QM ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ugu hambalyeysay caleemasaarka

9 Jun 2022

QM ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ugu hambalyeysay caleemasaarka

Muqdisho – Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa maanta ugu hambalyeysay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud caleemasaarkiisa, waxa ayna sheegtay in ay rajaynayso in ay la shaqeyso maamulkiisa iyadoo ku taageeraysa gaaridda hortebinnada qaranka.

Munaasabada caleemasaarka madaxweynaha tobanaad ee Soomaaliya ayaa lagu qabtay halka loo yaqaan ‘Hangar-ka’ ee ku taal agagaarka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee caasimadda, Muqdisho.

Munaasabadda ayaa waxaa ka soo qaybgalay madax kala duwan oo gobolka ah iyo wakiillo ka socday saaxiibada caalamiga ah ee dalka. Qaar ka mid ah mas’uuliyiintii booqashada ku timid ayaa goobta ka hadlay – waxaa ka mid ahaa Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed; Madaxweyne ku xigeenka Suudaanta Koonfureed Taban Deng Gai, Ra'iisul Wasaaraha Masar Mostafa Kamaal Madbouly, iyo kuwo kale.

Dalalka kale ee xaadiray caleemasaarka ayaa waxaa ka mid ahaa Isu-tagga Imaaraadka Carabta, Qadar, Sacuudiga, Yugandha, Burundi iyo Turkiga. Waxaa hay’adda caalamiga ah metalayay Adam Abdelmoula, Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, ahna Isku-Duwaha Qaramada Midoobay ee  Gargaarka Bani’aadannimo iyo deegaanka ee Soomaaliya.

Khudbadiisii Munaasabadda ayuu Madaxweyne Xasan ku soo qaatay mowduucyo kala duwan oo ay ka mid yihiin dadaallada nabadda iyo dib-u-heshiisiinta Soomaaliya, iyadoo qaybta dambe uu ku soo qaaday arrimo ay ku jiraan dadaallada lagu xaqiijinayo in la ixtiraamo xuquuqda dadka, xiriir wanaagsan oo lala yeesho dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, nidaamka dimuqraadiga ah ee dowladnimada iyo nidaam oo garsoor xalaal ah, cadaaladna ah. Ilaalinta deegaanka iyo xoojinta dhaqaalaha dalka ayuu sidoo kale ku soo bandhigay.

Dhinaca gobolka iyo guud ahaan caalamka, waxa uu Madaxweyne Xasan ka hadlay baahida loo qabo in la iska kaashado sidii loo horumarin lahaa ammaanka gobolka Geeska Afrika, isla markaana kor loo qaadi lahaa iskaashiga ganacsiga iyo dhaqaalaha.

Abaarta ka sii dareysa ee ka jirta Soomaaliya ayaa sidoo kale la guudmaray. Madaxweyne Xasan ayaa ka codsaday dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka in ay iska kaashadaan sidii loo caawin lahaa malaayiinta Soomaaliyeed ee dhibaatadu soo gaartay.

Horraantii todobaadkan, hay'adaha gargaarka bani’aadannimo ee Qaramada Midoobay waxa ay ka digeen in xilli-roobaadkii afaraad oo xiriir ah oo taariikhi ah uu baaqday Soomaaliya, oo ay weheliso qiimaha cirka isku shareeraya iyo wax ka qabashada bini'aadannimo oo dhaqaale yari heysato ay keeneen in boqolkiiba 160 ay kororto tirada dadka wajahaya heerar masiibo ah oo sugnaan la’aan cunto ah, macaluul iyo cudurro dalka oo dhan.

Waxa kale oo ay sheegeen iyadoo aan la ogeyn halka ay ku dhammaan doonto abaarta ba’an ee dalka ku habsatay, in khatarta macluusha soo fool leh ay ka weynaan doonto sidii hore, oo ay lagama maarmaan tahay in si degdeg ah loo kordhiyo taageerada beesha caalamka si looga hortago macaluul. Ilaa 7.1 milyan oo Soomaali ah – in ku dhow 50 boqolkiiba dadweynaha - ayaa haatan wajahaya heerar dhibaato oo sugnaan la’aan cunto ah ama ka sii daran ilaa ugu yaraan Sebteembar 2022.