UNSOM oo tababar doorashooyinka ku saabsan siisay wariyeyaasha Baydhabo

25 Aug 2016

UNSOM oo tababar doorashooyinka ku saabsan siisay wariyeyaasha Baydhabo

Tababar labo maalin ah oo loogu talagalay saxafiyiinta Soomaaliyeed oo ku saabsan tebinta doorashada ayaa manta la soo gaba gabeeyay waxayna ka qayb galayaasha sheegeen in ay dareemeen inay si fiican diyaar ugu yihiin inay tebiyaan doorashooyinka soo socda ee dalka.

Siminaarka oo ay soo abaabuleen Hawlgalka Qaramada Midoobay ee Kaalmada Soomaaliya (UNSOM) ayaa lagu baray wariyeyaasha mowduucyo ay ka mid yihiin xeerarka  tebinta geeddi-socodka doorashad 2016, arimaha xoriyada saxaafadda iyo doorka Qaramada Midoobay ee geedi socodka doorashada

Ka qaybgalayaashu siminaarka oo lagu qabtay magaalada Baydhabo ayaa ku tilmaamay mid waqtigiisa dhacay waxayna u mahadcelliyeen UNSOM doorka horumarinta xirfadeed ee Suxufiyiinta.

“Waxaan baranay waxyaabo badan xiliga tababarka lagu guda jiray. Waxaa nala baray sida loo soo  tebiyo warar dhexdhexaad  sax ah oo xirfadeysan oo ku saabsan nidaamka doorashooyinka,

muhiimadda ay leedahay in haweenka sare loo qaado iyo qoondada boqolkiiba 30 ee loogu talogalay dumarka ee baarlamaanka iyo mawduucyo kale, "ayay tiri Shukri Ismail Ahmed oo ah wariye idaacadda koonfur galbeed.

“Waxaa naloo sheegay caqabadaha ay wariyeyaasha la kulmi karaan iyo sida looga gudbo caqabadaas xiliga nidaamka doorashada ee 2015 iyo sidii si wanaagsan loogu soo tebin lahaa.”

Wasiirka warfaafinta ee Koonfur Galbeed Hassan Abdi Mohamed ayaa u hambalyeeyay UNSOM sida ay usoo qaban qaabiyeen tababarka.

“Waxyaabaha ugu muhiimsan oo wariyeyaasha la baray labadii maalin ee tababarka ayaa waxay ahaayeen sidii ay si dhexdhexaadnimo ah ay u soo tebin lahaayeen xiliga doorashooyinka,” ayaa yiri wasiir Hassan.

Wasiirka ayaa ugu baaqay saxafiyiinta inay ilaaliyaan cadaaladda ayna ka fogaadaan waxyaaba wax u dhimaya musharaxiinta oo ay qabiil mise, diin mise jinsi qof ay wax ka sheegaan xiliga ay tebinayaan doorashooyinka, isagoo sheegay in falalkaasi ay kicin karaan rabshado

UNSOM waxay wariyayaasha dalka oo dhan siinaysaa siminaaro taxane ah oo ku saabsan habka doorashada ee dalka. Kuwa xiga waxaa lagu qaban doonaa Beletweyne, Kismaayo, Cadaado iyo Garoowe.

UNSOM ayaa waxaa kaloo ay taageertaa Guddiga  dadban ee Federaalka ee hirgelinta doorashooyinka iyo Guddiga heerka gobol lee hirgelinta doorashooyinka dadban.