Soomaaliya waxay maraysaa isgoys xasaasi ah, xilli ay shirayaan madaxda DF iyo Maamulladu

21 Aug 2020

Soomaaliya waxay maraysaa isgoys xasaasi ah, xilli ay shirayaan madaxda DF iyo Maamulladu

Jeer doorashooyinkii Baarlamanka ee Nofeembar loo qoondeeyey ay dib u dheceen cudurka COVID-19 dartii, waxay Soomaaliya maraysaa isgoys xasaari ah, sida uu Ergayga QM ee dalku uu ka sheegay madasha aan caadiga ahayn ee Golaha Ammaanka Khamiistii, iyadoo DF iyo Maamullada lagu cadaadiyey inay isku raacaan moodal doorasho, iyo xoojinta mugga ciidamada qaran ee la doonayo inay gacanta ku qabtaan amaanka dalka, sanadka xiga.

“Waanu fahamsan nahay in ay madaxdu kala aragti duwan tahay iyo inay xiisadda siyaasadeed cirka marayso xilliga doorashadu soo foolka leedahay,” ayuu yiri James Swan, Ergayga Gaarka ah iyo Madaxa Xafiiska Howlgalka QM ee Soomaaliya (UNSOM). “Misna, sida cad waa xilligan oo kale, marka aadka loogu baahan yahay inay madaxda dalku wada hadal galaan.” ayuu daba dhigay.

Wuxuu ismari waaga jira uga sheekeeyey Danjireyaasha Golaha Amaanka, iyada oo la doonayo in Baarlamanka loosoo doorto si toos ah, sida ku dhigan Dastuurka Qabyada ah ee Federaalka.

Ha yeeshee, Dastuurka ayaa qaba in doorasho la qabto afartii sanadoodba mar – taasoo la micne ah in doorashada la qabto dhamaadka bisha Nofeembar. ''Suurtagal ma aha in laga soo wada boxo labadan dalab. Waxaa loo baahan yahay heshiis sal ballaaran,'' ayuu yiri Ergaygu.

Madaxda oo la iskugu yeerey

Si xeer jajab loo galo, madaxda Soomaalida ayaa todobaadkan iskugu tegey Dhuusamareeb isaga oo soo hadal qaaday kulanka Madaxwayne Maxamed Cabdullaahi "Farmaajo" iyo madaxda maamullada Galmudug, Hirshabeelle KG Soomaaliya. “Waa muhim in madaxda Soomaaliya ay xilligan isu yimaadaan si looga dhabeeyo danaha qaranka,” ayuu yiri.

Sara kaca weerarrada al-Shabaab

Dhanka amaanka, wuxuu sheegay jirtaanka wax uu ku sheegay “sare kac wel wel leh” oo ku dhacay weerarrada al-Shabaab, gaar ahaan Muqdisho, isagoo soo qaatay weerarkii 16-kii Agoosto lagu qaaday Elite Hotel iyo baahida aan su'aasha lahayn ee howlgallo lagu samaynayo "ammaan adag" si kooxahan looga hor tago.

Xaqiidii, Soomaaliya waa inay amaankeeda gacanta ku dhigtaa 2021-ka, ayuu sheegay, wuxuuna sheegay waloow la xarriiqay qorshaha kala guurka, in abuuritaanka ciidamada uu dib u dhac ku yimid 2020-da, cudurka COVID-19 dartii.

Daadad, macluul, duullaan ayax oo cadaadi la yimid dhanka aadminnimada

Wuxuu Ergaygu sheegay inay dheceen meertooyin cusub oo daadad iyo macluul ah kuwaasoo uu wehliyo ayax soo duuley iyo cudurka COVID-19, isagoo hoosta ka xarriiqay in 5 milyan oo qofood – 3 meelood oo hal meel dadka Soomaaliya — ay weli u baahan yihiin kaalmo, isagoo tilmaamay in baaq lagu dalbaday $1 bilyan oo lacag ah 50% oo qura laga helay.

Wuxuu rejo ka muujiyey in Dowladda iyo Raysal Wasaaraha cusubi, marka la magacaabo, ay karraarin doonaan ajendaha isbedel doonka ah ee horumarinta qaranka.

“Horumarka Soomaaliya wuxuu u baahan yahay isku taxallujin muddo dheer ah oo dhanka dowlad wanaagga, cadaaladda, ixtiraamka xuquuqul insaanka, ka qayb galka haweenka, da'yarta iyo dadka laga tirada badan yahay ah, si qaranka loo dhiso,” ayuu yiri.

Wuxuu kaloo diidey, isagoo ay wehliyaan saraakiisha sare ee xuquuqda ugu qaybsan QM, sharci uu Baarlamanku ansixiyey oo cinwaan looga dhigay, “Xeerka Dembiyada Galmada,” kaasoo ku tumanaya ilaalinta guurka carruurta iyo guurka khasabka ah, iyo sidoo kale waajibaadka xuquuqul insaanka caalamiga ah oo ay Soomaaliya qayb ka tahay.

Isha: UN News