Kulan lugu qabeynayey ololaha sugidda ammaanka oo Muqdisho lugu qabtay

6 Jan 2016

Kulan lugu qabeynayey ololaha sugidda ammaanka oo Muqdisho lugu qabtay

Muqdisho – Kulan looga arinsanayey qaabeynta olole lugu dhisayey isfaham dhex mara bulshada iyo hay’adaha amniga ayaa lugu qabtay xarunta Wasaaradda Ammaanka Gudaha ee magaalada Muqdisho.  

Kulankan oo ay ka soo qaybgaleen xubno matalyey dhowr wasaaradood oo heer federal ah, laamaha amniga, saraakiil ka tirsan dariseynta iyo xubno ka socdey kooxaha bulshada rayidka ah, ayna ku jiraan ururrada haweenka iyo dhallinyarada ayaa diiradda lugu saaray sidii la isaga kaashan lahaa sugidda ammaanka.

Kulankan maalinta socdey ayey ka qaybgalayaashu xoogga ku saareen baahida loo qabo in la helo wadashaqeyn dhow oo dhexmarta shacabka iyo ciidamada nabadgelyada, si wax looga qabto xaaladdaha ammaanka.

Cabdillaahi Yuusuf Faarax oo ah agaasimaha arrimaha bulshada, wacyigelinta iyo warbaahinta ee Wasaaradda Amniga Gudaha, ayaa ka qaybgalayaasha u xaqiijiyey in fikradahoodu fure u noqon doonaan hirgelinta ololaha deriseynta ee wasaaraddu waddo.

“Ka qaybgalayaashu waxay ku baaqeen in la hagaajiyo wadashaqeynta dadweynaha iyo ciidamada nabadgelyada, si looga jibagaaro ololaha deriseynta bulshada. Si taas loo helana waxaan u baahannahay in aan labo-jibaarno dadaallada wacyigelinta, iyadoo loo marayo warbaahinta, kulamo wadatashi, tababarro, ciyaaro, suugaan, halkudhigyo iyo sidii kale ee bulshada lugu tiigsan karo”. Ayuu Cabdillaahi carrabka ku adkeeyey.

Cabdirahman Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) oo dowladda federaalka ah kala taliya arrimaha xiriirka istiraatijiga ah ayaa si weyn u ammaanay wada-xaajoodyada. Asagoo arrintaas ka hadlayana wuxuu yiri “Waxaan si diirran oo wada-jir ah iskula gorfeynay, sida Wasaaradda Amniga Gudahu ay u qaabeyn karto islamarkaana u fulin karto tiigsi dadweye oo wax-ku-ool ah, taas oo looga golleeyahay in dalka nabad iyo xasillooni waarta lugu soo dabbaalo. Fikradaha maanta la wadaagey iyo go’aamada ka soo baxaba waxay waxay nugu duwi doonaan bog cusub oo ku aadden wadashaqeyn dhexmarta bulshada Soomaaliyeed iyo hay’adahooda amniga, si nabad loo heelo”.

Guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed, Batuula Sheekh Axmed Gaballe, ayaa soo dhaewysey in dumarka laga qaybgeliyo goleyaasha looga hadlayo ammaanka dalka, taas oo ay ku tilmaantay tillaabo dhanka habboon loo qaaday. Waxayna intaa ku dartay in tani wax weyn ka tareyso miro-dhalka dadaalka la wado.

“Aad ayaan ugu faraxsannahay in dumarka lugu daro wadahadallada ku aadden ammaanka guud ee Soomaaliya, gaar ahaan sugidda nabadgelyada xaafadaheenna. Tani waa sida kaliya ee wax looga qaban karo amniga, sababtoo ah dumarku meel walba ayey joogaan”. Ayey tiri Batuula oo intaas ku dartay in haweenku u qalmaan garowshiyo habboon maadaama ay bulshada aad uga dhex muuqdaan, islamarkaana ay kaalin mug leh ka ciyaari karaan dadaallada nabadeynta Soomaaliya.

Si loo fuliyo aragtida badan ee laga aruuriyey kulankaas, ka qaybgalyaashu waxay isku raaceen in la ballaariyo kulamada caynkaan ah, iyadoo laga qaybgelinayo ururro kala duwan, islamarkaana fikradaha ka soo baxay loo beddelo ficillo dhab ah.