WGXG Zerrougui oo ku baaqday in la hagaajiyo ilaalinta carruurta ay saameeyeen colaadaha hubeysan

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Carruurta iyo Colaadda Hubaysan, Leila Zerrougui, ayaa la kulantay Ra’iisal Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, intay ku gudajirtay booqasho shaqo oo ay ku tagtay Soomaaliya 17kii Luulyo 2016

21 Jul 2016

WGXG Zerrougui oo ku baaqday in la hagaajiyo ilaalinta carruurta ay saameeyeen colaadaha hubeysan

Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud (WGXG) ee Qaramada Midoobey (QM) u qaabilsan carruurta iyo colaadaha hubeysan, Leila Zerrougui, ayaa soo gabengabeysey booqasho Lix maalmood qaadatay oo ay ku timid Soomaaliya, halkaas oo ay ka soo jeedisey baaq la xiriira in daryeel sidan ka wacan loo fidiyo carruurta ay colaadaha hubeysan dalka qabsadeen.

Iyadoo ka hadleysey shair jaraa’id oo maanta Muqdisho ka dhacay, ayey Ms. Zerrougui waxay rajo wanaag ka muujisey dadaallada Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo mas’uuliyiinta Puntland ugu jiraan hagaajinta xaaladaha carruurta ku jira colaadaha hubeysan.

“Ma dooneyno oo keliya in aan ka saarno xayndaabka geerida, waxaan u baahannahay in aan carruurta u fidinno ilaalo, islamarkaana aan jilayaasha dhowrista caruurta kala shaqeyno. Gaar ahaan haddii carruurta qaarkood u baahan yihiin daryeel la xiriira in laga caawiyo sidii ay bulshada ugu dhex laaban lahaayeen,” ayey tiri Zerrougui oo intaas ku dartay. “Waxaan diyaar u nahay in aan sameyno intii karaankeenna ah,  waxaan mas’uuliyiinta dowladda iyo mas’uuliyiinta u xaqiijiyey in aan sameyn doonno wixii karaankeen ah si loo taageero hindisahan.”

WGXG waxay booqatay xarumaha lugu xiro carruurta ee  ku kala yaal magaalooyinka Garowe iyo Boosaaso, waxayna mas’uuliyiinta Soomaaliya oo dhan ku boorrisey in caruurta dagaallada lugu qabto loola dhaqmo sidii dhibbaneyaal, ee aan looga arki lahaa dambiileyaal .

“Sidoo kale, waxaan jeclaan lahaa in aan carrabka ku adkeeyo ahmiyadda dib-u-dhexgelidda. Marka khalad dhaco, waxaan u baahannahay inaan hubinno in la saxo khaladka dhcay. Waana in aan carruurta si gaar ah ula dhaqannaa, si hadhow marka ay bulshada ku soo laabtaan aan loo faquuqin, lagu xad-gudbin, islamarkaana aan jidadka looga tagin”, ayey ayey markale tiri Ms. Zerrougui.

Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey (QM) u qaabilsan carruurta iyo colaadaha hubeysan, waxay ugu baaqday mas’uuliyiintu in ay xil iska saaraan sidii bulshada loogu soo dhex dari lahaa carruurta horay loo askareeyey, sidoo kalena wax laga qabto faquuqidda iyo ku xad-gudubka lugula kaco carruurta aan weli qaangaarin ee qalalaasaha martida u noqday.

Bishii maarso, ciidamada ammaanka ee Puntland ayaa qabtay ka dibna xiray tiro carruur ah, ka dib markii la jabiyey kooxo Al-Shabaab ka tirsan oo duullaan ku qaaday qaybo ka tirsan maamulkaas.

Intii ay socdaalkeeda Puntland ku guda jirtey, Laila Zerrougui waxay kulamo la yeelatay madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Madaxweyne Ku xigeenka, Wasiirka Garsoorka, Garsooreyaal and Dacwad-oogeyaal.

Waxay sheegatay in ay ballanqaad ka heshay mas’uuliyiinta Puntland, in 12 carruur la askareeyey ah oo dagaalka lugu qabtay, ka dibna dil lugu xukumay aan xukunkaas lugu fulin.

Sidoo kale, Ms. Zerrougui waxay wadahadallo kula yeelatay magaalada Muqdisho, saraakiil sar sare oo Dowladda Federaalka ah ka tirsan, sida Ra’isul Wasaare Cumar Cabdirashid Cali Sharma’arke, wasiirrada gaashaandhigga iyo ammaanka qaranka iyo wakiillo ka socdey ururrada bulshada rayidka ah ee ilaalinta carruurta u dhaqdhaqaaqa.

Booqashada Wakiilka ayaa ku soo beegmay in yar ka hor inta aan Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey loo gudbin warbixin sannadeedka carruurta iyo colaadaha hubeysan 2 August 2016.