Fannaan da’ yar oo Soomaaliya ku daaweynaya heeso

15 May 2016

Fannaan da’ yar oo Soomaaliya ku daaweynaya heeso

Khadar Ibraahim Keeyow wuxuu heesaha ku billaabay 13 sano jir, muddo lix sano gudahood ahna wuxuu caan ka noqday Soomaaliya. Hamuuntiisa faneed waxay soo billaabatay isagoo carruur ah, Haddana waa 19 jir. Khadar wuxuu sheegay in uu heesaha kaga dayday fannaankii weynaa ee Maxamed Suleebaan Tubeec. Miraha heesahiisuna waxay u badan yihiin kuwo xambaarsan farriimo maslaxadeed jaceyl iyo dulqaad isugu jira.

“Is jeclaada oo midooba. Ha ku lugyeelanina dagaallada qabiilka”. Ayuu Keeyow dhallinyarada saaxiibbadiis ah iyo fannaaniinta kaleba u sheegay mar uu ka hadlayey kulan ka dhacay mid ka mid ah hoteellada Muqdisho maalmo ka hor Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee 15-ka May.

Fannaankan soo baxaya, oo heesihiisu dad badan ay ku abuuraan dareen wadaniyadeed, wuxuu ku boorriyaa dhallinyarada Soomaaliyeed in ay tabartooda isugu geeyaan hawlaha bulshada waxtarka u leh.

Isagoo ka hadlayey soo dhaweynta Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed, Khadar wuxuu dhibaatooyinka ragaadiyey Soomaaliya u aaneeyey qabyaaladda sida khaldan loo adeegsadey. Wuxuuna aamminsan yahay in farriimaha heesihiisu xambaarsan yihiin ay beddeli karaan qalbiga dhallinyarda. Wuxuu kaloo heesaha u adeegsadaa in uu dhallinyarada ku guubaabiyo dib-u-dhiska Soomaaliya.

“Haddii aan isku dayo inaan meelo kale ka heeso, farriinteydu waxay ku dhex lumi kartaa fagaaraha muusigga caalamiga ah, dadkeyguna waxay ku sii jirayaan dagaal”. Ayuu yiri Khadar.

Isagoo ka hadlaya adeegsiga dhallinyarada ee Al-Shabaab, Khadar wuxuu dhallinta uga digey ku lug yeelashada dagaallo aysan fahamsaneyn.

“Markii aan billaabay heesidda, Al-Shabaab waxay ka talinayeen qaybo Muqdisho ka mid ah. Hadda dowlad ayaa dalka ka jirta, welina waxaan qaadaa heesaha jaceylka iyo waddaniyadda ku qotoma”. Ayuu yiri Khadar.

Fannaankan Dhowr iyo Toban jirka ah, hooyadiis waxay xoortay isagoo saddex billood oo qura dhallan, ka dibna waxaa soo korsaday ayeydiis iyo awowgiis oo da’ ah.  Markuu Siddeed sano jirsadayna waxaa geeriyooday aabihiis.  La noolaanshaha waalidiintiisa labaad waxay ku qasabtay in uu yaraan ku billaabo hanashada noloshiisa. Sida laga dhadhansan karo farriimaha ay gudbinayaan heesahiisu, taariikh nololeedka Khadar waxaa ku badan rajo iyo dhabar adayg.  

“Mustaqbalkeygu wuxuu yaal Soomaaliya. Markaan socod ku maro waddada Lambar 4 ama Makka Al-Mukkarrama, waa la i wada garanayaa”. Ayuu yiri Khadar oo xusaya goobaha heesihiisa sida weyn looga daaro ama looga dhegeysto.