna hoose iyo tan sare, iyo sidoo kale dhaqanka, sayniska iyo tiknolojiyadda,” ayuu yiri Wasiirku.
RW Soomaaliya, Hassan Ali Khaire, iyo Wakiilka Xoghayaha Guud ee Soomaaliya, James Swan, ayaa goobjoog ka ahaa saxiixa heshiiskan.
Waxaa intaa dheer in Madaxa UNESCO oo la kulantay RW Khayrre ay sidoo kale aragtay Wasiirka Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Jamaal Xasan, iyo Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka, Deeqa Yaasiin.
Dib u dhisidda Waxbarashada
Kaddib sanado colaadeed, Soomaaliya waxay dib u dhiseysey dhinaca waxbarashada. Yeelkeede, tiiyoo ay jiraan horumarro dhiirri gelin leh, weli farqi wayn baa ku jira dhanka helitaanka waxbarasho tayo leh oo ay helaan carruurta iyo dadka waawayn. Farqiyadani waxay salka ku hayaan khilaafaadka daba dheeraaday oo soo saaray meelaha ay dadku ka nugul yihiin sida faqriga, dhaqaale xumada, kuwaasoo saamayn ku yeeshay fursadihii ay carruur badani iskuullada ku tegi lahaayeen si ay tacliin iyo tababarro xirfadeed u helaan.
Carruurta iskuullada gaartey ee Soomaaliya oo 5 milyan lagu qiyaaso, in ka badan 3 milyan ayaan wax iskuul ah aadin. Halka boqolleeyda inta iskuulka ka maqan ee heer qaran uu yahay 64%.
“Waa ogahay in caqabadaha jiraahi ay waawayn yihiin iyo sida ay xaaladdu mararka qaar u adag tahay, balse waxaan leeyahay rajo wayn maadaama dib loo soo celiyey maalgelinta lagu sameeynayo waxbarashada iyo dhaqanka Soomaaliya,” ayay saadisay Ms. Azoulay.
“Waxaan calaamaynay inaan gaarno dhamaan carruurta aan iskuul aadin, balse ay ahayd inay aadaan, annagoo adeegsanayna hannaanka dhijitaalka waxbarashada si aan uga mira dhalinno yoolkeenna midaysan.” Ayay daba dhigtay.
Qorshaha Sagaalaad ee Horumarinta Soomaaliya, oo daboolaya mudada u dhaxaysa 2020-24, wuxuu waxbarashada u arkaa meesha ugu mudan ee dalka lagu gaarsiin karo bash bash iyo baraare, waxayna dowladdu khasab ka dhigaysaa in la helo waxbarasho asaasi ah ilaa 2030.”
Yoolkani wuxuu sidoo kale dhinac soconayaa midka Agendaha Horumarineed ee 2030 ee Hadafyada la Gaari karo (SDG) 4, kaasoo uu ujeedkiisu yahay in la helo waxbarasho wada bilaash ah 2030. Qorshaha SDG 4 waxaa wada qaatay dalalka xubnaha ka ah QARAMADA MIDOOBAYsanadkii 2015, si loola dagaallamo faqriga, dhulka loo ilaaliyo isla markaana hubaal looga dhigo in dunida oo dhami nabad iyo baraare ku noolaato 2030-ka.
Qaramada Midoobay ayaa muddo sanado ahba DF Soomaaliya ka taageeraysey dhinacyada waxbarashada, waxaana taa ka mid ah Qorshaha Dhamaystirka Istaraatijiyad Waxbarasho, bilowga manhaj waxbaraso oo cusub oo loo diyaariyay dugsiyada hoose ee dalka oo idil, samaynta imtixaanno wadareed dalka Soomaaliya ka wada dhaca, iyo dib u eegis isku dhafan oo lagu sameeyo waxbarashad Muqdisho.
Waxaa intaa dheer, in xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya uu si xooggan ugu ololeeyo in kharashka loo badiyo waxbarashada Soomaaliya, si loo hubiyo waxbarasho wada gaarta bulshada.
Taageero dhaqan
Intii ay Muqdisho joogtey, waxay madaxa UNESCO sidoo kale booqatay Madxafka Qaranka oo la dhisay 1933-kii, balse ku burburay dagaalladii sokeeye ee dalka ka dhacay 1993-kii. Waxaa dhismaha ku socdey dib u dhis waxaana lagu wadaa in dib loo furo mustaqbalka dhow.
Ms. Azoulay waxay aqoonsatay in Soomaaliya ay ka go’an tahay la shaqaynta UNESCO sida ka muuqata heshiiskan iyo in la meel mariyo cahdiyadii 1972-kii iyo 2003-dii ee Ilaalinta Hiddaha iyo Dhaqanka.
Dhanka dhaqanka, heshiiskan is fahamka ihi wuxuu keeni doonaa in la qabto tababarro lagu dhisayo mugga xirfadleeyda, gaar ahaan dadka maamulaya Madxafyada iyo arkiifiistayaasha ilaalinaya Kaydadka raadadka taariikheed. UNESCO waxay sidoo kale ka qayb qaadan doontaa dib u dhiska 3 hay’adood oo muhim u ah dhaqanka sida: Tiyaatarka Qaranka, Madxafka Qaranka iyo Maktabadda Qaranka.