Hawl wadeennada Jaamacadda Puntland State University ayaa hindisay jeermis-dile qiimo jaban: Xilli dagaal lagula jiro COVID-19

previous next
22 Apr 2020

Hawl wadeennada Jaamacadda Puntland State University ayaa hindisay jeermis-dile qiimo jaban: Xilli dagaal lagula jiro COVID-19

Garoowe –  Si lamid ah waddamada caalamka oo dhan, ayaa Soomaaliya waxay bartanka uga jirtaa dagaalka lagula jiro Coronovirus (COVID-19) oo noqday musiibo caalami ah, xilli dalka Soomaliyana kiiskii ugu horeeyay looga dhawaaqay bartamihii bishii Maarso.

Si kastooy dadaalladaasi u jiraan, haddana dalka Soomaaliya waxaa u dheer caqabado dheeraad ah oo aysan la wadaagin caalamka– tan ugu wayn waa saboolnimada ka jirta dalka.  Saamaynta ugu wayn waxaa la dareemay markii loo baahday ka jawaabidda xanuunka heerkeeda ugu hooseeya; tusaale ahaan markii kiiskii ugu horeeyay ee COVID-19 lagaga dhawaaqay Soomaaliya, waxaa si xawli ah sare ugu kacay qiimaha jeermis dilayaasha gacmaha lagu nadiifiyo, ayadoo ay suurto gal noqon wayday in gabi ahaantoodba suuqa laga helo, gaar ahaan ay helaan dadka saboolka ah iyo bulshooyinka tabarta daran.   

Haddaba xaaladdan oo jirtay, waxay soo jiidatay dareenka bahda caafimaadka ee Jaamacadda Puntland State University (PSU), oo ah jaamacad ku taalla caasimadda Puntland ee Garoowe –  Hawshan waxaa hindisay laba kamid ah bahda caafimaadka Jaamacadda oo taageero ka helaya bahda jaamacadda PSU kuwaasoo hindisay jeermis dile lagu nadiifiyo gacmaha oo qiimihiisu hooseeyo bishii April bilowgeedii.

“ Annagoo ka jawaabayna baa

hida ay dadku u qabaan jeermis dilaha gacmaha lagu nadiifiyo si looga hortago COVID-19, aniga iyo xubin kamid ah hawl wadeennada caafimaadka Jaamacadda PSU waxaan samaynay baaritaan noo sahlay inaan hindisno jeermis dile aan ugu talo galnay in gacmaha lagu nadfiiyo kaasoo ka koobma kiimikooyinka kala ah; isopropyl, alcohol, hydrogen peroxide, glycerol,  iyo biyo aad loo nadiifiyay” ayuu yiri C/raxmaan Aadan Gambool oo  ah, cilmi baare caafimaad, ahna kuxigeenka madaxa kulliyadda Caafimaadka Sayniska ah ee PSU.

Heerka tayo ee  Qaramada Midoobay

Mudane Gambool wuxuu xusay intii lagu gudo jiray soo saarita jeermis dilahan in la raacay heerka tayo iyo hagayaasha hay’adda Qaramada Midoobay ee Caafimaadka Adduunka (WHO), waxaana la hubiyay heerka cufnaanta aalkolada ku dhex jirta jeermis dilahan uusan dadka ku keen

in xasaasiyad marka la isticmaalo.

“Heerka tayo ee soo saarista jeermis dilaha ee WHO waa in jeermis dile walba ka koobmaa in ka badan 60 boqolkiiba oo ah aalkolo, waxaana jaamacadda PSU ay ku guulaysatay inay jeermis dileheeda ka darto 75 boqolkiiba oo aalkolo ah. Tijaabadii ugu horaysay waxay noqotay mid lagu guulaystay, waxaana goob joog ka ahaa bandhigga tijaabada saraakiil caafimaad iyo masuuliyiin dawladda ka socda oo uu kamid yahay Wasiirka Caafimaadka Puntland” ayuu intaa ku daray.

“Dhammaan aaladaha loo adeegsado nadaafadda iyo jeermis dilayaashaba waxay nooga yimaadaan dibadda, si sahlana uma ilaalin karno tayadooda, sidaa daraadeed waa arin ammaan mudan in la helo jeermis dile lagu sameeyay gudaha, sida midka hadda ay samaysay Jaamacadda PSU” ayuu yiri Dr. Jaamac Faarax Xasan, Wasiirka Caafimaadka Puntland.

Marka laga soo tago ammaanta iyo bogaadinta ay PSU kala kulantay bahda caafimaadka iyo maamulka Puntland, hindsaha bahda PSU wuxuu soo jiitay  Soomaali badan oo kunool dalka iyo dibaddiisa, kuwaasoo bogaadiyay tallaabada ay qaaddeen bahda PSU.

Mid kamid ah dadka baraha bulshada wax ku qora ayaa twitter-kiisa ku qoray  “ Waaxda Caafimaadka Jaamacadda Puntland State University waxay qabatay tallaabo ammaan mudan, waxayna soo saartay jeermis dilihii ugu horeeyay ee abid lagu sameeyo Puntland. PSU shaqo fiican ayaad qabateen balse Dawladda Puntland waa inay

ka caawisaa jaamacadda inay siiso taageeradii iyo qalabkii ay horay ugu dhaqaaqi lahaayeen”.

Qof kale oo baraha bulshada wax ku qora asna wuxuu yiri , " Puntland waa meel cajiib ah, waxaad ka helaysaa dad iskuday badan si ay uga guulaystaan COVID-19. Jaamacadda PSU waxay mutaysatay inay noqotay machadkii ugu horeeyay eek u guulaysta soo saarista jeermis dilaha.”

Illaa iyo hadda jaamacaddu waxay samaysay 15 dhalo oo yar yar, oo midkiiba ka koobmo 100 milliliter, waxaana khubarada caafimaadka ee PSU raadinayaan waddooyin lagu maalgaliyo qorshohooda, si ay usoo saaraan kumanaan litir si ay ugu qaybiyaan dadka baahida u qaba.

"Waxaan ku rajo waynnahay inaan soo saarno jeermis dilayaal badan, haddii aan helno taageerada Puntland ama midda Dawladda Federaalka ama midda Hay’adaha Caalamiga ah," ayuu yiri Mudane Gambool.

Dagaalka COVID-19

Marka laga soo tago hindisaha Jaamacadda PSU, waxay kooxaha kala duwan ee jaamacaddu si muuqata uga qayb qaadanayaan dagaalka lagula jiro COVID-19, gaar ahaan taageerada bulshada dhinacyada wacyi galinta, iyo baraarujinta dadwaynaha ee ku aaddan joogtaynta nadaafadda aasaasiga ah.

Hay’adda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxaa ka go’an taageerada maamullada dalka iyo shacabka gaar ahaan xaaladda lagu jiro ee ka jawaabidda COVID-19.  Gaar ahaan Qaramada Midoobay oo soo maraysa hay’adda caafimaadka adduunka WHO waxay Soomaaliya ka caawinaysaa diyaarinta  caafimaadka dalka si loo joojiyo loogana hortago faaidda xanuunkan saf marka ah .

Dhanka caafimaadka, Qaramada Midoobay waxay iskaashi la samaynaysaa Dawladda Federaalka iyo Dawladaha xubnaha ka ah Federaalka si loo darso baahida deg dega ah iyo sidii loo diyaar gareeyo waxyaabaha loo baahan karo mustaqbalka. Hay’addu waxay sidoo kale ka shaqaynaysaa caawinta iyo isku dubba ridka taageerada ka imaanaysa saaxiibada caalamka ee caawinta Dawladda Federaalka inay dajiso mudnaanteeda isla markaana ay u qoondayso dhaqaalaha meeshii ay u baahnayd.