Soomaaliya oo mareysa kala-goys, Ergeyga Gaarka ah ee QM oo ku baaqay wadar oggol siyaasadeed oo “qotodheer”

23 Nov 2020

Soomaaliya oo mareysa kala-goys, Ergeyga Gaarka ah ee QM oo ku baaqay wadar oggol siyaasadeed oo “qotodheer”

“Heshiiskii ballaarnaa ee siyaasadeed” ee Sabtembar la gaaray ee soo afjaray ismari waagii labada sano ahaa ee halkan Soomaaliya waa qasab in la texgeliyo isla markaana la ballaariyo” waxaa Golaha Ammaanka sidaas ka sheegay Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay maalinkii Isniinta ahayd.

Walow qaabka doorashadu uu si “Shalleyto leh” uga hoos maray kii ku xusanaa dastuurka ee ahaa qof iyo codka, Danjira Gaarka ah ee QM James Swan isla markaana hoggaaminaya Hawlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobay (UNSOM) ayaa qiray in heshiiskan uu muujiyey  “Wadar oggol siyaasadeed oo ballaaran iyo la haansho.”

Marka la isu geeyo taageerada madaxweynaha iyo midda madaxda maamul goboleedyada, nidaamkan doorasho ee dadban waxaa sidoo kale taageeray daneeyeyaasha Soomaaliyeed oo ay ka mid yihiin xisbiyayada siyaasadeed iyo ururada bulshada, waxaana  ansixiyey baarlamaanka federaalka, ayuu ku sheegay muuqaal foggaan arag ah.

“Sanadka kala guurka”

Madaxa QM waxa uu sawiray muuqaalka wadan wajahaya marxalad xasaasi ah, oo ay ka mid tahay “doorasho lagu soo xulayo baarlamaanka iyo madaxweynaha ee dhawrka bilood ee soo socda; kala guurka ay Soomaaliya kula wareegeyso amnigeeda dhammaadka 2021; iyo ka falcelinta deg degga ah ee xaga bani’aadamnimada iyo is bedello lagu sameeyo dhaqaalaha”.

“Sanadkan 2021-ka oo lagu asteetey mid ay Soomaaliya si buuxda ula wareegeyso arrimaheeda amniga 2021” Mudane. Swan ayaa dejiyey aragti istaraatiiji ah oo ku aaddan habkii loo wajihi lahaa amniga dalka oo lagu kaabi doono taageero kala duwan oo ay bixinayaan beesha caalamka.

Waxa uu ku bogaadiyey Ciidanka Qalabka sida ee Soomaaliya iyo kuwa Afrika (AU) ee ka hawgalaya dalka, kaalintii ay ka geysteen guulaha wadajirka ah ee laga gaadhay amniga.
 

Habraac loo dhanyahay
 
Madaxa UNSOM waxa uu hoosta ka xarriiqay in habraacii lagu heshiiyey uu noqdo “Mid aad looga wada qeyb qaato, loona dhammaado” waxa uu soo dhaweeyey heshiiska siyaasadeed ee ay hoggaamiyeyaasha gaareen ee xaqiijinaya qoodada 30% ah ee kuraasta haweenka ee baarlamaanka.

“Iyada oo ay Soomaaliya diiradda saareyso habraaca doorashooyinka, waxa uu xoojiyey in QM ay sii wadi doonto in ay riixdo “Ka qeybgalka kooxaha aan taariikhiyan la matali jirin”, oo ay ka mid yihiin haweenka iyo bulshada xaqooda la duudsiiyo.

“Dhammaantood nabadda wax tar ay u leeyihiin, xasilloonida iyo horumarka dalka,” ayuu xoojiyey Ergeyga gaarka ah.

Isaga oo ka hadlaya hadafka fog, Mr. Swan waxa uu sharraxay in Barnaamijka Horumarinta QM (UNDP), Xafiiska taageerada QM ee Soomaalia (UNSOS) iyo saaxiibada caalamka iyo UNSOM oo wadajira ay gacan ka gaysan doonaan fulinta heshiiska doorashada iyo in mustaqbalka ay qabsoonto doorasho “Qof iyo cod ah” mustaqbalka.”

“Gabagabadii, waxaan ugu baaqeynaa hoggaamiyeyaasha Soomaalida in ay u diyaar garoobaan qariirad lagu wada socdo oo waqtiyeysan lehna hadafyo lagu xaqiijinayo doorashooyin qof iyo cod ah in ay dhacaan 2014/25,” ayuu yiri.
 
Xorriyadda iyo Is ixritaamka
 
Shaqada QM ee horumarka Soomaaliya waxaa tiir dhexaad u ah xuquuqul Insaanka iyo Cadaaladda, sidaas waxaa qaba madaxa UNSOM.

“Xilli ay doorashooyinka foodda nagusoo hayaan, waxaan hoosta ka xarriiqayaa baaqyada lagu ilaalinayo saaxadda siyaasadda, dulqaadka iyo aragtiyada kala gedisan, iyada oo la ixtiraamayo xorriyadda hadalka iyo isu imaanshaha iyo xorriyadda saxaafadda,” ayuu markale ku celiyey.

Gunaanadkii Md. Swan waxa uu xaqiijiyey in guddi UNSOM ah ay wadaan shaqo ay sare u qaadayaan wadashaqeynta siyaasadeed.
 
“Xafiisyadeena wanaagsan ujeedkooda waa in la helo is ogol iyo ka qeybgalka ugu macquulsan,” ayuu hoosta ka xariiqay.

Wadaxaajoodka waa muhiim

Dadka hadlay waxaa ka mid ahaa Francisco Caetano Jose Madeira, Ergeyga gaarka ah ee Guddoomiyaha Midowga Afrika iyo madaxa Hawlgalka Midowga Afrika (AMISOM) oo yiri: “Wadahallo iyo wadaxaajoodyo xanuun badnaa ayaa loo baahday si loo gaaro wadar oggol habraac doorasho ah oo ay ansixiyeen baarlamaanka.

Md. Madeira waxa uu sidoo kale muujiyey kalsoonida uu ku qabo dadaaladii dhawaan ee Dowladda ay ku horumarineyso dowlad wanaagga, sare ugu qaadeyso wadaxaajoodka iyo xoojinta ammaanka halka uu sidoo kale hoosta ka xariiqay doorka Midowga Afrika ee ah xaqiijinta doorashooyin guuleysta iyo baahida loo qabo in kor loo qaado taageerada iyo tababaridda ciidanka booliska Soomaaliyeed.

 

Source: UN News