Hala maal geliyo dadka Soomaaliyeed, ayeey tiri Kaaliyaha Xog-hayaha Guud, Cheng–Hopkins

5 May 2014

Hala maal geliyo dadka Soomaaliyeed, ayeey tiri Kaaliyaha Xog-hayaha Guud, Cheng–Hopkins

Muqdisho – Kaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Taageeridda Dhismaha Nabadda, Judy Cheng-Hopkins ayaa shalay soo gaartay Muqdisho oo booqasho shan maalmood ah uga billaabatay Soomaaliya. Ms. Cheng-Hopkins waxay maalmaha yar ee soo socdo kala xaajoon doontaa Dowladda Federaalka ah iyo weliba dadka Soomaaliyeed waxyaabaha mudan taageerada Deeqda Dhismaha-Nabadda loogu talo galay. Maanta waxay la kulantay Ra’iisul Wasaaraha, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka, Wasiirka Maaliyadda iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka.

Markii ay timid Kaaliyaha Xog-hayaha Guud, Cheng Hopkins waxay tiri “Deeqda Dhismaha-Nabadda waxay jawaab iyo caawin u noqon doontaa Dowladda Federaalka ah waqti ku haboon, fudud, kuna qotoma xaqiiqada si loo sii socodsiiyo dadaallada dhismaha wadanka iyo nabadda ee Qorshaha Hiigsiga Cusub ee Soomaaliya.”

19-kii Maarso, Ergeyga Gaarka ah ee Xog-hayaha Guud u qaabilsan Soomaaliya, Nikolas Kay, ayaa ku dhawaaqay in $3 malyan oo kamid ah Deeqdaas lugu taageero dadaallada xasilinta ah ee ka socdo meelaha dhawaan la xoreeyey oo kamid ah koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. Howl-galka QM ee Kaalmeeynta Soomalaiya oo kaashanaayo Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka waxaa hadda gebo-gebo u ah mashruucii ugu horreeyey ee lugu bixinaayo Deeqahaas.

“Waa in aan dadka Soomaaliyeed u maal-gelinnaa si la mid ah sida aan u maal-gelinno dalka” ayey tiri Kaaliyaha Xog-hayaha Guud, Cheng-Hopkins. “Deeqdan waxaa loo qoondeeyey in si gaar ah loogu caawiyo haweenka, caruurta, dhalinyarada, dadka tabarta daran, dadka laga tiro badan yahay iyo qof kasta oo saameeyn ay ku yeelatay colaadda daba dheeraatay.”

Xog-hayaha Guud ee QM ayaa shaaca ka qaaday bishii December 2013 in Soomaaliya ay u qalanto in ay hesho Deeqda Dhismaha-Nabadda. Deeqdan ayaa waxaa la isku duway 2006-dii kadib codsi ka yimid Golaha Guud iyo Golaha Amaanka oo ahaa in la taageero dadaallada nabad-dhisidda ee wadamada kasoo baxaaya colaadda ama qalalaasaha siyaasadeed.