Guddiga Xadduudaha & Federaalka oo kulan aqoon isweydaarsi ah qabtay

11 Feb 2016

Guddiga Xadduudaha & Federaalka oo kulan aqoon isweydaarsi ah qabtay

Muqdisho – Kulan aqoon isweydaarsi ah oo looga hadlayey horumarinta qaab-dhismeed istaraatijiyadda federaalka ayaa 9-kii Febraayo lugu qabtay caasimadda Soomaaliya.                                                                      

Kulankan oo uu soo qaban-qaabiyey Guddiga Xadduudaha & Federaalka ee magaciisa loo soo gaabiyo BFC, ayna ka soo qayb galeen qaar ka mid ah dhinacyada hawlahan ku lugta leh, waxaa la iskula soo qaaday  sidii loo heli lahaa nidaam federaal oo dalka ku habboon.

Aqoon isweydaarsigan oo qayb ka ah hindisooyin door ah oo looga golleeyahay in lugu aruuriyo aragtida hoggaamiyeyaasha iyo dhinacyada ay arrintani quseyso ee la xiriirta doorka guddiga BFC ku leeyahay hannaanka federaalka, waxaa lugu lafo guray sida ugu habboon ee sare loogu qaadi karo wadashaqeyn lala yeesho jilayaasha ku hawlan dhismaha dowlad goboleedyada federaalka xubnaha ka noqonaya.

Guddoomiyaha Guddiga Xadduudaha & Federaalka, Khaliif Cabdikariin Maxamed ayaa sheegay in aqoon-is-weydaarsiyada caynkaan ah ay muhiim u yihiin kobcinta fahamka dadweynaha  Soomaaliyeed ee la xiriira hannaanka federaalka, iyo in si wadajir ah la iskula meeldhigo mudnaanta arrimaha la rabo in guddigu isku hawlo.

“Natiijooyinka ka soo baxa wadatashiyada guddigu waa in ay ka yimaadaan dadweynaha”, ayuu yiri guddoomiye Khaliif oo intaas ku daray, “Talooyinkooda waa la fulinayaa si loo abuuro soohdimaha kala soocaya dowladaha federaalka ah, islamarkaana loo unko habraaca dowlad goboleedyada”.

David Akopyan, oo ah Agaasimaha Fulinta ee Barnaamijka Horumarinta Mashaariicda ee Qaramada Midoobey (UNDP), carrabka ku adkeeyey in aysan jirin nidaam qur ah oo dalalka federaalka ku dhaqma ay ka mideysan yihiin, wuxuuna ka qaybgaleyaasha aqoon-is-weydaarsiga ku boorriyey in ay hindisaan hannaan federal oo ka turjumaya daruufaha u gaarka ah Soomaaliya.

Tusaale ahaan, Mr. Akopyan wuxuu tilmaamay in wasaaradda waxbarashada federaalku ay dalka oo dhan ka hirgelin karto manhaj qur ah, haddana ay dhici karto in maamulka dugsi gaar ah loo ogolaado in ay dhigaan mid deegaanka u gaar ah.

Shakti Sinha, oo ah khabiir UNDP u qaabilsan arrimaha federaalka Soomaaliya, ayaa sheegay in guddiga BFC looga baahan yahay in ay meelmariyaan ujeeddooyin cadcad oo la fal gala qorshaha federaalka; iyadoo loo marayo geeddi-socod loo dhan yahay, dadweynuhuna garwadeen ka yahay.

Aqoon-is-weydaarsiga waxaa ka qaybgalay xubno ka mid ah Guddiga Xadduudaha & Federaalka, saraakiil sar sare oo ka kala socdey wasaaradaha Dowladda Federaalka, saaxiibbada horumarinta, aqoonyahanno laga soo xulay jaamacadaha Soomaaliyeed iyo dad  matalayey bulshada rayidka ah.

Aqoon-is-weydaarsiyada tixanaha ah waxaa soo qaban-qaabisay Wasaaradda Arrimaha Guidaha iyo Federaalka oo taageero ka heleysa xafiiska UNDP Soomaaliya iyo Hawgalka Taakuleynta Qaramada Midoobey ee Soomaaliya (UNSOM).

Guddiga Xadduudaha & Federaalka waxaa la aas-aasay July 2015, si uu gacan uga geysto in Soomaaliya dhigato hannaanka federaal ee dalka ku habboon.