UNSOM oo xustay Maalinta Caalamiga ah ee Ciribtirka Xadgudubka Jinsiga ee xiliyada colaadaha

19 Jun 2016

UNSOM oo xustay Maalinta Caalamiga ah ee Ciribtirka Xadgudubka Jinsiga ee xiliyada colaadaha

WAR-SAXAAFADEED 09/2018

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating ayaa maamuusay dhibanayaasha iyo kuwa ka badbaaday xadgudubka jinsiga ee ka dhaca dalka, [qorshahan] ayaa qayb ka ah dabaaldegga caalamiga ah ee  Maalinta Caalamiga ah ee Ciribtirka Xadgudubka Jinsiga ee Xiliyada Colaadaha.

Maalinta waxaa sanadkan loogu dabaal-degayaa halkudhigga “Jooji kufsiga xilliyada colaadaha: ILaali oo xag-dhowr dadka aadka u nugul.” Si kor loogu qaado wacyi-gelinta ku aaddan baahida loo qabo joojinta xadgudubka jinsiga ee la-xiriira colaadaha, Xafiiska Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa gacan ka geysanaya qabashada xaflad ay soo qaban-qaabisay Kooxda Qaabilsan Arrimaha Haweenka iyo Caruurta – Kooxdu waa is-bahaysi ka kooban ururada bulshada rayidka ah ee ka shaqeeya xuquuqda caruurta, waxaana la filayaa in madaxda dowladda ay kasoo qayb-galaan xafladda maanta.
 
Dowladda Federaalka ah iyo Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah waxaa si cad uga go’an cirib-tirka xadgudubka jinsiga ee xilliyada colaadaha. Ka-go’naanshahas waxaa caddayn u ah hirgelinta Qorshe-Hawleedka Qaran ee Cirib-tirka Xadgudubka Jinsiga ee Xilliyada Colaadaha.
 
Dabaal-degga sanadka ayaa imaanaya kadib ansixintii Hindise-Sharciyeedka Dembiyada Kufsiga ee uu ansixiyay Golaha Wasiirada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya horraantii bishan. Tani waxay ka dhigantahay tallaab muhiim ah oo looga hortegayo loogana jawaabayo xadguduka jinsiga ee xilliyada colaadaha, waxaana sharcigaas loo gudbiyay Baarlamaanka Federaalka si uu ugu sameeyo dib-u-eegis kale, marka dambana uu meel mariyo.  
 
Sidoo kale, waxaa socda horumar heer Dowlad Goboleed ah. Bishii Agosto 2016, Madaxweynaha Puntland ayaa si rasmi ah u meel mariyay Xeerka Dembiyada Kufsiga, kaas oo gundhig adag u ah bedelidda hab-dhaqanka iyo fikradaha laga qabo kufsiga iyo noocyada kale ee xadgudubka jinsiga. Bishii Janaayo, Baarlamaanka ‘Somaliland’ ayaa sidoo kale ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Dembiyada Kufsiga, hindise-sharciyeedkaas ayaa si uu u noqdo sharci wuxuu  u baahanyahay oo kaliya saxiixa Madaxweyne Muse Biixi Cabdi   
 
“Waxaan soo dhoweynaynaa horumarradan wanaagsan waxaana ku dhiiri-gelinaynaa dadka Soomaaliyeed inay si dhakhso leh u hirgeliyaan sharciyadaan,” ayuu yiri Mudane Keating. “Haween iyo caruur aad u badan ayaa u nugul tacaddi. Meel-marinta hidise-sharciyeedyadaan kuma filna badbaadinta dadkaas. Laakiin waxay noqon doontaa tallaabo muhiim ah. Waxaa kale oo ay awood u siin doontaa inay si buuxda uga qaybgalaan dib-u-dhiska hay’adaha amniga iyo geedi-socodka dib-u-eegista dastuurka.”