Soomaaliya oo xarigga ka jartay qabyo-qoraalka siyaasadda Xeerka Badda

10 Jul 2016

Soomaaliya oo xarigga ka jartay qabyo-qoraalka siyaasadda Xeerka Badda

Dukuminti qabyo-qoraal ah oo ku aaddan siyaasadda Badda Soomaaliya oo looga gol leeyahay horumarinta Xeerka Badda Soomaaliya ayaa taageero ka helay hay’adaha muhiimka ah ee dalka u qaabilsan arrimaha badda iyo hay’adaha qaabilsan horumarinta.

Qabyo-qoraalka siyaasadda ayaa lagu daahfuray munaasabad heer sare ah oo maanta lagu qabtay amgaalada Muqdisho, taas oo ay ka soo qeybgaleen mas’uuliyiiin sare oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, mas’uuliyiin ka socday maamul-goboleedyada, iyo Hay’adda IMO ee ka shaqeysa sharciyiada ilaalinta Xeebaha Caalamka iyo Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM).

Xeerka dib-u-eegista lagu sameeyay ee badda ayaa dabooli doona arrimo la xiriira badbaadada badda, wasakhaynta badda iyo xeerka ganacsiga ee badda.

“Soomaaliya waxaa hor yaalla fursado waa-wayn, balse waxay sidoo kale wajahaysaa caqabado waa-wayn. Waxaan isu diyaarinaynaa inaan si buuxda uga faa’iidaysanno khayraadka dalkeenna xeebaha leh. Waxaan kaloo rajeyneynaa hay’adda IMO inay naga caawiso inaan ka faa’iidaysanno fursadahan, iyadoo sidoo kalena naga caawinaysa caqabadaha la xiriira xirfadaha,” ayuu yiri Raysul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Maxamed Cumar Carteh oo guddoominayay daahfurka sharciga dib loo darsay.

Waxaa daahfurkan xigi doona madal ka dhici doonta caasimadda Rwanda ee Kigali laga billaabo 12-ka Luulyo ilaa 15-ka Luulyo, 2016, taas oo lagu lafaguri doono sharcigan, oo gacanta lagu hayay muddo afar sano ah, Dib-u-hubinta ayaa looga gol leeyahay iin Xeerka Badda Soomaaliya ee la qoray 1959, kaas wax laga baddalay 1988, in la waafajiyo Xeerka Caalamiga ah ee Badda.

“Wasaaradda iyo guud ahaan Dowladda Federaalka ayaa ku faraxsan inay aragto sharcigan oo la waafajiyay xeerarka caalamiga ah ee badda,” wasiirka badda iyo gaadiidka badda, Nuur Faarax Xirsi ayaa sheegay.

Iyadoo la kaashanaysa Hay’adda IMO ee ilaalinta xeebaha caalamiga, Soomaaliya waxay yeelan doontaa mas’uuliyado dheeraad ah oo ay ku dhaqangelinayso sharcigan si ay u sugto ammaanka xeebaheeda.

“Maanta waa maalin muhiim ah maadaama aan daahfurayno Sharciga Badda Soomaaliya ee 1959 ee dib loo darsay, kaas oo wax laga baddalay 1988, si loo waafajiyo Xeerka Qaramada Midoobay ee Badaha (UNCLOS) iyo hab-dhaqannada kale ee wanaagsan ee caalamiga ah si ay Soomaaliya awood ugu yeelato inay maarayn karto badaheeda oo dhan ee aagga dhaqaalaha gaarka ah,” ayuu yiri sarkaal sare oo UNSOM u qaabilsan arrimaha badda, Eric Brandenburg.

Kiruja Micheni oo ka socday IMO ayaa yiri: “Hannaankan waa mid taageero ka helayo Hay’adda Caalamiga ah ee qaabilsan arrimaha badaha ee IMO oo iyadu codsi ka heshay Dowladda Federaalka Soomaaliya. Sidaad ka war qabtaan, dalkan wuxuu leeyahay mid ka mid ah xeebaha ugu dheer Afrika, oo ay ka buuxaan khayraad dhaqaale oo mug wayn leh oo ku jira badda. Xaqiiqdii, waxaan ku tilmaami karaa Soomaaliya dal hodon ku ah khayraadka badda, si aad uga faa’iidaysataan khayraadkan, waa inaad xaqiiqdii leedihiin nidaam sharci ah oo degsan, sidoo kale waa inaad leedihiin nidaam hay’adeed si fursadahan looga faa’iidaysto.”

Hay’adaha UNSOM iyo IMO waxay taageero farsamo ah ka siinayaan Dowladda Federaalka Soomaaliya dib u hubinta Sharcigeeda Badda taas oo qeyb ah dadaallada dib u dhiska hay’adaha dowliga ee Soomaaliya.