War-saxaafadeed uu soo saaray khabiirka madax-bannaan oo ku saabsan xaaladda xuquuqda aadanaha ee Soomaaliya Mr. Bahame Tom M. Nyanduga

25 Jul 2019

War-saxaafadeed uu soo saaray khabiirka madax-bannaan oo ku saabsan xaaladda xuquuqda aadanaha ee Soomaaliya Mr. Bahame Tom M. Nyanduga

Mogadishu, July 2019

Subax wanaagsan, Mudanayaal iyo Marwooyin,

Kahor intaanan akhrin bayaankayga, waxaan jeclaan lahaa inaan codsado in dhamaan la istaago oo hal daqiiqad la aamusnaado, anigoo ku sharfaya dhammaan dadkii naftooda ku waayey weerarradii bambaanooyinka, oo ay ku jiraan kuwii dhacay toddobaadkan, inta aan halkaan joogo. Waxaan tacsi u dirayaa qoysaskii dadka ka dhinteen, waxaanna u rajeynayaa kuwa dhaawacmay in si dhaqso leh u kabsadaan. Dadkii dhintayna Alle ha u naxariisto. Aamiin.

Waxaan jecelahay inaan ku bilaabo mahadcelin oo aan ka mahadcelinaayo imaatinkiina war saxaafadeedkaan.

Waxaan rajeynayaa inaan uga mahadceliyo Dowladda Federaalka Soomaaliya casuumadeeda iyo soo dhaweynta diiran ee aniga iyo kooxdeydu ay u sameysay, iyo iskaashiga miro dhalka leh iyo wada shaqeynta joogtada ah ay ila waday lixdii sano ee la soo dhaafay. Tani waa howsheydii ugu dambeysay ee aan ka qabto Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya kuna saabsan xaaladda xuquuqda aadanaha ee Soomaaliya ka habiir madaxbanaan ahaan khabiir madaxbanaan ahaan, sidaa darteedna waa shir-saxaafadeedkeygii iigu dambeeyay ee aan idiin qabto.

Waxaa la ii magacaabay xilkan Golaha Qaramada Midoobay ee Xuquuqda Aadanaha 8 Maajo 2014.

Howlgalkeygii  ugu horreyay ee aan u aado Soomaaliya waxay ahayd Disember 2014. Tan iyo waqtigaas, marka laga soo tago Muqdisho, waxaa ii suuragashay inaan u safro Jubaland, Puntland, Koonfur Galbeed, waxaana xiriir la yeeshay Wasiiro ka socda Dowlad Goboleedka Hirshabelle iyo Galmudug. Sidoo kale waxaan tagay Somaliland.

Howlgalkeygu wuxuu ka bilaabmay 15ka Luulyo magaalada Nairobi, Kenya halkaasna wuu ku dhammaanayaa, maanta. Intii aan ku sugnaa magaalada Muqdisho, waxaan la kulmay gudoomiyaha baarlamaanka iyo xubnaha guddiga xuquuqul insaanka ee baarlamaanka federaalka, wasiirrada biyaha iyo tamarta, arrimaha dastuurka, cadaaladda, caafimaadka iyo haweenka iyo horumarinta xuquuqda aadanaha. Waxaan sidoo kale la kulmay UNSOM iyo wakiilo ka socda AMISOM, ururada ganacsatada iyo wakiilo ka socda Hay'adaha UN, kuwa samafalka iyo bulshada rayidka ee muqdisho.

Waxa kale oo aan booqday Somaliland oo aan la kulmay Guddoomiyaha baarlamaanka Somaliland, xeer ilaaliyaha guud, wasiirka cadaaladda, guddiga xuquuqul insaanka ee Somaliland, iyo wakiillo ka socda bulshada rayidka ah ee Hargeysa.

Waxaan jeclaan lahaa inaan u mahadceliyo dhammaan kuwa waqtigooda ku bixiyay inay igala hadlaan arrimaha xuquuqul insaanka ee Soomaaliya, iyo sidoo kale fursadaha dalka si loo adkeeyo loona sii wado dhisidda iyo dib-u-heshiisiinta la gaadhay sannadihii la soo dhaafay. Waxaan jeclaan lahaa in aan ku amaano Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha Xubnaha ka ah xoojinta nidaamyadeeda caadiga ah iyo qaab dhismeedka hay'adaheed dowladeed si wax looga qabto kor u qaadista iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha, oo ay kujirto dhinacyada sharciga iyo maamulka cadaaladda, iyo in la xoojiyo madaxbanaanida garsoorka

Muddadii aan howlgalka waday, waxaan wada hadalo kala duwan ka yeeshay horumarka ay Soomaaliya ku sameysay horumarinta iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha, iyo sidoo kale caqabadaha ka jira aaggan, oo ay ka mid tashay waxa aan soo kordhiyay xilkayga iyo waxa bulshada caalamka soo kordhisay marka laga hadlo hagaajinta nolosha iyo yareynta Dhibaatooyinka ka jira Soomaaliya, in kasta oo xaqiiqdu tahay in mas'uuliyadda koowaad ee xaqiijinta xuquuqda aadanaha la siiyo Dowladda Federaalka, heer fadaraal, heer Gobol iyo heerararka kasii hooseeya intaba.

Waxaan sidoo kale kala hadlay mas'uuliyiinta, caqabadaha ay Soomaaliya la kulantay lixdii sano ee la soo dhaafay. Kuwaas waxaa ka mid ah colaada joogtada ah, weerarada argagixisada, iyo bambooyinka, sinnaan la'aanta, takoorida. Waxaa kale oo jira caqabado hortaagan xaqiijinta helitaanka dhaqaalaha, xuquuqaha bulshada iyo dhaqanka, sida helitaanka biyaha, dhulka, caafimaadka, iyo waxbarashada, gaar ahaan waxay saamaynayaan xuquuqda haweenka iyo gabdhaha, gaar ahaan haweynka wadanka gudahiisa ku barakacay, dadka naafada ah, kuwa laga tirada badan yahay, bulshooyinka la fogeeyo, iyo kooxaha kale ee nugul.

Waxaan walaac ka muujiyey dib-u-dhaca ku yimid hawlgalkii Guddiga Qaranka ee Xuquuqda Aadanaha ka dib markii xulidda la soo gabagabeeyey 2017, maxaa yeelay waxay muhiim u tahay dhismaha Guddiga Adeegga Garsoorka, oo lagama maarmaan u ah in la hubiyo madax-bannaanida garsoorka iyo isla-xisaabtanka. Sidoo kale, horumar la’aanta ka jirta dhaqan galinta Sharciga Dembiyada Galmada ee heer federaal. Waxay ahaataba waxaan ku boorriyay Dowladda Federaalka iyo Baarlamaanka Federaalka, inay wax ka qabtaan arrimaha mudnaanta leh caqabadaha saameynaya hawlgalinta Guddiga, iyo meel marinta Sharciga Dembiyada Galmada, sidaa ay u kala horreeyaan, si kor loogu qaado ilaalinta xuquuqda aadanaha ee dalka.

Marka laga hadlayo dib-u-habeynta waaxda garsoorka iyo amniga, gaar ahaan dib-u-habeynta habka garsoor-dhaqameedka, iyo saameynta xun ee ku aaddan xuquuqda haweenka, waxaan ku faraxsanahay in aan ogaado sameynta Xarumaha xalinta Khilaafaadka gaarka ah ah oo dhowr ah oo laga hirgaliyay Dowladaha xubinta ka ah federaalka oo ka kooban garsoorayaal ka socda qeybaha kala duwan ee bulshada, oo ay kujiraan haweenka, dhalinyarada iyo odayaasha, kuwaas oo si isa soo taraysa door muhiim ugu ciyaaraya xalinta kiisaska madaniga ee heer bulsho deegaan.

Waxaan maqlay in dib-u-eegista dastuurka ay socota, lana rajaynayo in la dhammaystiro sannadka dambe, ayna xoojin doontoo arintaasi hanaanka federaalka iyo rajada laga qabo dhismaha sharci loo wada dhan yahay doorashada 2020 iyo 2021. Maqnaanshaha nidaam la aqbali karo oo lagu dammaanad qaadayo matalaadda haweenka, qabaa'ilka laga tirada badan yahay, bulshooyinka la heybsooco, dadka naafada ah, Barakacayaasha iyo dhalinyarada, oo hoos imanaya qaab dhismeedka matalaadda saami qaybsiga ee xisbiyada cusub ku saleysanyihiin ayaa weli ah culeys. Waxaan ka codsanayaa baarlamaanka federaalka inay hubiyaan inay ku daraan qodobo cad iyo qaab gaar ah sharciga doorashada si loo ilaaliyo qoondada haweenka ee baarlamaanka iyo hannaan lagu hubinayo doorashada xubnaha ka socda qabaa'ilka laga tirada badan yahay, bulshooyinka la xaqirayo, dadka naafada ah, barakacayaasha iyo dhalinyarada, iyo in la ilaaliyo guulihii la gaarey intii lagu gudajiray doorashooyinka 2016 iyo 2017 intii lagu deyn lahaa guddiga doorashada uun.

Waxaan sidoo kale kala hadlay mas'uuliyiinta arrimo ku saabsan dhibaatada halista ah Jinsiga ku saleysan, gaar ahaan eedeymaha culus ee kufsiga burcadnimada ee badanaa la soo sheego inay ka dhacaan guud ahaan dalka. Waxaa la isla gartay in jiritaanka garsoor xoog leh iyo booliis ay si weyn wax ugu biirin doonaan ciribtirka rabshadaha galmada la xiriira iyo shaqaaqooyinka ku saleysan jinsiga.

Waxaan jeclaan lahaa in aan mar kale ku celiyo baahida loo qabo in la hirgeliyo sharciyo ka dhan ah dembiyada jinsiga ee ka dhacay Puntland iyo Somaliland, si loo hubiyo in dhibbanayaasha la ilaaliyo, in ay helaan caddaalad iyo daaweynno wax ku ool ah, iyo in kuwa fuliya dambiyadaas foosha xun lagula xisaabtamo. Macnaheygu, waxaan ka codsanayaa Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubinta ka ah federaalka inay qaadaan dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si loo xoojiyo awoodda baaritaanka iyo dacwad ku qaadidda rabshadaha ku saleysan kufsiga iyo jinsiga iyo in sare loo qaado jawi nabdoon oo dhibanayaashu iyo dhibanayaasha ay ka warbixin karaan dambiyada iyadoo aan wax cabsi ah laga qabin aargudasho ama fuquuq.

Axdiga Haweenka ee la ansaxiyay Maarso 2019 wuxuu si gaar ah fiiro gaar ah u siinayaa faquuqida, takoorka iyo haweenka dhibanaha ah. Waa qorshe siyaasadeed oo wanaagsan oo loogu talagalay in lagu xalliyo mashaakilaadka saameeya haweenka, oo ay kujirto kaqeybgalka iyo metelaada geedi socodka go'aan qaadashada.

Dhacdooyinka joogtada ah ee iskahorimaadka qabaa'ilka kala duwan iyo kuwa beel dhaxdeeda ahba , oo sababa khasaare nafeed ayaan wali welwel ka qabaa. Sababta ugu weyn ee khilaafaadka udhaxeeya qabaa'ilka ayaa ah tartan helitaanka dhul, biyo iyo daaq, kuwaas oo si lama filaan ah ula yimid isbedelka cimilada. Waxaan ka codsanayaa bulshada caalamku inay fiiro gaar ah siiso dhibaatada biyaha ee Soomaaliya ayna ka caawiyaan Dowlada sidii loo heli lahaa xal waara, oo la helo wax yareeya dhibaatada biyaha. Helitaan biyo waa baahi aasaasi u ah ee nolosha iyo xuquuqda aasaasi u ah aadanaha. Wax ka qabashada dhibaatada biyo yaraanta ayaa gacan weyn ka geysan doonta nabadda iyo dib-u-heshiisiinta beeluha.

Aniga oo soo gabagabeynaya waajibaadkeyga, waxaan rajeynayaa in aan qoro qaar ka mid ah horumarka ay gaartay Soomaaliya lixdi sano ee ugu dambeysay. Waxaan rajeynayaa inaan ku amaano dadka Soomaaliyeed sida ay ugu adkaysteen marxaladaha iskahorimaadka, weerarada bambaanooyinka argagixisada, musiibooyinka dabiiciga ah, ku xadgudubka xuquuqul insaanka iyo caqabadaha kale, sida faqriga iyo la'aanta waxyaabaha aasaasiga u ah nolosha.

HORUMAR

Laga soo bilaabo howgalkeygii ugu horreeyay bishii Diseembar 2014, waxaan goob joog u ahaa horumar la taaban karo ee ku aadan amniga, siyaasadda, dhaqaalaha, arrimaha bulshada iyo xuquuqda aadanaha. Waxaan goob joog u ahaa soo celinta magaalooyinkii waaweynaa iyo degmooyinka, hoos u dhac ku yimid awooddii Al Shabaab oo ay gacan ka geysteen hay'adaha amniga Soomaaliya, ciidamada AMISOM iyo ciidamada kale ee caawiya. Waxaan jeclaan lahaa inaan ku ammaano Ciidamada Qaranka Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM guusha ay gaareen iyo sida ay naftooda u hureen.

Waxaan goob joog u ahaa: Aasaasidda federaaleynta, iyo dhisidda hay'ad heerarka federaal iyo dawlad goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda federaalka ah.

Waxaan goob joog u ahaa qabashada hanaanka doorashada ee 2016 iyo 2017, in kasta oo ay jirtay hanjabaad iyo cagajugleyn Al Shabaab 2016 iyo 2017. Waan ka xumahay dhimashada 44 oday dhaqameed iyo dad kale, oo loo dilay inay xaqiijiyaan in hanaanka doorashada uu guuleysto.  Waxa xususid mudan in amniga iyo abaabullada kale, oo ay ka mid yihiin faragalin la’aanta xorriyadda hadalka, ay yihiin shuruudo lagama maarmaan u ah dimuqraadiyada Soomaaliya, ayna siin doonaan jawi ku haboon doorashooyinka lagu kalsoonaan karo oo la qabato sanadaha 2020 iyo 2021.

Waxaan goob joog u ahaa tirada haweenka ah ee ku jiro baarlamaanka iyo golaha wasiirrada oo kordhay, xili doorashada 2016, iyo kuwo kale ee qabtay xafiisyada dadweynaha.  Magacaabista haweenkii noqday Wasiirrada Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha, Biyaha iyo Tamarta, Dekadaha, Caafimaadka, Dhallinyarada iyo Dhaqanka, iyo Ku Xigeenka Taliyaha Guud ee Booliska, ayaa ahaa dhacdooyin ay muhiim tahay in farta lagu fiiqo. Magacaabis yadaasi waxay muujinayaan ahmiyada ay haweenku u leeyihiin ka qeyb qaadashada arrimaha guud, nabadda iyo dib-u-heshiisiinta, iyo ka go'aan qaadashada arrimaha ayaga sida tooska ah u saameeynayo.

Dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalku waxay sare u qaadeen meel marinta xuquuqda aadanaha ee aasaasiga ah ee ay kamidyihiin caafimaadka, biyaha, iyo waxbarashada shacabka Soomaaliyeed. Gabdhaha ku biiriaya xarumaha waxbarashada ayaa ah horumar wanaagsan oo ku aadan xaqiijinta xuquuqda haweenka soomaaliya.

Ku biirida Soomaaliya ee axdiga Xaquuqda Caruurta, iyo Baaqa Xuquuqda Dadka Naafada ah, wuxuu dirayaa fariin adag oo ku saabsan sida ay uga go'an tahay ilaalinta xuquuqda aadanaha.  Khabiirka madaxa-bannaan wuxuu ku amaanayaa Dowladda Federaalka ah inay dhistay Hay'adda Naafada, iyo inay kala kaashanayso Puntland iyo Galmudug dadaalada lagu dhaqan celinayo caruurta kasoo baxsatay ama laga qabsaday Al Shabaab.

Horumarada noocan ah waxay gacan ka gaysteen abuuritaanka jawi ku habboon horumarinta iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha ee Soomaaliya.

CAQABADAHA WALI TAAGAN

Marka laga soo tago horumarka la taaban karo ee ku saabsan dhinacyada amniga, siyaasadda iyo xuquuqda aadanaha ee kor ku xusan, waxaan ka xumahay inaan sheego in caqabado badan oo xuquuqda aadanaha ahi ay weli sii jiraan.

Waxaa wali isoo gaaraya warbixino ku saabsan cabsiin xarig aan sabab lahayn iyo meel ka dhacyo lagu hayo suxufiyiinta dhamaan daafaha dalka.  Tani waxay ahayd calaamad si joogto ah u muuqatay mudadii lixda sano ahayd ee la soo dhaafay.  Waxaan rajeynayaa in aan mar kale ku celiyo muhiimadda ay leedahay ixtiraamka xuquuqda xoriyadda hadalka iyo ra'yiga suxufiyiinta, xirfadleyaasha kale ee warbaahinta iyo milkiilayaasha warbaahintaba, ayadoo Soomaaliya ay ku socoto wadiiqihii ay salka ugu dhigi lahayd bulsho xor ah dimuqraadina ah. Eedaymihii dhowaa ee dad lagu eedeeyay inay dileen weriyeyaal, waxay u dirayaan digniin adag oo  cadaaladda iyo isla xisaabtan kaba ah, dhammaan dadka ku xadgudba xuquuqda xoriyadda hadalka.

Waxaa dhiirigelin ii ah in Barnaamijyada Iskudhafka ah ee Xuquuqda Aadanaha, Booliska iyo Saraynta Sharciga ay wax ka tarayaan arrimaha cadaaladda iyo amniga, taas oo ah mida kaliya ee kordhin karta ixtiraamka saraynta sharciga.

Gabagabada safarkayga shaqo ee lixaada sanadood, waxaan jecelahay inaan u mahad celiyo shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo, Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, Dowlad goboleedyada xubnaha ka ah Federaalka, iyo Somaliland.  Fursadii ay dhammaantood ii wada siiyeen inaan dalkan u adeego. Waxaan u mahad celinayaa saaxiibadaydii shanta ahaa ee iiga horeeyay shaqadan waqti uu xaalku aad u adkaa.  Qaarkood weligood cagaha ma soo dhigin gudaha Soomaaliya, laakiin waxay ka tageen calaamad aanay macquul ahayn in muuqaalkeeda laga tiro dhinaca xuquuqda aadanaha ee Soomaaliya.

Waxaan sidoo kale jeclaan lahaa inaan mahadnaq qadarin leh usoo jeediyo bulshada caalamka, ee taageertay suurta galinta gudashada waajibaadka 25kii sano ee uu jiray.

Runtii waxaan qabaa in wadahadalada wax dhiska leh ee furfuran, ee aan kala qeybgalayay masuuliyiinta iyo bah-wadaagta kale ee Soomaaliya lixdii sano ee lasoo dhaafay, uu sii wadi doonaan, qofka i badalay.

Waxaan ku boorinayaa bulshada caalamka inaysan ka noqonin taageeradooda, xiligan kama dambaysta ah, waqti ay xasilloonidu si aad ah ugu soo noqoneyso Soomaaliya.  Waxaan ugu baaqayaa bulshada caalamka inay sii wado kaalmada ay Soomaaliya ka siiso dhinacyada:

  1. Xoojinta hay’adaha Federaalka iyo kuwa Dawlad goboleedyadaba, hanaanka cadaaladda iyo amniga ka hor doorashooyinka 2020/2021;
  2. Wax ka qabashada saameynta xun ee isbedelka cimiladu ay ku leedahay dadweynaha, gaar ahaan helitaanka adeegyada aasaasiga ah ee bulshada sida bixinta biyaha, caafimaadka iyo waxbarashada oo ay helaan dhamaan caruurta, gaar ahaana gabdhaha.

Waxaa lagu soo bandhigi doonaa natiijooyinka safarkayga iyo warbixinada kale oo dhameystiran kalfadhigiisa 42aad ee Sebtember 2019 ee Golaha Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay, Geneva iyo Golaha Guud kalfadhigiisa 74aad ee dhici doono bisha Oktoobar 2019, kana dhacayo magaalada New York.

Waad ku mahadsan tihiin la socoshadiina.