Wada-tashigii ugu horeeyey ee dadweynaha ee hannaanka dib-u-eegista dastuurka oo lagu soo gaba-gabeeyay Muqdisho

4 Feb 2020

Wada-tashigii ugu horeeyey ee dadweynaha ee hannaanka dib-u-eegista dastuurka oo lagu soo gaba-gabeeyay Muqdisho

Muqdisho – Kulan socday muddo saddex maalmood ah oo loogu hadlayay hannaanka dib-u-eegista dastuurka ayaa maanta la soo gabagabeeyay magaalada Muqdishoiyadoo mar kale Shacabka Soomaaliyeed loogu baaqay inay ka qeyb qaataan wadahadallo loo dhan yahay oo daah-hufan, ayna gacanka heystaan dhammeystirka sharciganaasaasiga ah dalka.

 

“Waxaan jeclaan laheyn inaad inaga caawisaan baahinta farriintan, ee ku aaddan ololaha dib-u-eegista dastuurka,” ayuu yiri Cabdiqani Cali Aadan oo ah Agaasimaha Wacyigelinta Dadweynaha ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka.

 

“Dasruurku waa aqoonsiga aan wadaagno. Dowladnimadu waxay ku xiran tahay dastuurka kala haga dadkeeda – maadaama uu heshiis bulsho iyo mabaadi'dayadii na hagi lahayd,”  ayuu intaasiku daray mudane C/qani, “Haddii aan xulano dastuur loo wada dhan yahay, waxaa ay yareyn doontaa khilaafaadka, sidoo kalena waxaan kobcineysaa maamulka wanaagsan.

 

Kulanka wada-tashiga dadweyne ayaa magaalada Muqdisho isugu keenay wakiillo kor u dhaafaya 100 qof oo matalaya dhallinyarada, haweenka, odoyaasha iyo dadka qaba baahiyaha gaarka ah, kuwaa oo aad u daneynaya in aragtidooda ay ku biiriyaan nuqulka kama-dambeysta ah ee dastuurka.

 

Cabdiraxmaan Cusmaan Maxamed, oo xubin ka ah Ururka Qaranka ee Ardayda Soomaaliyeed, ayaa bogaadiyay dadaalka lagu doonayo in lagu tixgeliyo fikradaha muwaadiniinta oo ay ka mid yihiin dhallinyarada.

 

“Dowladdu way ogsoon tahay xaqiiqada ah in ka badan 70% dadkeena ay yihiin dhallinyarokuwaasoo awood u leh inaysaameyn ku yeeshaan hannaanka siyaasadeedisla markaana laga faa’iideysto hibooyinkooda. Sidaasi darteed waa loo baahan in dhallinyarada laga qeyb geliyo dhammeystirka dastuurka” ayuu yidhi mudane C/arxmaan.

Intii lagu gudo jiray wadatashiyada dadweyne, ka qayb galayaashu waxa ay dib u eegeen dhammaan cutubyada dastuurka qabyada ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyawaxayna soo dul-istaageen qodobo muhiim ah oo la xiriira arrimaha socdaalka, amniga, hannaanka doorashada, qeybisga awoodda iyokheyraadka dabiiciga ah, nidaamka caddaaladda, qaab-dhismeedka dowladda, iyo maqaamka magaalo madaxda.

 

Waxaan taageersanahay, isla markaana dhiirrigelinayaa la-tashaiga dadweynaha, waa tallaabo loo qaaday dhanka saxda ah” ayey tiri Faa’iza Ibraahim Cabdullaahi. “Wadatashiyadan waxay kordhiyeen fahamkeyga ku aaddan dastuurka iyo arrimo kaleba oo ay ka mid yihiin amniga iyo sharuucda doorashada.

 

Cabdullaahi Xasan oo matalaya dadka Naafada ah ayaa dhallinyarada ku boorriyey in ay u qareemaan dhibaatooyinka dadka nugul.

 

“Waa in labo qodob lagu daraa dastuurka si loogu faa’ideeyo dadka naafada ah” waxuu intaa ku daray mudane Xasan “Waxaan u baahan nahay guddi gaar ah oo ka shaqeeya sama-falkeenaWaxaan kaloo u baahan nahay qoondo gaar ah dadka naafada ah, sida qoondada haweenka oo kale.

 

Shirka saddexda maalmood soconayey wuxuu qayb ka yahay olole wacyigelineed oo heer qaran ah oo ay soo qabanqaabisayWasaaradda Dastuurka, iyada oo kaashanaysa Howlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya. (UNSOM).Ololaha ayaa la gaarsiin doonaa dhammaan dawladaha xubinta ka ah dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, wuxuuna u suuragelin doonaa muwaadiniinta in ay qeyb ka noqdaan geeddi-socodka dastuurka.