Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud Keating oo Soomaaliya soo gaaray

18 Jan 2016

Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud Keating oo Soomaaliya soo gaaray

WAR-SAXAAFADEED 01/2016 

Wakiilka Gaarka ah ee cusub ee Xoghayaha Guud QM u qaabilsan Soomaaliya iyo Madaxa Hawgalka Kaalmaynta Qaraamada Midoobay ee Soomaaliya(UNSOM) Michael Keating ayaa ballanqaaday in uu taageeraya shacabka Soomaaliyeed si loogu soo celiyo dalkooda nabad iyo barwaaqa isaga oo gaaray Muqdisho saakay si uu ula wareego waajibaadkiisa cusub.  

WGXG Keating waxaa garoonka caalamiga ah ee caasimadda ku soo dhaweeyey Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Horumarinta Maalgashiga ee Soomaaliya Cabdisalaan H.Cumar,Ku Xigeenka WGXG iyo Isuduwaha Arrimaha Gargaarka ee QM Peter de Clercq,Saraakiil saree e Hawgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya(AMISOM) iyo xubnaha shaqaalaha QM.

“Waxaan hubaashi u arkaa shaqadayda in ay tahay caawinta Soomaalida si ay ugu miran dhaliyaan aragtida dalkooda iyo sidoo kale joogtaynta wadashaqaynta caalamiga ah iyo taageerada waqtiga soo socdo,” ayuu sheegay Mudane Keating.”Waxaan dareensanahay sida Soomaaliya isu beddeshay iyo qiyaasta horumarka ay sameeysay… isla markaana daah igama saarna dhibaatooyinka badan ee aan wajahayno.”

Wasiirka Arriamah Dibadda wuxu xusay in booqashooyinka hore shaqo ee WGXG ee QM oo ay kamid tahay Afghanisan iyo Bariga Dhexe in ay ka caawin doonto shaqadiisa cusub. 

 “Laazim waad jeceshahay shaqooyinka noocan ah,” ayuu yiri wasiirka isaga oo la hadlaya Mudane keating. Waa waqti fiican oo aad Soomaaliya joogto maxaa yeelay waxaan u baahan nahay in aan dhameystirno geeddi socodka, waxaan u baahan nahay in aan meesha ka saarno Al-Shabaab,sidoo kale waxaan u baahan nahay in aan qayb ka ahaanno quruumaha adduunka

Mudane Keating wuxu sheegay QM in ay ku leedahay “sumcad wanaagsan” gudaha Soomaaliya, waxaan garaawsanahay shaqada weyn ee hay’adda iyo shaqaalaheeda ay ka qabanayeen dalka. Wuxu booqasho bogaadin “geesinimadooda ah ugu tagey saaxibada AMISOM”

WGXG wuxu markii dambe la kulmay Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud, Ra’iisal Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Mudane Keating wuxu xilka kala wareegayaa Nicholas Kay, kaa oo dhameystay labo sano iyo bar shaqo ah isaga oo ahaa WGXG u qaabilsan Soomaaliya iyo sidoo kale Madaxa UNSOM ee 29 Disembar 2015.