War-saxaafadeed ku saabsan xoojinta is-fahamka iyo dib-u-heshiisiinta

15 Jun 2020

War-saxaafadeed ku saabsan xoojinta is-fahamka iyo dib-u-heshiisiinta

Muqdisho Saaxiibada Soomaaliya ee Caalamka (ee hoos ku qoran) waxay soo dhaweynayaan soo-jeedintii Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Maxamed ‘Farmaajo’ ee 14kii Juun ee ku saabsanayd qabsoobidda  shir dhexmara Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dhammaan Madaxweynayaasha shanta Dowlad Goboleed ee Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir (Muqdisho), iyadoo shir gogol-xaar ah uu si hordhac ah ugu qabsoomi doono khadka internetka [aaladda la iska arko]. Waan bogaadinaynaa dadaalkan lagu xoojinayo wadashaqaynta laguna kobcinayo is-fahamka iyo is-afgaradka.

Waxaan ugu baaqeynaa madaxda Soomaaliyeed inay ka faa’iideystaan ​​fursaddan si ay ugu heshiiyaan wadiiqada horay loogu amba-qaadayo arrimaha hortabinta u leh qaranka, oo ay ku jiraan doorashooyinka, si loogu daneeyo dhamaan dadka Soomaaliyeed. Waxaa qiraynaa dadaallada kale ee dhowaan ay sameeyeen wakiilada DFS iyo Dowlad Goboleedyada, dadaalladaas oo gacan ka geysatay dhidibbo u aasidda wadahadalkan.

Waxaan boorinaynaa in si dhakho leh loo abaabulo, si dib-u-dhac la’aan ah, kulamadan Khadka internetka lagu qabanayo iyo kuwa u dhacaya sida fool-ka-foolka ah, ee lagu dhaqaaqay maanta.

Waxaan soo dhoweynaynaa dadaalada joogtada ah ee loo galay wadahadalka, dib-u-heshiisiinta iyo isu-tanaasulka ka dhexeeya madaxda siyaasadeed. Waxaan sidoo kale soo dhaweyneynaa baadi-goobka loogu jiro in xal laga gaaro khilaafaadka siyaasadeed iyadoo aanay rabshado dhicin, lana adeegsanayo garashada xaaladda jirta iyo u-wada-dhamaansho, oo ay ku jirto [arrinta] Jubaland.

Waxaan rajaynaynaa in aan marqaati ka noqono horumar dardar-gelin leh oo laga gaaro arrimaha mudnaanta iyo hortabinta u leh qaranka iyadoo loo marayo iskaashi dib loosoo cusbooneysiiyo oo dhexmara Soomaaliya madaxdeeda, waxaana diyaar u nahay in aan taageerno dadaallada lagu horumarinayo siyaasad loo dhanyahay iyo in la ilaaliyo midnimada dalka.

 

*Belgium, Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska, Canada, Denmark, Dowladda Mareykanka, Faransiiska, Finland, Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Ireland, Itoobiya, Japan, Jarmalka, Kenya, Masar, Midowga Yurub, Netherlands, Norway, Poland, Shiinaha, Spain, Sweden, Switzerland, Talyaaniga, Turkiga, Uganda, Urur-Goboleedka (IGAD), Qaramada Midoobay.