UNSOM oo abaalmarisay shaqaalaha tuuteysan ee Soomaaliya ka hawlgala

14 Feb 2016

UNSOM oo abaalmarisay shaqaalaha tuuteysan ee Soomaaliya ka hawlgala

Shaqaalaha tuutaha leh ee ka tirsan Hawgalka Taakuleynta Qaramada Midoobey ee Soomaaliya (UNSOM), ayaa maanta la guddoonsiiyey billado iyo shahaado sharafeed lugu garowsanayo hawshii ay qabteen.

Ku xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM Peter de Clercq, ayaa 18 askari oo laga soo xulay qaybaha militariga, booliska iyo nabad-sugidda ee hawlgalka ku abaalmariyey Billadda Adeegga Gaarka, taas oo ay ku muteysteen hawshii ay ka fuliyeen Soomaaliya, ka dib xaflad lugu qabtay caasimadda Muqdisho.

Xafaladdan oo ahayd tii ugu horreysey ee nuuceeda ah, Waxaa ka qaybgalay sarkaalka u qaabilsan Agaasimaha Kooxda Hay’adaha Amniga iyo Ku Dhaqanka Sharciga (ROLSIG) ee UNSOM, Mitch Dufresne, mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan UNSOM, Taliyaha Booliska UNSOM Christoph Buik, saaraakiil ka tirsan qaybta booliska Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) iyo Mas’uuliyiin sar sare oo ka socdey Ciidanka Booliska Soomaaliyeed (SPF).

“Askartaan waxay hawlgalkan ku jireen sannad in ka badan. Waxay muujiyeen carcar iyo daacadnimo dheeri ah, iyagoo si hufan uga soo dhalaalay howshii loo igmaday. Welina waxay u heellan yihiin xaqiijinta in hawlgalku hadafkiisa ka libkeeno,” ayuu yiri Mr. de Clercq.

Ku xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud, wuxuu sidoo kale bogaadiyey askarta, gaar ahaan kuwa wareeggooda shaqo dhammaaday, asagoo qiray in u shaqeeyeen si nafhurnimo ah, si ay u hubiyaan in nabadda Soomaaliya soo laabato, sialamarkaana uu noqdo dowlad isku filan.

Ms. Dufresne ayaa dhankeeda sheegtay in askartani ay kaalin mug leh ka qaateen hubinta in hawlgalku yoolkiisa gaaro.

 “Aad ayaan ugu faraxsannahay inaan haysanno shakhsiyaadkan oo dowlado kala duwan ku yabooheen, si ay u taageeraan qaraarka Golaha Ammaanka ee Soomaaliya.”  Ayey tiri Ms. Dufresne oon intaas ku dartay. “La’aantood kuma aanan guuleysaneyn hawshan.”

Mia Tuominen, oo ka socda dalka Finland, islamarkaana arrimaha Booliska kala talisa QM, ayaa farxad ka muujisay abaalmarinta la siiyey.

“Mudadii sannadka ahayd ee aan halkaan ku sugnaa guulo badan ayaan wada gaarney dhiggeenna Soomaaliya, abaalmarintaanna wax badan ayey iiga dhigan tahay. Waan ku faraxsanahay inaan la shaqeeyo QM, sidoo kalena waxaan ku faanayaa in aan dalkeyga matalo maadaama aan ka mid ahay saraakiishii ugu horreeyey ee ka socda Finland oo Soomaliya yimaada,” ayey tiri.