Wadatashiyada dib u eegista Dastuurka oo lagu soo gabagabeeyay Galmudug

16 Mar 2020

Wadatashiyada dib u eegista Dastuurka oo lagu soo gabagabeeyay Galmudug

Dhusamareeb – Geeddi socodka doorashada, arrimaha federalka, nidaaminta awood qaybisga, cadaalada iyo amniga, xuquuqda haweenka iyo dhallinyarada, maqaamka magaalada Muqdisho ee caasimada dalka ayaa ka mid ahayd arrimaha looga wada hadlay intii lagu guda jirey wada tashiga dastuurka oo sadex maalmood ka socdey isla markaana maanta kusoo idlaaday magaalada Dhuusamareb ee maamul- goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug.

 Kulankan bulsho waxaa kasoo qaybgalay dad ka badan boqol qof oo matalaya dhalinyarada, haweenka, culumaa’udiinka, odayaasha, ururrada bulshada rayidka, aqoonyahannada iyo dadka baahiyaha gaarka qaba, ujeedku waa in fikradooda lagu daro dastuurka mustaqbal ee Soomaaliya. “Waxaan rabnaa Dastuur caddaynaya xuquuqda dadka naafada ah” ayuu yiri Cabdi Jamac Axmed oo aragga naafo ka ah isla markaana u hadalaya dadka la nool baahiyaha gaarka ah.

“Dadka naafada  mihia heystaan matalaad siyaasadeed, dhaqaale ama xitaa bulsho. Tusaale ahaan waxaan dhib ku qabnaa gelintaanka dhismayaasha sababto ah badankoodu malaha sagxada taaga ah ee loogu talagalay kursiga curyaanka. Sharcigu waa inuu wax ka qabtaa taa.,” ayuu ku daray.

 Ka qaybgalka haweenka iyo dhallinyarada

 Saciid Sirad Barre oo Galmudug deggan, isla markaana kasoo qayb qaatay aftidii loo qaaday dastuurka Soomaaliya ee sannadkii 1979-kii ayaa sheegay in ololaha hadda socda ee dib u eegistu aad ayuu uga duwanyahay midkii dhacay sannadkaas. “Farqiga u dhexeeya midkii hore iyo hadda waa in midka maanta loo dhan yahay. Qof walbana waa lagu dhiirri geliyay in uu ka qaybgalo heer gobol, degmo iyo xaafad, waxaana dhammaanteen nagula dhiirigeliyay inaan si xor ah ula wadaagno fikradaheenna” ayuu yiri Jaalle Barre Saciid.

 “Anigu waxaan si gaar ah u dhiirri gelinayaa inay dhallinyaradu taageeraan kana qayb galaan hawsha dib u eegista dastuurka si ay u helaan dastuur u adeegaya danahooda iyo horumarka” ayuu yiri.

Hawsha dib u eegista dastuurka Soomaaliya waxaa la bilaabay sannadkii 2018-kii, ujeedkuna waxa uu ahaa in la bedelo dastuurka hadda ee Ku meel gaarka ah, kaas oo la qoray sannadkii 2012-kii, kahor inta aan la gaarin doorashooyinka “hal qof iyo hal cod” oo la qorsheeyay 2020/21-ka.

 Wadahadal kooxeed kaddib, Dahabo Aadan Maxamuud oo matalaysa ururka haweenka ayaa sheegtay inay ku dhiiranayd inay aragto in Dastuurka Kumeel gaarka ah uu damaanad qaaday xuquuqda haweenka, gaar ahaan qodobka sheegaya in dhammaan muwaadiniinta iyadoo aan loo eegin jinsi, diin, bulsho iyo heer dhaqaale ay leeyihiin xuquuq iyo wajibaad siman sharciga hortiisa.

“Maadaama ay haweenku ka mid yihiin kuwa ugu jilicsan bulshada, Datuurku waa noo wanaagsan yahay waayo wuxuu sheegayaa xuquuqdeenna. Faa’iido wayn ayaa noogu jirta si aan u ogaanno in Datuurku uu xaquuqdeenna dhowrayo ka muwaadiniin buuxda ahaan,” ayay tiri.

Mar uu kulanka wada tashiga ka hadlayey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Galmudug,  Cumar Axmed Sheikh Aadan, ayaa dadka gobolka deggan ku boorriyey inay ka faa’idaystaan geedi socodkan daaha furan si aragtidooda loo dhegeysto.

“Sababta aad Dastuurka uga qayb qaadanaysaan waa inuu koobayo xuquuqo iyo waajibaad. Haddii aadan ogayn waxa uu Dastuurku sheegayo, waxay ka dhigan tahay inaadan u doodi karin xuquuqdaada. Waxay sidoo kale ka dhigan tahay inaadan fahmaynin waajibaadkaaga madaniga ah. Sidaa darteed, waa muhim in laga qayb qaato si aad muwaadin ahaan u fahamto xuquuqdaada iyo waajibaadkaaga”,  ayuu yiri Md. Adan.