Wakiilka Gaarka ah ee QM James Swan oo la hadlay saxaafadda intii uu ku guda-jiray booqashada Hargeysa

9 Jan 2020

Wakiilka Gaarka ah ee QM James Swan oo la hadlay saxaafadda intii uu ku guda-jiray booqashada Hargeysa

WAR-SAXAAFADEED 01/2020

Subax wanaagsan iyo Sannad Wacan oo Wanaagsan dhammaantiin

Waxaan uga mahad naqayaa Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, kooxdiisa iyo shacabka Somaliland soo dhoweyntooda diiran.

Markii iigu  dambeysay ee aan soo booqday magaalada Hargeysa waxay ahayd lix bilood ka hor. Waxaan ku talo jiraa in aan si joogto ah usii wado booqashada si aan usii wadno wada-hadallada aan la leenahay mas’uuliyiinta sare iyo weliba hay’adaha aan dowliga ahayn ee ku hawlan horumarka Somaliland. Qaramada Midoobay waxay ku leedahay magaalada Hargeysa xafiis si buuxda u shaqeeya oo fuliya mashaariic ballaaran oo kaladuwan si loogu faa’iideeyo  dadka Somaliland xafiis joogto ah ka leedahay magaalada Hargeysa waxayna fulisaa barnaamijyo badan oo kala duwan oo loogu tala galay dadka reer Somaliland.

Intii aan ku guda-jiray booqashada, waxaa sharaf ii ahayd in aan la kulmo Madaxweyne Biixi iyo xubno ka tirsan golihiisa wasiirada, wakiilo ka socday ururada bulshada ah, xisbiyada siyaasadda, iyo saaxiibada caalamka ee ka hawlgala Somaliland. Waxaa kale oo aan booqday mashruuc xirfadaha lagu baro dadka baahiyaha gaarka ah qaba iyo mashruuca barbaadinta duur-joogta.

Qaramada Midoobay waxay soo dhoweyneysaa dadaallada loogu talagalay in lagu dhiso kalsoonida labada dhinac laguna xoojiyo wadahadallada u dhexeeya Hargeysa iyo Muqdisho. Waxaan aaminsannahay inay jiraan dhinacyo badan oo iskaashi ballaaran laga samayn karo si loo hagaajiyo amniga, loo xoojiyo kobcinta dhaqaalaha, loona horumariyo nolosha dadka.

Waxaan dhiirigelineynaa in si dhakhso leh horumar looga gaaro dhameystirka  tallaabooyinka lagama maarmaanka u ah Somaliland si loo qabto doorashooyinka baarlamaanka 2020ka. Waxaan soo dhoweyneynaa wada-xaajoodka u dhexeeya xisbiyada waxaanna ku boorinaynaa in la dhaqan-galiyo heshiisyadii dhowaan la qaaray kuwaas oo suurto gelinaya u diraar garowga doorashooyin dhaca  2020ka. Waxaan ugu baaqaynaa mas'uuliyiinta Somaliland inay xaqiijiyaan xurmaynta xorriyadda hadalka iyo isu imaatinka, iyo sidoo kale awoodda ay xisbiyadu u leeyihiin abaabulka iyo hawlgalka.  Jawiga siyaasadeed ee noocaas ah wuxuu muhiim u yahay in la helo geedi-socod lagu kalsoonaan karo.

Waxaan hoosta ka xariiqnay dadaalladii wanaagsanaa ee dhowaan wax looga qabtay khilaafaadka daba-dheeraaday ee ka taagnaa Sool iyo Sanaag - oo ay ku jiraan dadaalladii lagu dhaqaaqay wixii ka dambeeyay dagaalkii Tukaraq ee 2018 - iyada oo loo maray wadahadal iyo hab wax ku ool ah oo lagu yareynayo xiisadaha laguna dhimayo halista colaado intaas ka badan. Waxaan ku boorinaynaa in dadaalladaas la sii joogteeyo oo lasii xoojiyo.

Waxaa naga go'an inaan sii wadno wadashaqeynta Qaramada Midoobay ay la leedahay Somaliland iyo barnaamijyadeenna faraha badan ee lagu taageerayo dadkeeda. Iyadoo 16 xafiis, hay’ado, sanduuqyo, iyo barnaamijoy Qaramada Midoobay leedahay ay ka hawl-galaan Somaliland, ayaa taageeradeenu waxay iskugu jirtaa qaybo ballaaran oo xagga maamulka dowliga ah, amniga, horumarka, iyo barnaamijyada samafalka ah. Tusaale ahaan, shaqada QM waxaa ka mid ah taageeridda dugsiyada dhexe, qalabaynta iyo xirfad-dhisidda macallimiinta si ay u bixiyaan waxbarasho aasaasi ah oo tayo wanaagsan. Waxaan gargaar u fidinnaa dadka barakacayaasha ah iyo  qaxootiyada ku nool Somaliland, ee kasoo cararay colaadaha ka jiro meelaha kale ama abaaro ay ku khasbeen inay kasoo tagaan deegaanadoodii. Waxaan taageernaa nidaamyada sarreynta sharciga, booliska iyo garsoorka. Hawlaha QM wey noocyo badanyihiin, laakiin waxay ka mideysanyihiin ujeedkooda oo ah in is-bedel wax ku ool ah oo  wanaagsan ay helaan dadka iyo adeegyada dad weynaha ee Somaliland.

Mar labaad, waxaan uga mahadcelinayaa dadka na marti-geliyay soo dhoweynta diiran. Waxaan rajeynayaa inaan sii wado booqashooyinka joogtada ah ee Hargeysa si aan u sii wadno xiriirka iyo iskaashiga una sii amba-qaadno arrimaha muhiimka ah ee aan ka wada hadalnay toddobaadkan.

Mahadsanidiin