SRSG Kay oo amaanay warbaahinta kuna baaqay in la ilaaliyo lana dhowro xoriyadda saxaafadda

3 May 2014

SRSG Kay oo amaanay warbaahinta kuna baaqay in la ilaaliyo lana dhowro xoriyadda saxaafadda

Muqdisho – Iyadoo Maalinta Xoriyadda Saxaafadda looga dabbaaldegayo adduunka oo idil, Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya (SRSG), Nicholas Kay, ayaa amaan u soo jeediyay saxafiyiinta Soomaaliyeed ee naftooda ku waayay iyagoo waajibkooda gudanaya. Wuxuu ku baaqay in la wada ilaaliyo lana dhowro xoriyadda saxaafadda, wuxuuna amaanay warbaahinta firfircoon oo sii kobceysa ee ka jirta Soomaaliya.