Wafdiga QM ee Kismaayo booqday waxa ay ka hadleen taageerada la siiyo Jubaland halka ay soo dhaweeyeen arrimaha ka soo kordhay doorashooyinka

31 Jan 2021

Wafdiga QM ee Kismaayo booqday waxa ay ka hadleen taageerada la siiyo Jubaland halka ay soo dhaweeyeen arrimaha ka soo kordhay doorashooyinka

Kismayo – Taageerada Qaramada Midoobay ee ay Jubaland siiso kuwaas oo ka kooban qeybo kala duwan oo ay ka mid yihiin  caafimaadka iyo badqabka aas aasiga ah ilaa iyo kobcinta dhaqaalaha, awood siinta iyo ilaalinta dadka kuwooda ugu nugul ayaa ka mid ahaa mawduucyadii ay kala hadleen wafdiga heerka sare ahaa dowlad gobolleedka dhaca Koonfurta Soomaaliya.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay in aan maanta joogno Kismaayo. Waxa ay u dambeysaa booqashooyin aan ku tegeynay dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federalka ee Soomaaliya bilowga 2021. Waxaan u nimid in aan kala hadalno madaxweynaha iyo kooxdiisa shaqada ay Qaramada Midoobay halkan ka wado ee ay ku taageereyso Juballand 2021-ka iyo wixii ka dambeeya,” waxaa sidaas kelmedihii uu warbaahinta caasimadda KMG ah ee Jubaland, Kismaayo ugu sheegay Ergeyga Gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya, James Swan.

Ergeyga Gaarka ah ee QM waxa uu ka hadlayey  shir jaraa’id ay si  wadajir ah u qabteen madaxweynaha dowlad gobolleedka Axmed Maxamed Islaan ‘Madoobe’, kaas oo ay shirka jaraa’id kahor kulmeen. Shirka jaraa’id kahor, Ergeyga Gaarka ah iyo hay’ado kale oo QM ah waxa ay shir la yeesheen hoggaamiyaha Jubaland iyo kooxdiisa.

Mas’uuliyiintii kale ee qeybta ka ahaa booqashada waxaa  ka mid ah, Agaasimaha Guud ee Hay’adda Cunada Aduunka, Cesar Arroyo; Wakiilka UNHCR ee Soomaaliya, Hay’adda QM ee Qaxootiga, Johann Siffointe; Wakiilka Hay’adda Caafimaadka Aduunka, Dr. Mamunur Rahman Malik; Md. Andrew Read oo ka socda Hay’adda QM u qaabilsan Beeraha ahna Isuduwha Kalluumeysiga Soomaaliya.

Taageerada ballaaran

Waqtigan la joogo, 15 hay’adaha QM ayaa ka hawlgala Jubaland. Waxaa sidaas kelmedihiisii ku sheegay Ergeyga Gaarka ah.

Barnaamijka Cunada Aduunka waxa uu ka shaqeynayey xoojinta sida ay bulshada reer Jubbaland ugu babac dhigi lahayaeen daadaadka, cunta yarida iyo masiibooyinka kale. Shaqooyinkan horumarineed waxaa ka mid ah, barnaamijka nidaamka cuntada iyo badqabka. Dadaaladan Waxa ay qeyb ka yihiin barnaamijyada gargaar ee mudada dheer ka socday Jubaland – halkaas oo ay Hay’adan Cunada ku taageerto dad gaaraya 400,000 (Afar Boqol oo kun) oo ay cunto yari hayso, u fidiso barnaamijyo nafaqeyn ah iyo raashinka Dugsiyada (Schools). Iyo, waxaa jira fiiro gaar ah oo ay u yeelato nafaqeynta hooyooyinka iyo carruurta da’da yar.

“Tusaale kale oo ka mid ah shaqada uu Barnaamijka Cunada Aduunka halkan Kismaayo ka hayo waa dayactirka Dekedda Kismaayo. Barnaamijka Cunada Aduunka waxaa soo saaray qalfoof ka haray laba markab oo quusay  kuwaas oo maridda Badda caqabad ku ahaa,” ayuu yiri Md. Swan.

“Qalfooftaas meesha laga saaray waxa ay sahli doonaan saadka gargaarka bani’aadannimo ee soo mara Dekadda, laakiin sidoo kale waxa ay fursad muhiim ah u tahay horumarinta adeegga dhaqaale ee Jubaland.”

WHO waxa ay si dhaw ula shaqeyneysay Wasaaradda Caafimaadka ee Jubaland iyo dhiggeeda heer Federal si loo xaqiijiyo in bulshada Jubaland fursad wanaagsan u helaan daryeelka caafimaad.

Marka laga yimaado in ay Wasaaradda Dowlad Gobolleedka ka taageertay ka jawaabidda cudurka safmarka ah ee COVID-19, hay’adda caafimaadka ee QM waxa ay sidoo kale gacan ka geysatay ol’oleyaashii tallaalka ee bilihii dambe.

“Waxaa ka mid ahaa ol’olihii dabeysha ee 11-ka degma ee la tegi karay lagu gaaray carruur gaareysa 300,000 (Saddex Boqol oo Kun). Iyo, bishii Oktoobar ee sanadkii hore, Hay’adda Caafimaadka Aduunka waxa ay sidoo  halkan Kusmaayo ka sameysay ol’ole tallaalka jadeecada ah, halkan (Kismaayo oo ah goob ay jadeecadu ku xoogan tahay, waxaa ay ka tallaashay carruur ka badan 56,000 (Konton iyo Lix Kun).”

FAO waxa ay taageertay horumarinta waaxda kalluumeysiga Jubaland, gaar ahaan Kismaayo iyo ilaa iyo koonfurteeda fog, kuwaas oo ka soo bilaabanaya jasiiradaha Baajuunta ilaa iyo Raaskaambooni. Taageerada waxa ay isugu jirtaa naqshadeynta iyo sameynta 16 doomood iyo bixinta agab casri ah oo la kalluumeysito iyo tababbaro buuxa.

 “FAO waxa ay sidoo kale bixisay mashiinada looga faa’iideysto tamarta la cusbooneysiin karo iyo tallaagado qaboojiyeyaal ah, kuwaas waxa ay horumariyeen soo jillaabidda kalluunka iyaga oo yareeyey kalluunka xumaada, sare u kaca qiimaha kalluunka iyo waliba waxa ay waxtar ku kordhisay  sugnaanta cuntada ee Jubaland,” ayuu yiri Md. Swan.

UNHCR, hay’adda qaxootiga, waxa ay taageertaa dadka soo laabtay, kuwa gudaha ku barakacay iyo bulshada dib u dejinta ugu sameeyey guud ahaan Jubaland. Waxyaabaha ay qabatay 2020 waxaa ka mid ah, dhisidda in ka badan  1,000 (Kun) xirmo guryo ah iyo kaabeyaal kale oo ay dhistay dadka soo laabanaya, sidoo kale waxa ay taageertay dadka ku nool guryaha uu saameeyey daadka. UNHCR waxa ay sidoo kale gacan siisay in ka badan 28,000 (Sideed iyo laabatan kun) oo arday si sare loogu qaado tirada is qorta, gaar ahaan gabdhaha.

“Markale, kuwaani waa uun qaar ka mid ah tusaaleyaasha – laakiin, waxa ay ka bixinayaan sawir guud taageerada qoyska QM, iyo waxa aan rejeyneyno in aan ka sii ambaqaadno anaga oo dhageysaneyna waxa ay mas’uuliyiinta Jubbaland rabaan mustaqbalka iyo waxa ay rejeynayaan Qaramada Midoobay, xilli aan sugeyno in aan hore u wadno iskaashigeena dhaw,” ayuu yiri Md. Swan.

Intii ay booqashada ku guda jireen mas’uuliyiinta ka kala socday WFP, UNHCR, WHO iyo FAO waxa ay si gooni gooni ah ula kulmeen wasiirada Jubaland iyo mas’uuliyiin si ay ugala hadlaan waxyaabaha gaarka u ah ee ay hay’ad walba in laga taageero dooneyso.

Gorfeyntii siyaasadda

Xaalada siyaasadeed ee Soomaaliya ayaa si weyn loogu fallanqeeyey wadahadaldadii Ergeyga Gaarka ah iyo madaxweynaha Jubaland – gaar ahaan doorashooyinka qaranka. 

Keledihiisii warbaahinta, Ergeyga QM waxa uu xusay in ay hay’adda aduunku ay  ka mid ahayd saaxiibadii caalamka ee soo dhaweeyey dabayaaqadii toddobaadkii hore ku dhawaaqistii Jubaland iyo dowlad gobolleedka waqooyiga xiga ee Puntland xubnaha  Kooxda Hirgalinta Doorashooyinka ee heer Dowlad Gobolleed. Waxaan sidoo kale soo dhaweyneynaa ku dhawaaqistii Shirka Wadatashiga Qaran ee uu Dhuusamareeb kula yeelano madaxweyne Maxamed Cabdullahi Maxamed ‘Farmaajo’ hoggaamiyeyaasha Dowlad Gobolleedyada 13-ka Febraayo.

“Waxaan soo dhaweyneynaa doorka madaxweynaha ee qabashada shirkan waxaana ku baaqeynaa in ka qeybgalka Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federalka iyo Dowladda Federalka uu noqdo mid wax dhisaya, iyada oo ay jirto ruuxiyad isu tanaasul si loo wada gaaro heshiis lagu fulinayo nidaamkii doorasho ee 17-kii Sebteembar,” ayuu yiri Md. Swan.

Iyada oo ay doodahaas ka mid tahay, Ergeyga QM waxa uu yiri,  waa muhiim in tanaasul  ku saabsan maamulka iyo amniga Garbahaarey, xarunta gobolka Gedo ee Jubaland,  loo sameeyo si loo xaqiijiyo in habraaca doorashada uu ugu dhaqan galo iyada oo uu saldhig u yahay heshiiskii nidaamka doorasho ee  17-ka sebteembar ee sanadkii tegay ee ay gaareen DFS iyo hoggaamiyeyaasha  DXGF iyo fulintiisa.

“Waxaan rejeyneynaa in doodahaas horumar dhalo waxaana ku baaqeynaain ay dadaalada sii socdaan,” ayuu yiri Md.Swan.

Ergeyga QM iyo hoggaamiyaha Jubaland waxa ay sidoo kale isla soo qaadeen dagaaladii gudaha iyo hareeraha Balad Xaawo ka dhacay 25-kii Janaayo, kaas oo sida la soo wariyey dad badan oo ay ka mid yihiin caruur ay ku dhisteen kuna dhaawacmeen. Md. Swan waxa uu tacsi u diray qoysaskii ay waxyeeladu soo gaartay.

“Waxaan ku nuux nuuxsadan in waqtigani yahay waqtigii is xakameynta iyo in xaalada colaadeed la joojiyo, iyo taasi ay u hoggaansamaan kuwii qeybta ka ahaa dagaaladii dhawaan,’ ayuu ku daray.

Booqashada wafdiga QM ee Jubaland waa tii shanaad ee ay ku tagaan Dowlad Gobolleedyada bishan, iyada oo uu ujeedku yahay in Maamul Gobolleedyada lagala tashado taageerada ay siiso hay’adda aduunka. Wafuud hore oo uu hoggaamiyey Ergeyga Gaarka ah ayaa booqday Maamul Gobolleedyada Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle.