UNSOM oo Siciid Cabdullaahi Deni ugu hambalyaysay doorashada loo doortay Madaxweynaha Puntland

9 Jan 2019

UNSOM oo Siciid Cabdullaahi Deni ugu hambalyaysay doorashada loo doortay Madaxweynaha Puntland

WAR-SAXAAFADEED 02/2019

Muqdisho – Sii-hayaha Madaxa Xafiiska Hawlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) ahna Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Raisedon Zenenga ayaa ugu hambalyeeyay Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Mudane Axmed Cilmi Karaash doorashada loo kala doortay Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, ee codeyntii ka dhacday Golaha Baarlamaanka ee Dowlad Goboleedka Xubta ka ah Dowladda Federaalka.

Sii-hayaha ayaa sidoo kale ugu hambalyeeyay guddiga doorashooyinka abaabulka iyo daadihinta geedi-socod doorasho oo daah-furan, nabdoon, xor ah oo cadaalad ah.

“Waxaan rajaynaynaa in aan si dhow ula shaqayno maamulka Madaxweyne Deni ee Puntland,” ayuu yiri Md. Zenenga. “Waxaan sidoo kale bogaadinaynaa Madaxweynaha xilka kasii degaya ee Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali ‘Gaas’ iyo maamulkiisii oo aan ku bogaadinayno kor-joogtaynta xil-wareejin nabdoon iyo diyaarinta jawi u suurto-geliyay guddiga doorashada inay qabtaan geedi-socod doorasho oo guul leh.”