QM waxay soo dhoweyneysaa talaabooyinka ay dhowaan qaaadday Dowladda Federaalka ah ee la-dagaallanka musuq-maasuqa

7 Jun 2020

QM waxay soo dhoweyneysaa talaabooyinka ay dhowaan qaaadday Dowladda Federaalka ah ee la-dagaallanka musuq-maasuqa

Muqdisho – Bahda Qarammada Midoobay ee ka hawlgasha Soomaaliya ayaa soo dhoweysay tallaabooyinka ay dhowaan ku dhawaaqday Dowladda Federaalka Soomaaliya ee wax looga qabanayo musuqmaasuqa.

Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa dhowaan meel mariyay Istiraatiijiyadda Qaran ee La-dagaallanka Musuqmaasuqa oo loogu talagalay in lagula dagaallamo musuqmaasuqa; lagu xoojiyo hufnaanta hay'adaha; lagu dhiso adeeg rayid ah oo ku salaysan mudnaan isla markaana leh xirfad; lagu xaqiijinayo daah-furnaanta maaraynta maaliyadda dowladda; laguna kobcinayo dhaqanka isla-xisaabtanka.

DFS ayaa sidoo kale ku dhawaaqday rabitaankeeda ku aaddan inay ku biirto oo ay saxiixdo heshiiska Qaramada Midoobay ee La-dagaallanka Musuqmaasuqa (UNCAC), oo ah xeerka kaliya ee caalamiga ah ee waajibnimada qaanuun u leh la-dagaallanka musuqmaasuqa, waana xeer muhiim u ah joogtaynta, maareynta iyo la-socodka dagaalka ay dalalku kula jiraan la-dagaallanka musuqmaasuqa. Intaa waxaa sii dheer, DFS waxay ansaxisay Heshiiska Midowga Afrika ee Ka-hortagga iyo La-dagaalanka Musuqmaasuqa (AUPCC), kaas oo la saxiixay 2006dii laakiin aan la dhaqangelin ilaa iyo hadda.

“Waxaan soo dhaweyneynaa sida ay dowladda Soomaaliya uga go'antahay la-dagaallanka musuqmaasuqa, suurta gelinta in si cadaalad ku dhisan looga wada faa’iideysto kheyraadka iyo fursadaha, iyo in la dhiso kalsoonida lagu qabo hay’adaha dowladd.” Ayuu yiri Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya, James Swan.

“Tallaabooyinkani waa talaabooyin muhiim ah, Qaramada Midoobayna waxay ku dhiirrigelineysaa dhammaan laamaha Dowladda Federaalka ah iyo Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah inay qaadaan tallaabooyin dheeraad ah oo lagu ilaalinayo laguna ballaarinayo daahfurnaanta, hufnaanta iyo isla-xisaabtanka ku aaddan maareynta maaliyadda dowladda iyo kheyraadka,” ayuu raaciyay. “Waxaan ka dhur-sugeynaa hirgelin wax-ku-ool ah oo la hirgeliyo ballan-qaadyadaan oo ay ku jiraan kor-u-qaadista hab-shaqo sharciyeedka iyo kan hey’adeed ee looga hortegayo musuqmaasuqa, oo ay babar socdaan hirgalinta tallaabooyin adag oo ciqaab-marin ah.”

Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxaa ka go'an inay taageerto hirgelinta Istiraatiijiyadda Qaran ee La-dagaallanka Musuqmaasuqa, iyo sidoo kale geedi-socodka loogu jiro ansixinta UNCAC, waxayna ku amaaneysaa Dowladda Federaalka ah tallaabooyinkaan wax looga qabanayo musuqmaasuqa.