TODOBAAD NOLOSHA MICHAEL KEATING KA MID AH

28 May 2016

TODOBAAD NOLOSHA MICHAEL KEATING KA MID AH

[Maqaalkaan waxaa lugu daabacay caddadkii Juun/Juulay 2016 ee jariidadda World Today magazine ee Chatham House]

Maalinteydu waxay ku billaabataa wa xoogaa jimicsi ah, quraac aan qolkeyga dhexdiisa ku qaato, ka dibna waxaan guda-galaa hawl maalmeedkeyga oo ka billowda kulan qorsheyn ah 8-da subaxnimo.

Jadwalkeyga inta badan waxaa ka mid ah kulamo aan magaalada kula yeesho siyaasiyiin, qaabilaadda dad Soomaali iyo caalami isugu jira oo xafiiskeyga igu soo booqda, iyo arkidda saaxiibbo ku lug leh arrimo ay ka mid yihiin hawlaha doorashooyinka, dib-u-qaabaynta laamaha amniga, sarraynts sharciga, ilaalinta carruurta, jinsiga, xaquuqda aadanaha, amniga cuntada, barakaca iyo dib-u-heshiisiinta.

Qaramada Midoobey waxaa Soomaaliya ka jooga qiyaastii 500 oo shaqaale caalami, ku waas oo intooda badan ku sugan magaalada Muqdisho. Tiro intaas ka bandanna waxay joogaan Kenya. Mas’uuliyiinta Soomaaliyeed waxay rabaan in dhammaan diblumaasiyiinta iyo dadka gargaarka ka shaqeeyaa ay Soomaaliya u soo guuraan, laakiin walaac dhanka amniga ah, daruufo dhanka saadka ah, iyo kharashka ku baxaya in shaqaale intaas le ‘eg dalka lugu hayo ayaan taas saamaxayn.

Soc-socodkeyga Muqdisho ma aha hawl fudud. Markaan magaalada marayo waxaa si dhow ii galbiya ilaalo gaar ah iyo mid deegaanka ah oo habeen iyo maalin isha igu haya. Waxaan u hiloobay in aan suuqyada ka dukaameysto, in aan ku bajiyo biibitooyinka lugu shaaho iyo maqaayadaha xeebta ku yaal ee aargoosatada laga helo, laakiin waxay ka baxsanyihiin goobaha aan tegi karo. Booqashooyin kedis ah ayaan mar mar ku tagaa – tusaale ahaan suuqa kalluunka ee caasimadda iyo suuqa xoolaha ee Hargeysa.

Waxaan marmarka qaar booqasho ku tagaa gobollada si aan ula kulmo mas’uuliyiin, odayaal, ganacsato, haween iyo dhallinyaro. QM waxay dalka ku leedahay xarumo aad loo ilaaliyo oo ku yaal lix goobood oo ay ku jiraan, Boosaaso iyo Garoowe oo dhanka woqooyi ah, Kismaayo iyo Baydhaba oo dhanka koonfurta ah, iyo sidkoo kale meelo kale oo shaqaale noo joogo. Mararka qaar waxaan ku qasbannahay in aan horay u sii duulinno gaadiidkeenna aysan rasaastu karin, si aan uga degno garoomo xagaaf ah oo u baahan in ariga iyo geela laga sii jafo ka hor inta aanan caga dhigan.

Wakhtigeyga intiisa badan waxaan ku qaataa fududeynta wadahadallo Soomaalida u dhaxeeya oo lugu gorfeynayo dhismaha dowladaha federaalka qaybta ka noqonaya, oo aniga iyo ayagaba qardo-jeex siyaasadeed nooga dhigan. 25 sano oo dagaallo sokeeye ah ayaa salfaday haykalkii hay’adeed ee dalka.

Madmadow badan ayaa ku jira Dastuurka KMG ah ee 2012, sida xiriirka ka dhexeeya dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, awoodaha ay kala leeyihiin madaxweynaha iyo ra’isul wasaaraha, iyo maamulka kheyraadka dalka iyo sida loo wadaagayo. Tallaab kasta oo la qaadayo waa in laga galo wadaxaajood adag. Natiijada ugu dambeyn halkaas ka soo bixi doontana waa dowlad Soomaaliyeed oo ku dhisan qaab-dhismeed leh sumad qabiil iyo mid qaran labadaba.

Dib-u-dhiska karaanka ammaan lugu fidin karo wakhti ayey qaadan doontaa siyaasadna kama marna, marka la eego heerka is-aamindarrada jirta. In laga gudbo siyaasadda qabiilka ku wada saleysan waxay ku suurtoobi kartaa oo qura, in lala shaqeeyo dallaaliinta ama kuwa ku gorgortamaya awoodda qabiilka, halkii laga soo hor jeesan lahaa.

Filashada dadweynuhu aad ayey u hooseysaa, waxaana iska yar kalsoonida ay ku qabaan dowladda. Meelo bandanna Al-Shabaab ayaaba uga horreysa fidinta amni iyo kala dambeynta, marka la barbar dhigo dowladda – marka laga soo tago hab dhaqankooda waxashnimada leh.

Ammaanku waa ahmiyad gaar ah. Dalka waxaa jooga ciidamo ogolaanshaha ka haysta Golaha Ammaanka oo ka socda Midowga Afrika, ku waas oo tiradoodu gaarayso 22,000, kana kala socda dalalka Burundi, Djibouti, Ethiopia, Kenya and Uganda kuna sugan koonfurta iyo bartamaha dalka. Ka dib markii ay qaybo badan oo ka mid ah magaalooyinka ku yaal bartmaha iyo koonfurtya dalka ka xoreeyeen Al-Shabaab shantii sano ee la soo dhaafay, AMISOM waxay isku dayeysaa in ay la qabsato isbeddelka ku yimid farsamada argagixisadu adeegsato: oo ku saleysan weerarro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah oo lugu qaado fariisimaha ciidamada iyo qaar qorsheysan lala beegsado goobo shacab.

Qaramada Midoobey ayaa sidoo kale battilmaameed ah, inkasta oo taageerada aan siinno AMISOM uu yahay mid aan dilaa ahayn, balse ku kooban cunto, biyo, daawo, gaadiid iyo isgaarsiin. Aniga ayaa ah mas’uulka ugu sarreeya QM ee dhanka ammaanka Soomaaliya – waana hawl cuslus.

Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha mid walba waxaan is-aragnaa ugu yaraan labo jeer todobaadkii, mar marka qaarna iyagoo wadajira. Wadahadalkeenna waxaa hareeya hannaanka doorashooyinka mudnaantooda xaddidan tahay ee lugu wado in ay dhacaan dabayaaqada muddo xileedka baarlamaanka hadda jira ee ku siman bisha Agoosto, cakirnaanta in la iibiyo hannaanka doorashada iyo caqabadaha ka taagan fulintiisa, oo ay ku jirto ka qaybgalka haweenka. Tani waa ammin muhiim u ah geediga siyaasadeed ee Soomaaliya.

Sannadkii 2012, iyadoo la isticmaalayo ‘awood qaybsiga 4.5’ – mataalad siman oo ay yeeshaan afarta beelood ee waa weyn oo lugu daray qayb loogu talo galay dadka laga tira badan yahay – 135 oday beeleed oo qura ayaa soo xulay 275 mudane baarlamaan. Haddase, ergada wax dooraneysa waxaa la kordhiyey boqol jibaar – iyadoo laga dhigay 14,000.  Waxaa jiri doona Aqal Sare oo baarlamaan oo ay soo dooran doonaan dowlad goboleedyada – taas oo ka dhigan tillaabo dhex-dhexaad ah laakiin wax-ku-ool ah oo looga gudbayo ‘4.5’.

Doorasho qof iyo cod ah ayaa la qorsheeyey in dalka laga qabto sannadka 2020-ka – taas oo ah yool damaciisu sarreeyo maadaama aysan jirin diiwaan dadweyne iyo cod-bixiye iyo hannaan sharciyeed lugu maamulo doorashada oo meesha yaal. Soomaaliland lix doorasho ayey qabatay 25-kii sano ee la soo dhaafay, marka waa la sameyn karaa.

Soomaaliya waa masrax uu muddo 20 sano ka badan ka socday loollan u dhexeeya gobollo xafiiltan leh. Taas oo jirta, haddana waxaa hareer socda is-faham la cajiib ah oo ka dhexeeya beesha caalamka, kaas oo ku aadden in qalalaasaha Soomaaliya aysan cidna dan ugu jirin. Muqdisho waxaa safaarado ku leh illaa 20 dal, oo ay ku jiraan Shiinaha, Ethiopia, Midowga Yurub, Kenya, Turkey, Qadar, UK iyo Imaaraadka Carabta. Faransiiska, Mareykanka iyo qaar kale waxayba heleen dhismayaal, waxayna wadaan qorsheyaal ay safaarado uga furanayaan.

Waxaan maskaxdeyda ku nafisiyaa socod ama bushkaleeti aan ku maro xeebta ku aadden xeradeenna. Astaamaha “Is jir liix badeedka” ayaa ku baqdin gelinaya, laakiin kuleylka jira ayaa mararka qaar igu xambaara in aan madax-madax isugu tuuro badda, anoo iska dhego tiraya digniinta. Ka dib 15 saacadood oo shaqo dheer ah, reerkiina aan telefoon kula hadlo, ayaan habeeb barki tagaa sariirta, si wacan Ayaan u hurdaa.

‘Aad Ayaan u jeclahay in aan booqdo suuqyada dalka, biibitooyinka lagu shaaho/qaxweeyo iyo makhaayadaha ku yaalla hareeraha badda, laakiin wey ka baxsanyihiin goobaha la ii ogolyahay’.