War-saxaafadeed uu soo saaray isku-duwaha gargaarka bini’aadannimo ee Soomaaliya Adam Abdelmoula oo ku saabsan warbixintii abaarta ee uu duhurti afhayeenka ka jeediyay xarunta Qaramada Midoobay New York

7 Jun 2022

War-saxaafadeed uu soo saaray isku-duwaha gargaarka bini’aadannimo ee Soomaaliya Adam Abdelmoula oo ku saabsan warbixintii abaarta ee uu duhurti afhayeenka ka jeediyay xarunta Qaramada Midoobay New York

[Sida loo diyaariyey in loo faafiyo]

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Waxaan idinla hadlayaa maanta sababtoo ah Soomaaliya waxay qarka u saaran tahay gaajo baahsan oo ba’an iyo macaluul wadareed galaafan karta nolosha boqolaal kun oo qof. Tan iyo billowgii sanadkan, xaaladda degdegga ah ee abaaraha ka jira Soomaaliya ayaa aad uga sii daray, maantana waxaan eegeynaa masiibo soo fool leh.

Xaaladdu waa murugo. Afar xilli roobaad oo xiriir ah ayaa baaqday, taasoo abuuraysa abaartii ugu darneyd ee Soomaaliya ka dhacda ugu yaraan afartan sano. Isla markaana, waxaa sare u kacay qiimihii cuntada, gargaar bini’aadannimana ma gaarin malaayiin Soomaali ah, maadaama kheyraadkii lagu dabooli lahaa baahiyahooda uu yahay mid xadidan. Falanqaynteenna, abaartu waxay ilaa hadda saamaysay todoba milyan oo qof, iyadoo in ka badan 805,000 ka barakicisay guryahoodii.

Dhawaan, deegaannada qaar waxaa ka da'ay roobab dhexdhexaad ah oo kala durugsan balse kuwani kuma filna in ay hoos u dhigaan xaaladda abaareed ee daran. Hadda waxa jirta khatar la taaban karo oo ah in xilli-roobaadka soo socda uu sidoo kale ka hoos mari karo celceliska, taas oo ka dhigi karta xilli-roobaadkii shanaad oo xiriir ah oo baaqda, taasi oo aan hore loo arag.

Haddii saadaashani ay dhabowdo, xaaladdu way ka sii dari doontaa ilaa bartamaha 2023, sida ugu horraysa. Horraanba, siddeed goobood oo Soomaaliya ka tirsan ayaa halis ugu jira macaluul, gaar ahaan koonfurta dalka; gobollada ay ka jiraan ammaan-darrada iyo colaadaha ka dhigaya gaarsiinta gargaarka bani'aadamnimo mid caqabad sii ah.

Maanta oo aan hadleyno, 7.1 milyan oo Soomaali ah - in ku dhow 50 boqolkiiba dadweynaha – ayaa hadda wajahayaan sugnaan la’aan cunto heer-dhibaato ah ama ka sii daran ilaa ugu yaraan Sebteembar 2022. 213,000 oo qof oo dadkaasi ka mid ah ayaa wajihi doona gaajo musiibo ah iyo macaluul, taasoo ka dhigan koror boqolkiiba 160 ah tan iyo bishii Abriil.

Haweenka, carruurta iyo duqowda ayaa waxaa si gaar ah oo daran u saameysay abaarta, kuwaas oo iyagu ah 82 boqolkiiba dhammaan dadka abaaruhu barakiciyeen tan iyo bishii Jannaayo. Qiyaastii 1.5 milyan oo carruur ah oo ay da'doodu ka yar tahay 5 sano ayaa wajahaya nafaqo-darro ba'an, oo ay ku jiraan 386,400 oo laga yaabo inay si daran hayso nafaqo-xumo ba'an – koror ah 55,000 marka loo barbardhigo qiyaasihii hore.

Dhibaatooyinka nafaqo-darrada ayaa loo badinayaa inay sii xumaadaan iyadoo xaaladda nafaqadu ay aad uga sii darayso deegaamada ay dhibaatadu saameysay iyadoo gaaridda dadka u baahan gargaarka ay weli ku adag tahay hay'adaha samafalka.

Abaartu kama tegin xoolaha, isha ugu weyn ee noolliga qoysaska Soomaaliyeed. Tan iyo bartamihii 2021, ku dhawaad 3 milyan oo neef oo xoolo ah ayaa ku dhintay abaarta. Sidii la filayeyna, hoos u dhaca wax soo saarka hilibka iyo caanaha ayaa sii xumeeyay xaaladda nafaqo-darrada, gaar ahaan carruurta yaryar ee ku nool deegaamada xoola-dhaqatada.

 

Mudanayaal iyo marwooyin, waxaa hubaal ah in Soomaaliya ay ku socoto macluul, haddii aan hadda wax laga qaban.

Qoysaska Soomaaliyeed ayaa si sii kordheysa u tahli karin  la qabsiga sicirka sare u kacaya ee cuntada maadaama cuntada waddanku ay noqotay mid gabaabsi ah.  Waxaa intaasi sii dheer, qiimaha cuntada dibadda laga keeno oo sidoo kale gaaraya heerarkii ugu sarreeyay – qayb ahaan waxaa sabab u ah saameynta isku xirnaanta saadka oo ay sabab u tahay iska horimaadyada Yukreyn. Qaybo ka mid ah dalka, waxaa sare u kacay qiimaha cuntada 140 ilaa 160 boqolkiiba, taasoo ka dhigtay qoysaska saboolka ah kuwo gaajeysam oo cayrtoobay.

Isla markaana, abaartu waxay sababtay xaalad caafimaad oo degdeg ah, iyadoo cudurrada dillaacay ay sii kordhayaan. Tan iyo bishii Jannaayo, in ka badan 4,880 xaaladood oo looga shakisan yahay shuban biyood/daacuun ayaa la soo weriyay - kala bar kuwan ayaa ku jira carruurta da'doodu ka yar tahay 2 sano.Ugu yaraan 8,700 xaaladood oo jadeeco looga shakisan yahay (boqolkiiba 82 carruurta ka yar da'da 5) ayaa sidoo kale la soo weriyay.

Waxaan ognahay in carruurta sida ba’an u nafaqo-daran ay sagaal jibbaar uga dhow yihiin inay u dhintaan cudurrada, sida shuban biyoodka/daacuunka iyo jadeecada. Xogtii ugu dambeysay ayaa muujineysa in heerka dhimashadu ay heerar sare gaarayso deegaamda qaar, gaar ahaan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya – waxayna taasi tilmaameysaa in khasaaraha nafeed uu horraanba u dhacayay. Waxaan gudaha ka maqlaynaa in dadku ka xijaabanayaan dadka ay jecelyihiin, gaar ahaan caruurta iyo waayeelka.

Waxa xanuun badan tahay in abaartu ay baabi’neyso  nolosha iyo hab-nololeedka dad ay awooddoodii, noloshooda iyo hantidoodiiba baabi’iyeen colaado iyo nabadgelyo-xumo tobannaan sano ah, kor u kaca qiimaha cuntada iyo yaraanta, qalalaasaha cimilada, cudurrada dillaaca, ayaxa iyo musiibada COVID- 19.

Taasi waa sababta, iyadoo gargaarayaasha bani'aadannimadu ay diiradda saaraan nolol badbaadinta iyo ka hortagga macluusha, beesha caalamku waa inay sidoo kale maalgelisaa hab-nololeed waara, adkeysiga, horumarinta kaabayaasha, la qabsiga cimilada iyo xalal waara si loo hubiyo in kuwa ay saameeyeen dhibaatooyinka ay sii noolaan karaan mustaqbalka. 

 

Mudanayaal iyo marwooyin, waqti nagama lumin si aan uga hortagno macluusha soo fool leh; nolosha iyo hab-nololeedka waa la badbaadin karaa. Laakiin waxaan u baahannahay inaan si degdeg ah wax uga qabanno.

iyada oo laga faa'ideysanayo kheyraadka, hay’adaha gargaarka bani’aadannimo ayaa intii u dhaxaysay Jannaayo iyo Abriil 2022 waxa ay kaalmo isugu jirtay naf-badbaadin iyo hab-nololeed gaarsiiyeen dad gaaraya 2.8 milyan oo qof, taas oo qayb ka ah gurmadka abaaraha iyo barnaamijyada ka-hortagga macluusha.Waxaan u mahadcelinayaa deeq-bixiyeyaasha iyo bah-wadaagta kaalmeyntooda ilaa iyo haatan.

Bahda bini'aadannimada iyo maamulayaasha heer qaran iyo heer deegaan ayaa kor u soo qaaday hawlahooda, iyaga oo dib u habaynaya waxqabadyada ku aaddan ka hortagga macluusha, beegsanayana dadka ugu nugul ee ku sugan deegaamada baahida ugu badan ka jirto. Waxqabadyadan ay sameeyeen bah-wadaagta bani'aadannimada ayaa ilaa hadda ka soo hortagay natiijooyinkii ugu xumaa laakiin lama tacaali karaan heerarka baahida sare u kaceysa. Khayraadka la heli karo si murugo leh buu u hooseeyaa. Qorshaheenna Waxqabadka Bini'aadannimo ee 2022 waxa la maalgeliyay 18 boqolkiiba oo keliya.

Xaqiiqdu waxay tahay sida sahlan in baaxadda gargaarka hadda la bixinayo, maalgelinta beesha caalamkuna aanay ku filnayn in lagu sii wado kuwa halista ugu badan ku jira. Bah-wadaagtu waxay u wareegeen hawlaha ka hortagga macluusha, laakiin waxay u jiheynayaan kheyraadka xaddidan oo keliya dadka iyo deegaamada baahiyaha ugu badan yihiin, iyagoo diiradda saaraya badbaadinta nafaha halista ugu badan ku jira. 

 

Mudanayaal iyo marwooyin, igula soo biira qeylo dhaanta si ay dunidu u fahamto culeyska dhibaatada Soomaaliya ka jirta. Waxaan beesha caalamka ugu baaqayaa inay si degdeg ah wax uga qabtaan inta aan weli rajo ka qabno ka hortagga macaluul iyo dhimasho baahsan. Marka la helo kheyraad dheeraad ah, waxaan gaari karnaa dad badan oo kale. Haddii aan la helin kheyraad dheeraad ah, dad badan ayaa dhiman doona.

Ma sugi karno ku dhawaaqidda rasmiga ah ee macluusha si aan si baaxad leh wax uga qabanno - kolkaa, waxa ayba noqon doontaa goor dambe. Horay ayaanu u soo aragnay; Sannadkii 2011, abaar ba'an ayaa sababtay macaluul ay ku dhinteen rubuc milyan qof, qayb ahaan sababtoo ah waxaan ka gaabinay inaan wax ka qabanno. Waa in aynaan ogolaan in taasi mar kale dhacdo.

Maanta, nolosha boqollaal kun oo ayaa mar kale halis ku jirta. Waxaan si gaar ah ugu boorrinayaa deeq-bixiyeyaasha iyo bah-wadaagta inay si degdeg ah u qaadaan ballan-qaadyada oo ay si degdeg ah u kordhiyaan gargaarka dadka Soomaaliyeed. Waa inaan hadda wax ka qabannaa si aan uga hortagno masiibo bini'aadannimo.

Mahadsanidiin.