Cabdiqani: Dhiiriggelintiisu waa waajibaadkiisa ah in uu gurmad u fidiyo shacabka dhibban ee ku dhaqan Muqdisho

29 Jun 2018

Cabdiqani: Dhiiriggelintiisu waa waajibaadkiisa ah in uu gurmad u fidiyo shacabka dhibban ee ku dhaqan Muqdisho

Markii lagu sugan yahay magaalo ay galaafteen xaalado degdeg ah, waxaa ay u baahan tahay geesinimo, go’aan iyo naxariis si looga jawaab-celiyo dhibaato ka jirta caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

In kasta oo aysan deganeyn caasimadda, kooxo shaqaale ah oo iskood isku xilqaamay ayaa habeen iyo maalin socda waddooyinka magaalada Muqdisho, ayaga oo diyaar u ah in ay ka jawaabaan baaqa ku aaddan caawimaad markii ay jiraan xaalado degdeg ah oo halis ah.

“Shaqadeenna waxaa ay ka kooban tahay badbaadinta nafta iyo hantida. Waa arrin bani’aaddinimo,” ayuu yiri Cabdiqani Maxamed Axmed, oo ah wiil 30 jir ah oo agaasime ka ah waaxda dab-demiska ee Muqdisho, oo madax u ah koox fidiyo adeegyo gurmad ah oo ka kooban 90 xubnood.

Cabdiqani oo ka soo qalinjabiyay Jaamacadda Hope University ee Muqdisho asaga oo ka qaatay shahaaddada maamulka dadweynaha, ayaa sanaadkii tagay wareegay hoggaanka Waaxda Dab-demiska iyo Gurmarka ee Maamulka Gobolka Benaadir. Waxaa uu markiba dejiyay yool ah in la horumariyo awoodda ay waaxda u leedahay in ay la tacaasho baahiyaha gurmada ee caasimadda.

“Adeegyadeenna aad iyo aad ayay ugu baahan yihiin dadweynaha ku dhaqan Muqdisho oo tiradoodu sii badaneysa. Bani’aaddamka labo shey muhiim ayay u yihiin: nolosha iyo hantida. Labadaan waa in la ilaaliyaa,” ayuu xusay Cabdiqani.

Baahiyada loo qabo adeegyada kooxda gurmadka ee ka hawlgasha caasimadda ayaa aad ka badan dhaqaalahooda haatan. Intaasi waxaa dheer, xubnaha kooxda waxaa ay maalin kasta naftooda halis u geliyaan in ay u adeegaan qiyas ahaan seddax milyan oo qof oo ku nool caasimadda.

“Qofka inta uu naf badbaadin, waa in uu naftiisa badbaadiyo. Si naf loo badbaadiyo, kooxda dab-demiska waxaa ay u baahin yihiin lebiskii oo dhammeystiran oo ay ku jiraan helmeet-ka, gacmo gashiga kabaha buudka iyo qalabka neefsashada. Kuwaani waxaa loogu talagalay in la isaga ilaaliyo halista la xiriirta dab-deminta,” ayuu yiri Cabdiqani.

Cabdiqani oo ku dhashay Gaalkacyo waxaa uu ku biiray Waaxda Gurmadka Degdegga ah ee caasimadda sanadkii 2013-kii, asaga oo markaas noqday madaxa hawlaha. Waxaa uu aqoonsan yahay in dhacdooyinka dabka ay ku soo badanayaan caasimaadda, waxaa ayna sababaan dhibaato aad u baaxad weyn. “Celcelis ahaan, waxaan ka jawaabnaa 15 – 20 dab bishiiba,” ayuu yiri.

Markii uu noqday madaxa kooxda dab-demiska ee caasimadda sanaddii 2017-kii, Cabdiqani ayaa qaaday tallaabooyin uu dib-u-habeyn ku sameynayo waaxda, wuxuuna keenay nidaamyo looga gol lahaa in lagu horumariyo u fidinta adeegyada caasimadda. Tallaabadaas ayaa waxaa ay dhalisay isbeddel wanaagsan, sida uu qabo Cabdiqani.

“Waxaa ku guuleysannay in aan tababarro u qabanno xubnaha kooxda. Hadda waxaan qorsheyneynaa in aan labo xarumood oo kale oo gurmadka degdegga ah hirgelinno sanadkan si aan adeegyadeenna u gaarsiinno caasimadda,” ayuu raaciyay.

Waaxda gurmadka degdegga ah oo la hirgeliyay sanadkii 2012-kii, ayaa la tacaalayay musiibooyin isdaba joog ah oo ay sababeen dadka oo ka dhaca caasimadda Soomaaliya. Xubnaha shaqaalaha ayaa mararka qaar shaqeeya habeen iyo maalin si ay ugu gurmadaan dad ku hoos jira guryo ay dumiyeen qaraxyada waxaana dadka la badbaadiyay siinnaa gurmad caafimaad oo nolol-badbaadin ah.

In kasta oo xaaladda amniga Muqdisho ay aad u fiicnaatay sanadahan dambe, dabka iyo xaaladaha kale ee degdegga ah weli waa ay jiraan. “Meelaha ciriiriga ah iyo suuqyada waaweyn sida suuqa Bakaaraha iyo Bacaad iyo Xamarweyne dab ayaa marar badan ka kaca. Dabkan waxaa ay sababaan dhibaatooyin culus, mararka qaarna waxaa ku burburaa hanti lagu qiyaasi karo malaayiin doolaar,” ayuu yiri agaasimaha waaxda dab-demiska.

Shaqaalaha kooxda dab-demiska iyo gurmadka degdegga ah waxaa ay u tababaran yihiin sida loo damiyo dabka iyo farsamooyinka gurmadka waxaa ayna hawlgalaan 72 saacadood oo xiriir ah si ay ula tacaalaan baahiyada caasimadda. Waaxdan oo leh shan baabur oo dab-demis ah iyo labo ambalaas, waxaa ay damisay ugu yaraan 400 oo dab ah tani iyo bilowga sanadkan.

Asaga oo xusayo qaraxii musiibada weynaa ee dhacay bishii Oktoobar 2017-kii oo ay ku dhinteen in ka badan 500 oo qof ayna ku dhaawacmeen boqolaal kale, ayaa Cabdiqani waxaa uu sheegay in nooca xaaladaha degdegga ah ee ka dhaca caasimadda waxaa ay u baahan yihiin shaqalo dadaal badan oo adkeysi leh kuwaas oo u dhabar adeygi karo muuqaallada geerida naxdinta badan leh iyo burburka. “Markii aad la kulantid xaaladahaasi degdegga ah oo kale, waxaa kuu taala labo shaqo oo ah in aad dadka gubanaya aad dabka ka demisid, oo haddana aad xaqiijisid in ay badbaadaan,” ayuu raaciyay.

Caqabadaha ay la kulmaan asxaabtiisa waa ay badan yihiin, waxaana ugu waaweyn in aynan caasimadda ka jirin tuubbooyinka dab-demiska ee waddooyinka la geliyo. “Tuubbooyinka waddooyinka la geliyo aad ayay muhiim noogu yihiin si aan biyo ka qaadanno,” ayuu yiri Cabdiqani. “Hadda waxaan ku qasbannahay in aan ku laabanno xarunteenna oo ku taalo meel fog si aan biyo ka soo qaadanno. Dabkii kuma sugayo.”

In kasta oo ay jiraan caqabado, Cabdiqani waxaa uu waaxda gurmadka ee caasimadda u haaya qorshe wax ku ool ah xilli oo ku dadaalayo in uu sare u qaado hufnaanta waaxda. Qorshahan waxaa ka mid ah in uu kala shaqeeyo Maamulka Gobolka Benaadir si ay faham wanaagsan ka helaan baahiyada shacabka Muqdisho isla markana si wanaagsan loogu adeego.