Soomaaliya oo xadhiga ka jartay xabsi cusub iyo dhismo maxkamadeed

23 Feb 2019

Soomaaliya oo xadhiga ka jartay xabsi cusub iyo dhismo maxkamadeed

Muqdisho, 23 Febraayo 2019- Nidaamka caddaaladda iyo dhaqan celinta ee Soomaaliya ayaa si weyn u soo xoogaysanaya iyada oo xariga lagaga jarey Xabsiga Cusub ee Muqdisho iyo dhisme Maxkamadeed (XMDHM) xaflada furitaanka ayaa ay ka qayb galeen masuuliyiin sare oo ka tirsan xukuumadda federaalka iyo ururada caalamiga ah ee horumarinta.

Xaruntunta cusub waxay haayadaha garsoorka siin doontaa kaabayaasha lagama maarmaanka ah iyo deegaan ku haboon in ay dacwadahooda ku qabsaan si nabdoon oo amaan ah, taaso oo caawinaysa shaqaalaha garsoorka iyo hawlwadeenada xabsiga iyo sidoo kale eedaysanayaasha.

"Waxaan rajeynayaa in xaruntani ay u adeegi doonto kuwa la khalday, ayna fududayn doonto howlaha shaqaalaha garsoorka iyo dadka ka shaqeeya qaybta dhaqan celinta," ayuu yiri Raysal Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Kheere, oo ka hadlay munaasabadda lagu qabtay caasimadda Soomaaliya.

Munaasabadda waxaa sidoo kale ka soo qaybgalay Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliya, Jeneraal Bashir Maxamed Jaamac, Safiirka Denmark u fadhiya Soomaaliya, Mette Knudsen; Agaasimaha Kooxda Sharciga iyo Hay'adaha Amniga ee Howlaha Gargaarka ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Marco Carmignani, Wakiilka Gobolka ee Xafiiska Qaramada Midoobay ee Maandooriyaasha iyo Dambiyada (UNODC), Amado De Andres, iyo Madaxa Xafiiska Barnaamijka Qaramada Midoobay ee Adeegyada Mashruuca (UNOPS) ee Soomaaliya, Sayed Farooqui.

Xaruntan, oo dhismiheedu socday tan iyo Bishii Disembar 2015, ayaa qayb ka ah mashruuc weyn oo ay UNODC u fulinayo saddex waji iyada oo ay ku taageerto UNOPS. Waxaa maalgeliyay dowladaha Denmark, Netherlands iyo Boqortooyada Ingiriiska.

Wajiga koowaad ee Mashruuca ayaa la dhameeyey waxaanu ka kooban yahay maxkamad, 250-sariirood oo xabsi amaankiisu aad u adagyahay, iyo hoyga garsoorayaasha, xeer-ilaaliyeyaasha iyo qareennada inta lagu gudajiro habka maxkamadaynta.

Shaqada wajiga labaad ayaa ah mid hadaba socota, taas oo ah dhismaha qolal xabsi oo dheeraad ah iyo qol maxkamadeed labaad.

Mudane De Andres ayaa sheegay in mashruucan uu qayb ka yahay dadaalka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ugu jirto wax ka qabashada argagixisada iyo dembiyada abaabulan iyo xoojinta dadaalada socda ee waddanka lagu xaqiijinayo nabadda, xasilloonida iyo maamul wanaagga.

"Haddaan la helin nabad, xasilloonida, hay'ado dawladeed oo waxtarka leh, hufan, la lana xisaabtami karo iyo nidaam maamul oo ku saleysan sharciga, ma rajayn karno in aan gaadhno horumar waara," ayuu yiri.

Waxa dhismaha xarunta u dheer in ay waafaqsan tahay una hogaansamayso Xeerarka Qaramada Midoobay ee la daryeelka Maxaabiista, UNODC waxay sidoo kale ka caawin doontaa kaalmo farsamo iyo tabobaro shaqaalaha garsoorka si loo hubiyo in habka maxkamadeyntu yihiin kuwo cadaalad ah oo hufan.

Danjire Knudsen ayaa xustay in xaruntani (MPCC) ay sidoo kale Soomaaliya siineyso fursad ballaaran si loo xoojiyo isku xukunka sharciga iyo xakameynta dambiyada.

"Waxaan aaminsannahay in MPCC ay leedahay awood isbedel ka dhalin karta Soomaaliya dhanka sharciga, la dagaallanka argagaxisada iyo ka hortagga xag-jirnimada," ayay tiri.

Safiirka ayaa tiri xaruntani waxa ay seeska u dhigi doontaa nidaam heerkarka xuquuqda aadanaha ee laga hirgelinayo xabsiyada Soomaalida waxayna muujiysay rajo wanaagsan oo ay ka qabto in MPCC ay fududeyn doonto kala wareegi maxkamada ciidanka xooga dalka eedaysanayaasha khatarta weyn ka imanayso si loogu maxkamadeeyo xarunta.

Munaasabadda furitaanka xaruntan causub ayaa ku beegnayd sannad-guuradii 49-aad ee aasaaskii Ciidanka Asluubta Soomaaliya.