Sarkaal ka socda Qaramada Midoobay oo Hargeysa booqday, ayaa ku baaqay in xal waara loo helo barakacayaasha

3 Feb 2020

Sarkaal ka socda Qaramada Midoobay oo Hargeysa booqday, ayaa ku baaqay in xal waara loo helo barakacayaasha

Hargeysa – si uu uu qofku u tago xerada Naaso Hablood, waa inuu u maraa wado ciriiri ah oo ay ku yaallaan geedo tiitiin ah oo qodxo leh.

Xeradan oo ay ku nool yihiin 521 qoys ayaa ku taalla daanta magaalada Hargeysa, waxaya hoy u tahay 3,096 oo qof oo wadanka un ku dhex qaxay (IDPs)

65% dadka meeshan ku nooli waa haween oo badankooda carmal yihiin ama waa kuwa la iskaga tagay, kuwaa oo caruurtooda ayaga un korsada.

“Tan iyo Dhimashadii ninkeeyga kadib halkaan ayaan isaga noolayn aniga iyo caruurteeyda” ayey tiri Maryan, oo ah naag iska jabyar oo xiran dhar cad oo ay ku sharraxan yihiin ubax buluug ah, ayadoo ka soo baxeysa teendhadeeda ay ku nooshahay ayey ku sii dartay “inagaa dharka iyo cunta karinta halkaan ka sameeya” waxay farta inoogu fiiqday meel yar oo hoy u ah.

Si ay u kaalmeeso qoyskeeda waxay wiilkeeda ugu wayn u dirtaa magaalada si uu u soo raadsado shaqo maalmeed.

Maryan waxay ka mid tahay barakacayaasha uu la kulmay Aadan Cabdulmawla oo ah Wakiilka iyo xiriiriyaha Arrimaha Bani’aadamnimada ee Qaramada Midoobay booqashadiisii ugu danbeysay ee uu ku tagay Hargeysa. Waxa uu la sheekeystay dadka ku nool xerada, kuwaas wax uga sheegay caqabadahooda maalinlaha ah ee ay ku wajahaan xerada ee ka mid ah nolol maalmeedkooda.

Ayaan oo ah hooyo dhashay sadex caruur ah oo kursigeedii curyaamiinta uu la ildaran yahay wasaq iyo dhabaatooyinka kasoo gaaray wadada aan sinnayn, ayaa sharraxeysa dhibaatada ay leedahay ku noolaanshaha xerooyinka taas oo nolasha dadka iyo fursad la’aanta jirtaba ay saameyn adag ku yeesheen nolol maaalmeedkooda.

“Waxaynu aad ugu baahanahay dhul aanu degno” waxaa sidaa ku yiri Mudane Cabdulmawla mid ka mid ah dadka xerada ku nool. Gudiga xerada ayaa si dhaw ula shaqeeya saaxiibadooda arimaha bani’aadamnimo si ay dad deegaanka u gaarsiiyaa gargaar.

Xeradu dhulka ay ku taallo ma’aha mid ay leeyihiin barakacayaashu, dadka dhulka iska lihina si joogto ah ayay dadka uga saaraan mar kasta

Arinta dhulka ayaan saamaxayn in la helo tas-hilaad joogta ah, ma jiraan iskuulo, xarumo caafimaad ama mushqulo nadiif ah. Barakacayaashu waxay ku tiirsan yihiin caawimaadda ay bixiyaan ururada samafalka ee aan dowliga ahayn ee la kala shaqeeya xafiiska Qaramada Midoobay ee qaabilsan qaxootiga (UNHCR) ee magaalada Hargeysa.

Mudane Cabdulmawla, oo sidoo kale ah kuxigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Soomaaliya qaabilsan, ayaa dadka deggan Naasa Hablood u xaqiijiyey inuu wax walba oo karaankiisa ah u sameyn doono si codkooda loo maqlo.

“Si loo helo xal waara, waxaa igu ballan ah inaan garaaco albaan walba si xaaladan loogu helo xal waara” ayuu ku yiri xerada Barakacayaasha.

“Waxaa laguugu tala galay inaad ku noolaato nolol sharaf leh, oo aad degto guri aad ku badbaadi karto oo awood laguu siiyo inaad aayahaaga dhisto. Waa inaan hubaal ka dhignaa inay taasi dhacdo. Tani waa farriinta aan kula noqonayo Dowladda, QM iyo Beesha Caalamka,” ayuu yiri Md. Abdelmoula added.