Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud oo cambaareeyey weerarkii Maqaayad ku taalo Muqdisho

22 Jan 2016

Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud oo cambaareeyey weerarkii Maqaayad ku taalo Muqdisho

WAR-SAXAAFADEED 02/2016

Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya,Michael Keating ayaa luuqadda ugu adag ku cambaareeyey weerarki xalay lagu qaaday maqaayad caan oo ku taalla Muqdisho kaa oo lagu beedsaday Soomaali rayid ah oo ay kamid yihiin xubno xaflad aroos iyo koox u dabaal dageysay xaflad qalin jabin ah. Afhayeenka Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda weerarkan wuxuushnimada ah kaa oo dilay ugu yaraan 20 qof.  Dadka la xaqiijiyey in ay ku dhinteen waxaa kamid ah hooyo uur leh iyo ilmo yar.

 “Weerarkan bahalnimada ah ee ugu dambeeyey waxaa si ula kac ah looga danleeyahay in lagu cabsi geliyo shacabka Soomaaliyeed. Ficillada noocan ah ee aadka u xun waa in aysan xagal daacin dadaalada lagu soo celinaya nabadda iyo degenaanshaha Somalia,” ayuu sheegay WGXG Keating. “Aniga oo ku hadlaya guud ahaan magaca qoyska Qaraamada Midoobay ee Soomaaliya, waxan tacsii tiiraanyo leh gaarsiinayaa qoyskaska  ku waayey kuwo ay jeclaayeen ficilkan aadka u xun.  Waxaan sameyn doonnaa wax walbo uu suurtogal ah si aan u xaqiijino in Al-Shabaab aysan ugu guuleysan isku daygooda quusta ah oo ay ku niyad jabinayaan rajada dadka Soomaaliyeed.”