Guddiga Doorashooyinka Heer Fadaraal ee Soomaaliya oo sheegay in hawlaha doorashooyinka 2016 ay si habsami leh u socdaan

25 Aug 2016

Guddiga Doorashooyinka Heer Fadaraal ee Soomaaliya oo sheegay in hawlaha doorashooyinka 2016 ay si habsami leh u socdaan

Hawlaha doorashada 2016 waxay u socdaan sidii loogu talo galay, sida uu ku dhawaaqay  Guddoomiyaha Guddiga Fulinta Hawlaha Doorashooyinka heer Federaal (FIEIT), Cumar Maxamed Cabdulle, oo maanta ka hadlayey shir jaraa’id oo uu ku qabtay caasimada Muqdisho.

Mr. Cabdulle ayaa ku nuux-nuuxsaday in wakhtiga kama dambeysta ah ee loogu talogalay in lugu soo xulo xubnaha baarlamaanka federaalka ah iyo doorashada madaxweynaha ee ku aadden bisha Oktoobar ee sannadkan aysan waxba iska beddelin.

Mr. Cabdulle wuxuu sidoo kale soo dhaweeyey dhismaha Lixda kooxood ee guddiyada fulinta doorashada heer goboleed. Wuxuuna warfidiyeenka u sheegay in sidoo kale la sameeyey guddiga xallinta khilaafaadka doorashada, kaas oo shaqadiisu tahay in ay galaan cabashooyinka la xiriira hawlaha doorashada.

Sida ay qabaan xubnaha guddiga FIEIT, geeddi-socodka doorashooyinku wuxuu galay marxaladdiisi ugu adkeyd, maadaama dhawaan la soo afmeeri doono liiska odayaasha dhaqanka ee soo xulaya 14,025 xubnood ee ergada doorashada. Ergadan ayaa iyaguna dooran doona 275 xildhabaannada oo ka mid noqon doona Aqalka Hoose ee baarlamaanka Federaaalka.

Guddoomiyaha Guddiga Fulinta Hawlaha Doorashooyinka heer Federaal, Cumar Maxamed Cabdulle, oo ay hareera joogaan xubnaha guddiga FIEIT, ayaa meesha ka saaray warar dhawaan warbaahinta ku soo baxay oo sheegayey, in guddigoodu soo jeediyey in laga kaaftoomo ergada doorasho, taas beddelkeedana oday dhaqameedku ay si toos ah ugu codeeyaan mudaneyaasha baarlamaanka.

“Guddigu wuxuu fulinayaa xeerar degsan oo ay u soo gudbiyeen madasha Hoggaanka Qaranku,” ayuuri Mr. Cabdulle oo hoosta ka xarriiqay in wax walba u socdaan sidii loogu talo galay.

Guddoomiyuhu wuxuu sidoo kale u xaqiijiyey dadka Soomaaliyeed ee dalka iyo dibedda kala jooga in hawlaha doorashooyinku u qabsoomi doonaan si hufnaan iyo daacadnimo ku dheehan tahay.

Cabdullahi Salaad Yarow oo ka mid ah xubnaha guddiga FIEIT, ayaa dhankiisa tibaaxay in asaga iyo saaxiibadiis ay ka go’an tahay in ay hirgeliyaan doorasho lugu kalsoonaan karo islamarkaana aan mugdi ku jirin.

“Guddi ahaan, waxaa xil naga saaran yahay in aan dhexdhexaad ka noqonno hawlaha doorashada, islamarkaana aan xaqiijinno xaqa iyo xorriyadda uu musharrax kasta oo doorashada ka qaybgalaya  leeyahay. Dhammaan laamaha ammaanka, hay’adaha maaliyadda iyo warbaahintaba waa loo sinnaan doonaa,” ayuu yiri Mr. Yarow said.

Codbixinta doorashada labada aqal ee baarlamaanka soo socda, waxay dhici doontaa inta u dhaxaysa 24 Sabtembar iyo 10 Oktoobar, waxaana xigi doona doorashada madaxweynaha oo ku bbegan 30 Oktoobar.