Suxufiyiinta Soomaaliya oo ku baaqay in laga ilaaliyo shaqaaqada iyo xadgudubyada loo geysto

4 May 2017

Suxufiyiinta Soomaaliya oo ku baaqay in laga ilaaliyo shaqaaqada iyo xadgudubyada loo geysto

Muqdisho, 2 Maay 2017 – Ururka suxufiyiinta Soomaaliyeed ayaa maanta ka codsaday dowladda in ay suxufiyiinta ka ilaaliso shaqaaqada iyo xadgudubyada lagula kaco si ay shaqadooda u gutaan cabsi la’aan iyo eex la’aan.

Mar uu ka hadlayey siminaar maanta lagu qabtay Muqdisho, Xog-hayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Qarana ee NUSOJ, Maxamed Ibraahim Macalimu, ayaa sharraxaad ka bixiyay halista ay ku shaqeeyaan wariyeyaasha.

“Soddon iyo afar wariyeyaal ayaa Soomaaliya lagu dilay tan iyo sanadka 2012 ayaga oo gudanayo xorriyatul qowlka. Seddax wariyeyaal ayaa sanadka la soo dhaafay la dilay, halka ay in ka badan 80 wariyeyaal ay xabsiyo ku kala yaalo gobollada dalka ku jiraan. Waad dareemni kartaan caqabadaha taagan, Soomaaliyana waxaa ay ka mid tahay meelaha halista u ah wariyeyaasha,” ayuu yiri.

Ururka Badbaadada Suxufiyiinta ee Caalamka ayaa Soomaaliya ku tilmaamtay in ay ka mid tahay waddamada ugu halista badan shaqada wariyenimada, oo ay la saf tahay waddamada sida Suuriya, Ciraaq, Yemen, Afghaanistaan iyo Liibya.

Siminaarkan oo ay maalgelisay Howlgalka Mareykanka ee Soomaaliya waxaa goobjoog ka ahaa in ka badan 30 wariyeyaal. Waxaa siminaarka lagu furfuray howlaha la qaban doono Xuska Maalinta Xorriyadda Saxaafadda Adduunka oo ku began 3 bisha Maay sanad waliba.

Xildhibaan ka tirsan baarlamanka Federaalka ah ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Guddiga arrimaha Saxaafadda ee baarlaamanka, Khaalid Macow Cabdulqaadir, ayaa ku celceliyay muhiimadda dhowridda xorriyatul qowlka, oo uu ku tilmaamay saldhigga dhammaan noocyada kala duwan ee xorriyadda.

“Xorriyatul qowlka waa aasaaska dhammaan xorriyadaha kala duwan ee nolosha la xiriirto. Haddii uusan jirin xorriyatul qowl, qofka ma awoodi karo in uu hadlo. Hase yeeshee xorriyatul qowlka ma ahan sida dhul bannaan, waxaa uu leeyahay xad,” ayuu Mudane Cabdulqaadir ku yiri ka qaybgalayaasha.

Xildhibaanka waxaa hadalkiisa ku raacay Guddoomiyihii hore ee Guddiga Federaalka ah ee Hirgelinta Dooraashada Dadban, Cumar Maxamed Cabdulle, asaga oo sheegay in xorriyatul qowlka uu yahay aasaaska koowaad ee dimuqraadiyadda iyo maamul wanaagga.

“Xorriyatul qowlka waxaa uu xaqiijinaya in madaxda dalka ay yihiin kuwa howlkar ah daacad ah, ayna leeyihiin waayo-aragnimada ay ku qabtaan howsha loo igmaday,” ayuu yiri Mudane Cumar Maxamed Cabdulle.

Waxaa uu intaasi ku daray in xorriyatul qowlka uu yahay mid muhiim ah maadaama uu dhiirriggelinayo in xisbiga talada haya iyo xisbiyada mucaaradka ay yeeshaan dood furan oo madax bannaan, taasina waxaa ay keeneysaa in arrimaha muhiimka ah laga gaaro go’aanno saliim ah.

Farxiya Maxamed Xasan oo ah wariye idaacad ka shaqeysa ayaa uga mahadcelisay ururka NUSOJ isku dubaridka kulanka, waxaa ayna ku boorrisay dowladda in ay wax badan qabato si ay u ilaaliso suxufiyiinta.

"Waxaan yeelannay kulan ku aaddan xoriyatul qowlka iyo ka ilaalinta suxufiyiinta xabsi sabab la’aan. Dowladda waa in ay damaanad qaaddo xorriyatul qowlka oo ay suxufiyiinta u baahan yihiin si ay u tabiyaan waxyaabaha bulshada saameynta ku leh iyo xaqiijinta caddaaladda,” ayay tiri Farxiya Maxamed Xasan.

Faarax Cabdi Warsame oo ah wariye sawirqaade ah oo ka qaybgalay siminaarka, ayaa waxaa uu ka codsaday suxufiyiinta ay muujiyaan adeeg iyo dhabar adeeg, asaga oo ku daray in suxufiiyiinta ay leeyihiin waajibaad saaran iyo xuquuq.

"Wararka ay tabinayaan suxufiyiinta waxaa la doonayaa in ay noqdaan war sax ah oo ku saabsan dhacdooyin sax ah. Suxufiyiinta waxaa looga baahanyahay in ay ku dadaalan dhedhexaadnimo. Wariyaha waa in uu dhowro anshaxa iyo ixtiraamka marka ay gudanayaan shaqadooda," ayuu xusay Mudane Farax Cabdi Warsame