Muqdisho – “Dhaqanku waa isha horumarka iyo hal-abuurkeenna waana in aan si taxaddar leh u daryeelnaa si loo hiigsado kobac iyo horumar,” sida uu sheegayo Guddiga Dhaqanka iyo Horumarinta Adduunka - waana aragti ay dad badan oo Soomaali ah ku qanacsan yihiin, gaar ahaan kuwa ku howlan qeybaha fanka iyo dhaqanka ee dalka.
“Soomaalidu aad ayey u jecelyihiin dhaqankooda. Tobannaan sano oo colaado iyo rabshado ah kama aysan hor joogsanin soo-saarista heesaha iyo gabayada,”ayuu yiri Cumar Cali Xasan Seerbiya, oo ah qoraa dhaqameed iyo falanqeeye dhanka suuqaanta ah, oo xaruntiisu tahay caasimadda Muqdisho.
Waxaa jira sababo badan oo Soomaalida dhiirageliyey.
Xilli waddanku dib u dhisayo hay'addiisa siyaasadeed iyo kaabayaashiisa kaddib tobannaan sano oo colaado iyo rabshado ah, oo uu dalku la tacaalayey arrimo badan oo ku saabsan waddada uu ku tagayo nabadda iyo xasilloonida, ayaa dhawaan waxaa soo muuqday isbedel aad u weyn oo uu ku yeeshay horumarinta iyo dib u soo nooleynta dhaqanka dib u furidda Tiyaatarka Qaranka.
Siddeed sano kaddib markii ay burburisay kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab, waxaa dib luugu furay dadweynaha 1-dii Luulyo - isla taariikhdaas oo ah sannad guurada madax-bannaanida Soomaaliya – arrintan ayaa loo arkay loona soo dhoweeyay inay tahay tallaabo muhiim u ah soo celinta dhaqanka Soomaaliya.
Hadiyad ka timid Shiinaha
Ka hor dagaalkii sokeeye bilowgii 1990-yadii, Soomaaliya waxa ay xudun u ahayd dhaqanka – kaas oo ka imaanayey hidaha, dhaqanka iyo suugaant dalku uu hodanka ku yahay iyo hannaanka sheeko sheegidda casriga ah oo Soomaalida dheeri u aheyd, kuwaas oo lagu muujin jiray heeso, muusik, Qoob kaciyaarka, iyo ciyaaro kale oo ay Soomaalidu suuqaan ahaan ugu adeegsato goobaha lagu kulmo.
Iyaadoo ah Hadiyad ka timid Hoggaamiyahii Shiinaha Mao Zedong oo Soomaaliya ku socota 1960-yadii, Injineerro Shiineysa ah ayaa dhisay Masraxa Qaranka, 1967-kii ayaa la furay isla sanadkaas waxaana uu ahaa Masruxu goob muhiim u ah horumarka dhaqanka ee dalka sanadihii 1970-yadii iyo 80-meeyadii.
Waxuu xirmay 1991, bilowgii dagaalkii sokeeye, waxaana loo adeegsaday saldhig ay isticmaalaan dagaal oogayaashii magaalada ka dagaallamayay. Si xun ayaa loo waxyeeleeyey, waxa uuna noqday mid aad u burburay. Markii ciidamada dowladda iyo kuwa nabad ilaalinta ee Howlgalka Midawga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ay al-Shabaab ka saareen xarunta caasimada sanadkii 2012, goobta ayaa la hagaajiyay oo dib loo furay - si kastaba ha noqotee, xagjiriinta Al-Shabaab ayaa burburiyey 15 maalmood kadib furitaankii iyagoo ku qaaday weerar ismiidaamin ah.
Dib u dhiska iyo dib u cusbooneysiinta
Tan iyo wixii markaas ka dambeeyay, waxaa jiray hanaan wakhti qaatay oo dib loogu dhisayo goobta, iyada oo taageero laga helayo Masuuliyiinta Soomaaliya, ganacsato iyo bah-wadaagta caalamiga ah sida Shiinaha - iyo sidoo kale bulshada Soomaaliyeed. Iyadoo howshu ay dardar ku socotay sanadihii ugu dambeeyay.
“Waxaan dib u dhis iyo dib u cusbooneysiin ku wadnay Masraxa muddo hal sano iyo bar ah. Waxaan ka saarnay burbur iyo wasaq. Waxaan ku gaarnay heerkan dadaalkii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi 'Farmaajo' ee'Isxilqaan. Sidoo kale, Soomaali badan ayaa dhaqaale ahaan gacan ka gaysatay dib u hagaajinta Tiyaatarka Qaranka. Maantana, Allaa Mahad iska leh, Masruxu waa uu shaqeeynayaa, ”ayuu yiri Agaasimaha Masraxa Qaranka, Cabdulqaadir Cabdi Shube.
Hadda, hoolka weyn ee masraxa waxa uu qaadaa 1,270 qof. Maamulka Tiyaatarka ayaa rajeynaya inay kordhiyaan tiradaas oo ay sii balaariyaan xaruntan.
“Waxaan dooneynaa in Tiyaatarka shaqeeyo boqolkiiba boqol; xitaa si ka ka fiican sidii hore. Waxaan rajeyneynaa inuu noqdo meel shirar, aqoon isweydaarsiyo, shirar dhaqameedyo, madadaalo iyo dabbaaldegyo, muusig iy tartamo lagu qabto,”ayuu hadalkiisa sii raaciyey Mudane Shube.
Goor dhow
In kasta oo Masraxa Qaranku uu furan yahay, haddana wali si buuxda uma shaqeyn, fanaaniinta uma saamixin inay soo bandhigaan fankooda guud ahaan - sababtoo ah waxaa saameeyey COVID-19 oo ah musiibo dunida oo dhan ka taagan.
Balse, sida uu sheegayo Mudane. Shube, riwaayado iyo heesaha ayaa horeyba loo soosaaray, kuwaas oo lala wadaagi doono dadweynaha Soomaaliyeed ee Masraxaha ku soo xirmaya, waxa ayna arrintani gacan ka geysan doonta dib u soo noqoshada xaraunta fanka iyo dhaqanka Soomaaliyeed.
Waxaan u sheegayaa Soomaalida oo dhan in Tiyaatarku uu u furan yahay. Waa muhiim in aan wada shaqeyno, Gaar ahaan arrimaha amniga, maadaama Tiyaatarka laftiisu yahay hanti dadweyne. Waxa uu sheegay in uu filayo in bilaha soo socda dadweynaha loo sameydoono bandhigyada ugu horreeya ee uu masruxu martigalinayo.
“Helitaanka meel gaar ah sida Masraxa oo kale ayaa ka caawin doonta farshaxanka dalku inuu horumar sameeyo. Fannaaniinta iyo abwaaniintu waxay heli doonaan meel ay ku muujiyaan hal-abuurkooda. Dadka jecel dhaqanka iyo farshaxanka Soomaaliyeedna waxay heli doonaan meel ay ku daawadaan oo ay kula falgalaan suugaanleyda,”ayuu yiri qoraaga dhnka dhaqanka, Mudane Cumar.
Wuxuu sidoo kale u arkaa in uu Tiyaatarku door ka ciyaarayo in dhallinyarada Soomaaliyeed ay ku faanaan dhaqanka dalkooda, isla markaana ay u heli lahaayeen dariiq ay iyagu isku muujiyaan, kaas oo ka fogeynaya xagjirnimada iyo rabshadaha.
“Nabadu waa farxad. Tiyaatarku waa goob fariimaha nabadda lagu gaarsiin karo dadka. Mudane Xasan ayaa hadalkiisa sii raaciyey. "Isla mar ahaantaana, waa goob dhallinyarada u noqon karta meel ay oga fogaadaan dagaalada iyo rabshadaha."
Dib u soo nooleynta dhaqanka
Howlaha Soomaaliya ay ka qabaneyso dhanka fanka iyo dhaqanka ayaa soo kordhayey. Bishii Febraayo, Agaasimaha Guud ee Sayniska, Waxbarashada iyo Dhaqanka ee Qaramada Midoobay (UNESCO), Audrey Azoulay, ayaa booqatay Muqdisho, halkaas oo ay ku saxiixday heshiis ay ka mid yihiin yoolka xoojinta dadaallada lagu ilaalinayo hiddaha iyo dhaqanka dalka.
Dhanka dhaqanka, Soomaaliya iyo UNESCO waxay iska kaashanayaan awood-dhisidda iyo tababarka xirfadeed, iyada oo ay hay'addan Qaramaada Midoobayna ay ka taageereyso Soomaaliya dib u soo celinta howlihii Tiyaatarka Qaranka, iyo sidoo kale matxafka iyo maktabadda dalka.
Sidoo kale, dabayaaqadii bishii Luulyo ee sanadkan, Soomaaliya waxay u soo bandhigtay UNESCO ansixinta heshiikii UNESCO ee la xiriira Ilaalinta Dhaqanka iyo Dhaxalka dabiiciga ah ee Dunida (1972), iyada oo ka dhigan in Soomaaliya ay noqotay dalkii 194-aad iyo sidoo kale heshiiskii (2003) ee Ilaalinta dhaxalka aan maadiga aheyn oo ay Soomaaliya noqotay dalka 180-aad.
Soomaaliya waxa ay noqotay waddankii ugu dambeeyay ee Afrika ee ku biiro heshiiska Dhaqanka Adduunka.
UNESCO waxa ay sheegtay in Soomaaliya ay leedahay hanti badan iyo dhaxal dabiici ah, iyo sidoo kale hiddo nool, iyadoo xustay in hirgalinta halbeegaan asaagiga ah, oo ay weheliso taageerada caalamiga ahi ay gacan ka geysaneyso in ay soomaaliya ka caawiso ilaalinta dhaxalkan.
Maadaama ay tahay Soomaaliya dalkii ugu damabeyey ee heshiiskan Adduunka, Soomaaliya waxa ay fursad u heli doontaa in ay soo gasho liiska goobaha UNESCO ee Dhaxalka Adduunka. Dal ahaan soomaaliya heshiiskani waxa uu ka caawin doonaa ilaalinta dhaxal-dhaqmeedkeeda qaaliga ah, taas oo waddada u sii xaari doonta jiilka cusub ee Mustaqbalka.