Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada midoobay oo warbixintiisa Golaha amaanka diirada ku saaray guulaha la gaadhay iyo baahida loo qabo wadashaqeyn si horumarka loo sii wado

21 Aug 2019

Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada midoobay oo warbixintiisa Golaha amaanka diirada ku saaray guulaha la gaadhay iyo baahida loo qabo wadashaqeyn si horumarka loo sii wado

New York: Khudabadiisii ugu horesay ee uu u jeediyo golaha amaanka, ayuu ergayga gaarka ah ee qaramada midoobay u qaabilsan soomaaliya diirada ku saaray guulaha uu dalkani kagaaray jihooyin badan asaga oo dhinaca kalena carabaabay in suuragalnimada in horumarkaasi sii socdo ay tahay mid soo yaraanaysa hadii aan la helin wada shaqayn buuxda. 

“Intii aan socdaalka ku marayay dalka, waxaan ogaaday in ay jiraan waxyaabo badan oo muujinaya soo kabasho, horumark, amni ee soo hagaagayo iyo hay’ado dowli ah oo shaqeynaya aad ayaana ula dhacay, uguna qiirooday adkeysiga, dadaalka iyo dhiirinanaanta Soomaalida ee aan lakulmay.” Ayuu golaha amaanka u sheegay wakiilka gaarka ah ee xoghayaha qaramada midoobay ee Soomaaliya xili lagu jiray kulanka golaha amaanka oo ka qabsoomay xarunta dhexe ee golaha ee New York. 

“Horumarka waxaa uu tusaale u yahay hadafka lagaari karo ee ajandayaasha dhismaha nabadda iyo dowladnimada ee madaxda Soomaalidu ay ku howlantahay.” Ayuu intaasi raaciyay. 

Si kastaba ayada oo la garwaaqsaday guulaha laga gaadhay meelo badan oo mudnaanleh ayna kamyihiin dib u eegista dastuurka, guulaha howlgaladda amnigga, isbadalada waaxda amniga, horumarka deyncafinta iyo kamiradhalinta doorashooyinka qaran ee la filayo, ayuu wakiilka xusay muhiimada ay leedahay in la sii xoojiyo guulahan xiliga dhaw. 

“ Fursadaha  horumaro dheeraad ah looga gaari karo  arimahan ayaa ah kuwo kooban.” Ayuu yiri Mr Swan.

 “Bartilmaameedyo muhiim ah ayaa khatar ugu jira dib u dhac. Dib u dhac ayaa ku imaan kara horumarada cusub hadii aan la cusboonaysiinin wadahadalada iyo wada shaqeynta ka dhaxaysa dhamaan saamileyda.” 

Wakiilka gaarka ah ee qaramada midoobay ayaa sheegay in lagaaro bartilmaameedyadan 2020ka dadaal dheeraad ah oo la sameeyo dhowrka bilood ee soosocota. Waxaa uu carbka ku adkeeyay baahida loo qabo Isfahan siyaasadeed oo ku aadan sida ugu haboon ee horumar loo samayn karo  oo dhaxmara dhamaan madaxda qaranka, hadii ay ahaan lahaayeen kuwa golaha wasiiradda, xildhibaanada iyo waliba si gaar ah masuuliyiinta dowlada federaalka iyo kuwa dowladaha xubnaha ka ah. 

Wakiilka gaarka ah ee qaramada midoobay ayaa xilka la wareegay dabayaaqadii bishii Juune ee sanadkan. Tan iyo xiligaas waxaa uu booqasho ku tagay dhamaan dowlad goboleedyada dalka iyo Somaliland. Waxaa uuna lakulmay hogaanka maamul goboleedyadaasi, kuwa qaran iyo qeybaha bulshada rayidka ah 

Geedi socodka doorashadda. 

Arimaha  ku aadan dhinaca doorashada, Mr. Swan wuxuu sheegay in wareega doorashada qaran ee 2020/21 ay tahay fursad loogu hormarin karo si aan laalaab lahayn ee geedi socodka dimoqraadiyadda, wuxuuna xusay in farsamo ahaan uu socdo diyaar garowga, si loo sameeyo horumar, ayadoo baarlamaanka federaalku uu wado dib u eegista qabyo qoraalka dastuurka, Gudiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qarankana oo isu diyaarinayo diwaangelinta codbixiyeyaasha." Waxaan ku boorinayaa Golaha Shacabka ee baarlamaanka inay dardar-galiyaan dib-u-eegistooda iyo ansaxinta sharciga doorashada, oo ay ku jirto samaynta wadatashiyo dheeraad ah si loo helo taageero siyaasadeed oo balaaran," ayuu yiri. “Si taas loo gaaro, waxaan soo dhaweynayaa dib u bilaabashada wada shaqeynta ka dhexeysa labada aqal ee baarlamaanka." Isaga oo tixraacaya geedi socodka dib-u-eegista dastuurka ee hada socoto, ergeyga Qaramada Midoobay wuxuu ka hadlay sida dastuurka federaalka, hadii la isla qaato, laga heli doonaa aragti midaysan oo Soomaalida dhamaan ay isla qaataan, ayadoo si cad loo qeexayo kaalinta qaybaha Dowladda Federaalka, iyo xiriirka kala dhexeeyo  Dowladaha goboleedyada xubnaha ka ah federaalka. "Horumar farsamo ahaaneed ayaa laga sameeyay geedi socodka dib-u-eegista," ayuu yiri Mr. Swan, "laakiin Soomaalidu waxay hada u baahan yihiin in la helo wadahadal loo dhan yahay si loo gaaro heshiis ku saabsan qodobada xasaasiga ah ee laalan, oo ay ka mid yihiin qoondaynta awoodaha, xiriirka dawladda, nidaamka dawladnimo, qaybsiga kheyraadka., iyo maqaamka Muqdisho.”

Horumarka dhaqaalaha
Isaga oo tixraacaya horumarka joogtada ah ee Soomaaliya ee soo kabashada dhaqaalaha, ayuu u sheegay xubnaha Golaha Amaanka in mas'uuliyiinta dowladda ay sameeyeen tallaabooyin muhiim ah oo ku aaddan hagaajinta waxqabadka maaliyadeed iyo xoojinta dowladnimada - ujeedka ugu weyn ayaa ah in la helo deyn cafinta wadamada saboolkaka ah ayaa noo muuqataa. 

Hay'adda Lacagta Adduunka (IMF) ayaa sheegtay in Soomaaliya ay deyn bixiyeyaasha caalamiga ah ku leeyihiin $ 5.2 bilyan. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed 'Farmaajo' ayaa marar badan ugu yeeray deyn-bixiyayaasha caalamiga inay Soomaaliya ka cafiyaan deynta taa oo hoos tagto mashruuca dayncafinta wadamada saboolka ah ee loo soo gaabiyo HIPC, oo ay IMF iyo Bangiga Adduunka dhiseen 1996-dii si loo hubiyo in waddan liita uusan la kulmin culeys ka badan inta awoodiisa adeega bixinta iyo maamulidda ah.

Qorshaha gargaarka abaaraha

Mr. Swan wuxuu kaloo ugu yeeray Dowladaha xubnaha ka ah Qaramada Midoobay inay gacan ka gaystaan sidii loo maalgelin lahaa qorshe lagula dagaallamayo saameynta abaarta ka jirta Soomaaliya, halkaasoo ay jiraan ilaa 2.2 milyan oo Soomaali ah oo wajahaya cunno yaraan, iyo 2.6 milyan oo gudaha ku barakacay, kana cararaya dagaalada iyo abaarta.

 Dhibaatooyinka bina-aadamnimada ee Soomaaliya ayaa weli kamid ah kuwa ugu daran ee adduunka. Qorshe loogu magac daray Qorshe loogu yeeray Waxkaqabashada Abaarta oo lagu codsaday $686 milyan, oo ay gudbiyeen masuuliyiinta Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay, ayaa ilaa iyo hadda helay qiyaastii $350 milyan.

 “Isla mar ahaantaana, waa inaan xoogga saarna arrimaha mudnaanta leh ee Soomaaliya ee horumarka xiliga fog, sida ka muuqata Qorshaha Soo kabashada, Adkeysiga iyo u diyaargarowga Barnaamijka cusub ee Horumarinta Qaranka, ”ayuu yiri ergeyga Qaramada Midoobay.

Marka laga soo tago Mr. Swan, Goluhu wuxuu sidoo kale ka dhageystay warbixin Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya, Danjire Francisco Madeira, iyo Agaasimaha Fulinta Xarunta Horumarinta Haweenka Soomaaliyeed, Aamina Caraale.

Hadalka Mr. Swan ee buuxa ee Golaha Amniga. 

PDF icon190821_security_council_statement_as_delivered_.pdf