Hadalkii uu ku Xigeenka Ergeyga QM isagoo ku hadlaya magaca Midowga Afrika, Midowga Yurub, IGAD, iyo QM ka jeediyay – shir jaraaid oo uu si Wadajir ah kula qabtay magaalada Garoowe madaxweynaha Puntland Saciid Abdullahi Deni

29 Nov 2020

Hadalkii uu ku Xigeenka Ergeyga QM isagoo ku hadlaya magaca Midowga Afrika, Midowga Yurub, IGAD, iyo QM ka jeediyay – shir jaraaid oo uu si Wadajir ah kula qabtay magaalada Garoowe madaxweynaha Puntland Saciid Abdullahi Deni

Galab wanaagsan,

Waxaan aad ugu faraxsanahay in aan maanta joogno magaalada Garoowe. Waxaan jecelahay inaan Mudane Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni iyo kooxdiisa uga mahadceliyo soo dhoweynta diirran ee maanta naloo sameeyay maanta.

Waxaa halkan ila joogaa Ergeyga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Midowga Afrika, Danjire Francisco Madeira; Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Nicolas Berlanga; iyo Madaxa Hawlgalka ee Urur Goboleedka IGAD, Jamaal Axmed Ibraahim.

Tani waa booqashadeenii saddexaad ee aan ku tagno Dowlad Goboleed Xubin ka ah Federaalka labadii bilood ee la soo dhaafay. Waxaan dhowaan tagnay magaalada Baydhabo iyo Galmudug, waxaana booqan doonaa Doladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ee harsan – Jubaland and Hirshabelle – toddobaadyada soo socda.

Kulankii aan maanta la qaadanay Madaxweynaha, waxaan ka wada hadalnay muhiimada ay leedahay xoojinta xiriirka ka dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowlada Federaalka.

Waxaa na dhiirigeliyay soo nooleynta wadahadalka ka dhexeeya Dowladda Federaalka iyo dhammaan Dowladaha Xubnaha ka ah Dowlada Federaalka bilihii la soo dhaafay. Tani waxay ku lug lahayd in Madaxweyne Deni uu kaalin firfircoon ka qaatay shirarkii isdaba jooga ahaa ee ka billowday magaalada Dhuusamareeb bilihii Luulyo iyo Agoosto, taasoo horseeday shirarkii wadatashiga ahaa ee ka dhacay magaalada Muqdisho bilihii Sebtembar iyo Oktoobar, markaas oo la isla gaaray heshiiskii qaabka doorashada.

Wadahadalka iyo dareenka is afgaradka wadar-ogolka ah ee dhliyay heshiiskan waa inuu sii socdaa si loo xaqiijiyo in doorashooyinka qaran ay ku sii socdaan qorshihii loogu talagalay ayna ku qotomaan daahfurnaan/hufnaan, cadaalad iyo loo wada dhamaansho. Waxaan sii wadeynaa inaan ku boorrino dhammaan madaxda Soomaaliya inay ku sii adkaystaan sida ay uga go’an tahay inay wada shaqayn iyo iskaashi la yeeshaan midba midka kale maadaama lagu jiro diyaar garowga doorashada.

Isla markaasna, waxaan rumaysanahay in dib-u-billaabidda wada-hadalladaas, oo joogto ah, ay gacan ka geysan karto xallinta arrimaha taagan. Waxaan rajeynaynaa inaan ku nuuxnuuxsano in qaabka doorasho ee lagu heshiiyay aan dib loo furin laakiin waa in loo hirgeliyo si la aqbali karo, lagu kalsoonaan karo oo daahfuran.

Gaar ahaan, waxaan adkeynaynaa in tan ay ka mid noqon doonto in la xaqiijiyo in matalaadda qoondada haweenka boqolkiiba 30 ee doorashooyinka baarlamaanka iyo guddiyada hirgelinta laga miradhaliyo, iyo in wixii tabasho ah ee la xiriira xubnaha ka mid noqonaya guddiyada soo xulista ergada, guddiyada doorashada, guddiga Somaliland iyo Gedo lagu xalliyo is afgarad, laguna gaaro qaab lagu xaqiijinayo in guddiyadu aysan dhinacna u janjeerin taasina, taasina waxay ogolaanaysaa matalaad cadaalad ah oo kala duwan.

Marka la eego arrintaa hore, waxaan rajeyneynaa in Puntland ay dhowaan soo magacaabi doonto sideeddeeda xubnood ee guddiga doorashada, waxaana rajeynaynaa in sidoo kale dhammaan Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, baarlamaan goboleedyada, ay billaabi doonaan u diyaar garowga doorashadooda ee xubnaha Aqalka Saree e Baarlamaanka Federaalka ee iyaga loo qoondeeyay.

Dhanka arrimaha kale ee mudnaanta leh, waxaan sidoo kale Puntland iyo dhammaan Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka ku dhiirrigelinaynaa inay la hadlaan Dowladda Federaalka si ay heshiis uga gaaraan tallaabooyinka xiga ee ku aaddan Dastuurka Federaalka Ku-meelgaarka ah, iyo barnaamijka 2021 ee maamulka cusub ee la filayo.

Intii aan joognay halkan Garoowe, waxaan sidoo kale ku ammaanay Madaxweyne Deni dadaallada maxalliga ah ee wax looga qabanayo saameynta duufaanta Gati, oo ah mid ka mid ah duufaannadii ugu xoogga badnaa ee abid ku dhufta Soomaaliya. Waxay gobolka muddo laba maalmood gudahood ku keentay in ka badan hal sanno oo roob ah, waxaana ku barakacay kumanaan dad ah, ugu yaraan siddeed qofna way ku dhinteen. Qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyo saaxiibada kale ee la hawlgala waxay si firfircoon ugu hawlan yihiin qiimeyn wadajir ah oo lagu sameeyo waxyeellada waxayna bixinayaan gargaar maaddi ah.

Annago soo gabagabeynayna booqashadeena, waxaan ka mahadcelinaynaa soo dhaweynta diirran ee ay inoo sameeyeen shacabka iyo maamulka Puntland. Midowga Afrika, Midowga Yurub, IGAD iyo QM waxay sii wadi doonaan inay idinla garab istaagaan iyagoo ah saaxiibo iyo la hawlgalayaal.

Mahadsanid, Mudane Madaxweyne.