Soomaaliya oo u dabaal degtay Maalinta ugu horeysay ee Caalamiga ah ee Ciritirka Xadgububyada Jinsiga iyo Colaadda

Ka qaybgalayaasha kulanka Maalinta Caalamiga ee Dabargoynta Galmoodka Khasabka ah ee Goobaha Colaadaha oo lagu qabtay Muqdisho

19 Jun 2016

Soomaaliya oo u dabaal degtay Maalinta ugu horeysay ee Caalamiga ah ee Ciritirka Xadgububyada Jinsiga iyo Colaadda

Maanta Soomaaliya waxay caalamka la wadaagtay inay u dabaaldegto maalinta ugu horeysay ee caalamiga ah ee Tirtiridda ee Xadgububyada Jinsiga iyo Colaadda, iyadoo dadweynaha laga codsaday in ay ka hadlaan denbigan.

HINNA, waa urur maxali ah oo aan dawli ahayn oo taageero ka hesha Howlgalka Qaramada Midoobay ee Kaalmaynta Soomaaliya (UNSOM) ayaa abaabushay si kor loogu qaado wacyigalinta ku saabsan mowduuca iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen madaxda dawladda, wakiillo ka socda ururada bulshada rayidka ah, ururrada haweenka, odayaasha iyo culumada Islaamka iyo dhibanayaasha faraxumaynta galmada iyo rabshadaha.

Ka qaybgalayaashu waxay ku hawlanaayeen wada hadal firfircoon oo ku saabsan rabshadaha galmada ee xilliyada colaadda, iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray Soomaaliya. Waxay sidoo kale soo dhaweeyeen maalintan iyada oo loo adeegsanayo in la soo jeediyo dareenka dadweynaha isla markaana muujiyay rajada ah in ay xoojinayso sharciyada hadda jira ee ka dhanka ah rabshadaha galmada.

Caasho Cismaan Ugaas, Guddoomiyaha ku xigeenka ee HINNA, ayaa cambaareysay rabshadaha galmada ee xilliyada colaadda. "Waxaan u baahanahay inaan ka hadalno xadgudubka galmada. Waxaan u baahanahay inaan dadweynaha gaarsiino in xadgudubka galmadu diinta Islamka waxba ku lahayan. Hoggaamiyayaasha diinta, u sheega dadweynaha in Quraanka Quduuska ah iyo Islamka ay xarrimeen xadgudubka galmada. Waa inaan dadka sidaas u sheegnaa, "ayay tiri Ugaas.

Adar Cali Maxamed, Agaasimaha Xiriirka Dadweynaha iyo Warfaafinta ee Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha, ayaa sheegtay in xukuumaddu ay dadaal wadajir ah sameynayso si wax looga qabto xumaantan, ayadoo marka hore la keenayo sharciyo adag. "Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqda Aadanaha ayaa qortay mooshin. Sharciga qabyada ah waxay ansixiyeen golaha wasiirrada, haatan wuxuu horyaalaa baarlamaanka. Tani waxay ka caawin doontaa ciribtirka xadgudubka galmada ee Soomaaliya mar hadii la sharciyeeyo, "ayay ku dartay.

Xadgudubka galmadu wuu ku baahsanyahay Soomaaliya oo si tartiib ah uga soo kabanayso labaatan sano oo dagaal sokeeye ah. Xeryaha marti galiya dadka gudaha ku barokacay ayay si gaar ah u saameeyeen. Sanadkii la soo dhaafay waxaa la sheegay in 94% oo ka mid ah xaaladaha xadgudubka galmada waxay ahaayeen dumar,  boqolkiiba 74% ka mid ah waxay ka soo jeedeen xerooyinka barakacayaasha gudaha.

Sanadkii la soo dhaafay, Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa 19ka June u asteeyay Maalinta Caalamiga ah ee ciribtirka Xadgububyada Jinsiga iyo Colaadda.

Baahida loo qabo in la soo afjaro xadgudubyada galmada aad ayay u weyn yahay, waxaa kaloo jira dadaallo wadajir ah oo ay sameynayaan Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Qaramada Midoobay, hay'adaha aan dawliga ahayn ee caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah iyo bulshada caalamka. Dadaallada wadajirka ah ayaa keenay guulo la taaban karo iyada oo loo marayo fulinta Qorshe Howleedka Qaran ee ciribtirka Xadgububyada Jinsiga iyo Colaadda ee Soomaaliya.