Soomaaliya oo lagu qabtay kulan muhiim ah oo looga hadlayo daryeelka dadka naafada ah

6 Dec 2017

Soomaaliya oo lagu qabtay kulan muhiim ah oo looga hadlayo daryeelka dadka naafada ah

Mogadishu - Kulan looga hadlayay caqabadaha ay la kulmaan dadka naafada ah oo u baahan taageerro si loo wanaajiyo daryeelkooda ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Kulanka oo ay qaban qaabisay Hay’adda Howlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) ayaa waxaa uu isku keenay wakiillo ka  socda Qaramada Midoobay, siyaasiyiin, dadka naafada ah iyo xubnaha bulshada rayidka.

Maryan Aadan Amiin oo ah Agaasimaha Arrimaha Bulshada ee Xafiiska Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khaire oo ka hadal ka jeedisay kulanka ayaa waxaa ay ku boorrisay Soomaalida in ay u midoobaan ilaalinta xuquuqda dadka naafada ah.

Marwo Amiin ayaa xustay in loo baahan yahay in la sameeyo xeerar iyo qawaaniin lagu ilaaliyo xuquuqda dadka naafada ah ee ku nool Soomaaliya.

“Waxaa ay u baahan yihiin in loo sameeyo sharciyo cad si ay u helaan xuquuqdooda, (tusaale ahaan), maxay yihiin caawinaadda loo fidin karo oo ay ku jiraan hooy iyo gunnooyinka kale, gaar ahaan kuwa aan shaqeyn karin. Kuwa shaqeysan kara ayagana waa in ay helaan fursado shaqo,” ayay tiri Maryan.

Cabdullaahi Xasan, Madaxa Kooxda Xuquuqda Dadka Naafada ah ee UNSOM, ayaa soo dhaweeyay kulankan wuxuuna ku tilmaamay tallaabo dhinac wanaagsan loo qaaday, asaga oo ku boorriyay dowladda iyo dadweynahaba in ay dhowraan daryeelka dadka naafada ah.

Mudane Cabdullaahi ayaa sheegay in ay jirto baahi in dowladda Soomaaliya ay ansixiso Heshiiska Xuquuqda Dadka Naafada ah, kaas oo uu sanadka 2006 ansixiyay Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

“Waxaan marka ugu baaqeynaa wasaaradaha dowladda iyo hay’adaha ku howlan arrimaha dadka naafada ah in ay hormuud ka noqdaan ansixinta Heshiiska Xuquuqda Dadka Naafada ah ayna hirgeliyaan dhaqancelin ku saleysan bulshada,” ayuu ku daray.

Kirsten Young, Madaxa Guddiga Ilaalinta iyo Xuquuqda Aadanaha ee UNSOM, ayaa ku celisay hadalka Mudane Cabdullaahi, ayada oo sheegtay in heshiiska ay isla meel dhigeen dadka naafada ah ee matalayay dowladaha iyo bulshada rayidka.

Marwo Young oo carrabka ku adkeyneysay in naafanimada aysan micneheedu ahayn awood la’aan, ayaa waxaa ay ka sheekeysay qiso ku saabsan labo nin oo naafo ah oo si hufan u maamulay hay’ad aan dowli ahayn oo ayada shaqo siiyay si ay gacan uga geysato wada-xaajoodka heshiisyada caalamiga ah ee lagu ilaaliyo dadka naafada ah.

UNSOM waxaa ay weli si dhow kala shaqeyneysaa Khabiirrada Madaxa-bannaan ee Xaaladda Xuquuqda Aadanaha ee Soomaaliya, Xafiiska Guddoonka Sare ee Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay iyo Golaha Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay si loo sii wado dadaallada ku aaddan horumarinta iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha ee Soomaaliya.