Soomaaliya oo dardargelisay dadaallada lagu dhisayo nabadda, sidoo kalena diiradda saareysa dhismaha hay’adaha dowliga ah

18 Feb 2019

Soomaaliya oo dardargelisay dadaallada lagu dhisayo nabadda, sidoo kalena diiradda saareysa dhismaha hay’adaha dowliga ah

Muqdisho – Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ayaa maanta daaha ka qaaday maalgelinta Sanduuqa Dhisidda Nabadda ee Xog-Hayaha Guud ee Qaramada Midoobay, waxaana lacag dhan $14 milyan loo qoondeeyey in lagu taageero mashaariicda cusub ee lagu dhisayo hay’adaha dowliga ah ee ka jira dalka.

Sanduuqa ayaa taakulayn doona shan mashaariic oo cusub oo ku saabsan geeddisocodyada xasilinta, dadka dalka ku barakacsan, dib-u-heshiisiinta iyo dhismaha hay’adaha dowliga, arrimaha dhulka, iyo dhiirrigelinta kaalinta haweenka ay ku leeyihiin dhisiddda nabadda iyo sare-u-qaadista wacyigelinta jinsiga ee barnaamijka qaranka ee la xiriira dagaallamayaasha hubka iska dhigay ee waantoobay.

“Mid kasta oo ka mid ah mashaariicdan waa muhiim. Waxaan diiradda saareynaa deegaannada la xorreeyey ee maamullada ka jira ay tabar daran yihiin. Ujeeddadu waa in deegaannadaasi laga caawiyaa arrimaha dib-u-heshiisiinta iyo sidii gacan looga siin lahaa dhismaha nidaamyada maamulka si ay horumar u sameeyaan,” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Cabdi Maxamed Sabriye, mar uu ka hadlayay daahfurka munaasabad lagu qabtay Muqdisho oo ay isla shir guddoominayeen Ku Xigeenka Wakiilka Xog-Hayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Peter de Clercq.

Munaasabadda waxaa kaloo ka qaybgalay mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Dowladda Federaalka, shanta maamul goboleed ee xubnaha ka ah Dowladda, hay’adaha QM ee ku sugan Soomaaliya iyo hay’adaha kale ee horumarinta ka shaqeeya. Sanduuqa nabad-dhisidda Xog Hayaha Guud ee Qaramada Midoobay waxa uu soo taakuleynayay geeddisocodka nabad-dhisidda Soomaaliya tan iyo sanadkii 2009, iyadoo maalgelinta la sameeyey ilaa hadda ay qiyas ahaan dhan tahay $45 milyan.

Mudane Sabriye ayaa sheegay in Soomaaliya ay leedahay in ka badan 2.5 milyan oo barakacayaal ah kuwaas oo badankood ay ku nool yihiin magaalooyinka waawayn, una baahan caawimaad si ay u helaan waxyaabaha daruuriga ah sida cunto, biyo iyo hoy.

“Xaqiiqdu waxa ay tahay in loo baahan yahay inaan la tacaalno xaqaa’iqa isla markaasna aan wax ka qabanno dhibaatada (dadka dalka ku barakacsan) iyo dadka deggan magaalooyinka iyagoo la caawinayo helitaanka waxbarasho, biyo nadiif ah, guryo-dejin iyo daryeel caafimaad,” ayuu sheegay Wasiirka.

Mudane de Clercq ayaa xusay in sanduuqa loogu talagalay inuu bixiyo hannaan is-haysta oo isku dubbaridsan oo ay hormuud ka yihiin dowladda federaalka, QM iyo hay’adaha kale ee mashruuca ka qaybqaadanaya, si xal waara loogu raadiyo tiro mashaakilaad ah oo ay sababeen dagaallo iyo xaalado cimilo xad-dhaaf ah.

“Barnaamijyadan waxaa looga gol leeyahay inay isbeddel horseedaan, taas oo micnaheedu yahay inaan tijaabineyno habab halistooda leh oo ku wajahan nabad-dhisidda, gaar ahaan meelaha deeq bixiyayaashu aanay doonayn inay lacagtooda galiyaan sababta oo ah waxay u haystaan inay aad u halis badan tahay in la maalgeliyo,” ayuu yiri de Clercq.

Mas’uulka sare ee QM wuxuu kaloo sheegay inay jirto baahi si loo taageero dadaallada xasilinta iyo dib-u-heshiisiinta ee Soomaaliya iyadoo si dhammaystiran loo wajahayo caqabadaha la xiriira barakicinta.

“Dalkan si xawli ah ayuu magaalo isugu baddalayaa, Muqdisho oo kali ahna ma ah, balse magaalooyinka kale sida Baydhabo iyo Boosaaso, aad ayayna muhiim u tahay inaan taageerno hannaanka magaalaynta ee ay horseedeen dadka barakacay, ee abaaarta ama colaadaha ka soo cararay,” ayuu yiri de Clercq.

Sanduuqa waxa uu qasdinayaa inuu wax ka qabto ahmiyadaha mudnaanta u leh Soomaaliya ee la xiriira dhisidda nabadda sida ku qeexan Qorshaha Horumarinta Qaranka, Qorshaha Xasilinta Qaranka, Hannaanka Qaran ee Dowladaha Hoose (Wadajir Framework) iyo Hannaanka Dib u Heshiisiinta Qaranka.