Dowladda Federaalka Soomaaliya oo daahfurtay istaraatiijiyadda qaran ee wacyigelinta dadweynaha

17 Feb 2019

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo daahfurtay istaraatiijiyadda qaran ee wacyigelinta dadweynaha

Muqdisho – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shir heer sare ah oo ay deeq-bixiyayaal ka soo qaybgaleen maanta ku daahfurtay istaraatiijiyad qaran oo muddo sano ah soconayso si sare loogu qaado wacyigelinta ajandayaasha siyaasadeed ee ahmiyadda u leh DFS iyo hindiseyaasha dadka Soomaaliyeed.

Istaraatiijiyaddan oo loo yaqaanno Istaraatiijiyadda Qaran ee Wacyigelinta Dadweynaha 2018-2021, waa dukumunti la rabo inay fuliso dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada iyadoo hagitaanka fulinta qorshahan ay leedahay Wasaaradda Federaalka ee Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska.

“Waxaan rajeyneynaa in istaratiijiyaddan ay kobcin doonto midnimada iyo nabad ku wada noolaansho, oo ah tallaabooyin u fiican horumarinta dhaqaalaha iyo bulshada ee dalka. Waa inaan kala duwanaanshaheenna ku xallin karnaa wada-hadal,” ayuu yiri wasiirka Warfaafinta ee Dowladda Federaalka, Daahir Maxamuud Geelle, mar uu ka hadlayay shirka, oo ay ka soo qaybgaleen wasiirro ka socday DFS, mas’uuliyiin ka socday shanta maamul goboleed, mas’uuliyiin ka socday Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika iyo xubno ka socday diblomaasiyiinta shisheeye ee dalka ku sugan.

“Sida ku xusan qorshaha, DFS waxaa laga filayaa inay fuliso ololayaal xooggan oo lagu wacyigelinayo dadweynaha iyadoo isticmaaleysa warbaahinta, iyo inay si dhow ula shaqeyso ururrada bulshada si gacan looga gaysto horumarinta is-aaminaadda u dhaxeysa dowladda iyo shacabka, marka laga hadlayo arrimo badan, oo kuwa amniga ay ku jiraan.

Wasiirka Arrimaha Dastuurka, Cabdiraxmaan Jibriil Xoosh ayaa sheegay in istaraatiijiyadda ay sidoo kale bixin doonto fursad lagu muujinayo guulaha ay gaartay dowladda, isla markaana ka codsanaysa dhallinyarada dalka inay ka fogaadaan xagjirnimada gacan-ka-hadalka leh.

“Ugu danbeyntii, dadka Soomaaliyeed ayaa lahaan doona mas’uuliyadda inay ka guulaystaan Al-Shabaab waana sababta aan xiriirka ula yeelanayno dhallinyarada. Tirakoobyada ayaa muujinaya in ku dhowaad 70 boqolkiiba dadka Soomaaliyeed ay dhallinyaro yihiin, sidaas awgeed kama guuleysan doonno argagixisada ilaa aan ka soo jiidanayno qalbiyadooda iyo maskaxooda,” ayuu yiri wasiirka.

Daahfuritaanka istaraatiijiyadda waxaa soo dhoweeyey mas’uuliyiinta QM iyo hay’adaha kale ee caalamiga ah kuwaas oo mar kale ku celiyey ka go’naanshahooda inay ka taakuuleeyaan dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada sidii ay ku gaari lahaayeen yoolalkooda ay ku horumarinayaan waddaninimada, is-xilqaamka iyo wadajirka qaranka, iyo yoolal kale.

“Waxaan soo dhoweyneynaa daahfuritaanka uu maanta Wasiirka Warfaafinta daahfuray Istaraatiijiyadda Qaranka ee ololaha Wacyigelinta Dadweynaha, Xafiiska QM wuxuu fursaddan uga faa’iidaysanayaa inuu dib u xaqiijiyo sida ay uga go’an tahay inuu taageero fulinta istaraatiijiyadda saddexda sano ee socoto,” ayuu yiri Carlos Araujo, oo ah Madaxa Warfaafinta Istaraatiijiga ah iyo Arrimaha Xiriirka Dadweynaha ee Hawlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Ku Xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Simon Mulongo, ayaa sidoo kale kalsooni ka muujiyey in istaraatiijiyadda ay ka caawin doonto dowladda federaalka, ciidamadeeda amniga iyo hay’adaha kale ee muhiimka ah sidi ay ula dagaallami lahaayeen xagjirnimada.

Wufuuddiii ka qaybgashay shirka ayaa sidoo kale rajo ka muujisay in istaraatiijiyadda ay gacan ka gaysan doonto midaynta dalka.

“Istaraatiijiiyadda waa isku daygii ugu horreeyey oo si waafi ah lagula tacaali doono caqabadaha wajahaya dhallinyarada, waxayna isku dayaysaa inay dhallinyarada ka qaybgaliso dadaallada lagu dhisayo nabadda,” ayay tiri, Layla Cadcadeed Cusmaan, oo ah guddoomiyaha ururka u dooda Xuquuqda Haweenka Suxufiyiinta ah.