Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u fadhiya Soomaaliya oo la kulmay qurbajoogta

29 Jan 2018

Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u fadhiya Soomaaliya oo la kulmay qurbajoogta

Minneapolis – Wakiilka Gaarka ah ee Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay u fadhiya Soomalaiya, Michael Keating, ayaa maalinta Jimcada la kulmay mas’uuliyiinta Soomaalida ee laga  doortay Mareykanka, dadka u ol’ololeeya xuquuqda haweenka iyo ganacsatada iyo hoggaamiyeyaasha jaaliyadda maalinta Jimcada kaddib booqasho gaaban uu ku tagay Minneapolis, oo hooy u ah tirada ugu badan ee qurba-joogta Soomaaliyeed ee ku nool dalka Mareykanka.

Mudane Keating waxaa marti geliyay Xildhibaan Keith Ellison oo matala Degmada Shanaad ee Minnesota, oo ay Soomaalida ku nool gobolkaas ugu badan yihiin.

“Qurbaha waa hooyga fikradaha, xiriirka ganacsiga iyo rajo, dowladda Soomaaliyeed ee hadda jirtana waa dowladdii ugu qurbajoogta badneyn abid,” ayuu wakiilka Qaramada Midoobay ka yiri kulanka uu Xafiiska Minnesota ee la qaatay ganacsatada Soomaaliyeed, madaxda bulshada iyo abaabuleyaasha gargaarka bani’aaddinimida.

Ka qayb-galayaasha ayaa walaac ka muujiyay khatarta ay nabadgelyada ku hayaan maleeshiyada Al-Shabaab. Mowduucyada kale oo laga hadlay waxaa ka mid ahaa xakameynta dowladda Mareykanka ee xawiilaadaha, oo ah il muhiim ah oo dalkan ku yaalla Geeska Afrika uu ka helo dhaqaalaha, iyo sidoo kale xiisadaha siyaasadeed ee ka jira Soomaaliya.

“Waxaan ku faraxsannahay in aan suurtagelnno wada-hadalka hadda ka jira Soomaaliya. Marxaladda dhabta ah hadda ma aha yagleelidda maamullada, balse waa dhisidda maamullada, taasina waa horumar aad u weyn,” ayuu xusay Mudane Keating.

Wakiilka ayaa kaddib Kulliyadda Arrimaha Dadweynaha ee Hubert H. Humphry ee Jaamacadda Minnesota ka jeediyay khudbad uu mowduuc uga dhigay, “Bilow Cusub ee Soomaaliya: Dhismaha Nabad Waarta, Amni, iyo Barwaaqo.” Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ayaa waxaa uu diiradda saaray dib u habeynta dhinaca maaliyadda, barnaamijyada shaqo abuurka, siyaasad loo dhan yahay iyo kaalinta muhiimka ah ay qurbajoogta Soomaaliyeed ka ciyaarayaan dib u dhiska dalkooda.

“Mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya waxaa ay intooda badan ka yimaadaan qurbaha, inta badan lacagaha dadka ay saameysay abaaraha lagu deeqo waxaa ay ka yimaadaan qurbajoogta. Taageerrada dhanka siyaasadda ee ka imanaysa dhowr waddamood, ha ahaato Mareykanka, Yurub, Canada ama waddamo kale, waxaa ay ku yimaadaan sababo la xiriira taageerrada qurbajoogta,” ayuu madasha ka yiri.

Ka qayb-galayaasha ayaa weydiiyay su’aallo ku saabsan xaaladda nidaamka daryeelka caafimaadka ee Soomaaliya, xaaladaha amniga iyo dowrka haweenka ku aaddan siyaasadda.

Haweeney xooggan, bulsho xooggan

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa qado-sharaf la qaatay mas’uuliyiinta Soomaaliyeed ee laga doortay dalka Mareykanka. Mudane Keating waxaa uu kaddib u gudbay xarunta dhexe ee Isuroon, oo ah hay’ad aan dowli ahayn ee u ol’ololeysa taabbagelinta haweenka Soomaaliyeed ee ku nool Minnesota, iyo horumarinta adeegyada daryeelka caafimaadka ee loogu talagalay qurbajoogta.

Hay’adda Isuroon oo ay Fartuun Weli aasaastay 2010-kii, ayaa sidoo kale waddaa barnaamijyo loogu talagalay in looga hortago sinnaan la’aanta jinsiga, saboolnimada iyo faquuqa. Marwo Weli ayaa Wakiilka Qaramada Midoobay uga mahadcelisay la kulankiisa haweenka, gabdhaha iyo qoysaska ay hay’addeeda taageerto. “Aaad ayaan ugu faraxsanahay in aan haweenka u sameyno goob ammaan u ah,” ayay tiri agaasimaha fulinta ee Isuroon. 

Booqashadii Suuqa Soomaalida ugu weyn Mareykanka

Mudane  Keating  ayaa   ugu   dambeyn   safarkiisa   ku  soo  gabagabeeyay   booqasho  uu  ku   tagay  Suuqa Karmel, oo ah  suuqa  Soomaalida ee  ugu   weyn  Mareykanka. Suuqa  ayaa   sidoo  kale ah  goob  ay  ku   kulmaan  Soomaalida.