War-saxaafadeed wadajir ah oo ku aaddan Galmudug

28 Jan 2020

War-saxaafadeed wadajir ah oo ku aaddan Galmudug

Muqdisho – Saaxiibada Soomaaliya ee caalamka* waxay  ka walaacsanyihiin arrimaha kasoo cusboonaaday Dowlad Goboleedka Galmudug ee soo ifbaxay markii lasoo gaaray marxaladdii gabagabada ee dadaalkii  bilaha soo socday ee lagu dhisayay Dowlad Goboleed Galmudug oo mideysan oo xasilloon loona marayo geedi-socod dib-u-heshiisiin iyo doorashooyin.

Waa muhiim in dhammaan daneeyeyaashu ay diiradda saaraan baahida loo qaboka-qaybgalka geedi-socod helaya taageero ballaaran lagana fogaado khatar loo galo xasillooni darro iyo isku dhaca. Taas waxay u baahan tahay qaab loo wada dhan yahay, oo ku yimaada wadahadal, waxayna u baahan tahay dabacsanaan dhinac kasta leh.

Saaxiibbadu waxay aqoonsanyihiin in in dadaallo ballaaran laga sameeyay arrimahaas todobadii bilood ee lasoo dhaafay. Taas ayaana suurto gelisay in heshiisyo laga gaaro qoondaynta kuraasta waxaanan bogaadinaynaa rabitaanka bulshadu ay tanaasulka ugu sameysay kana shaqeysay danaha guud ee dowlad goboleedka Galmudug.

Waxaan ugu baaqeynaa dhamaan go’aan-sameeyeyaasha inay sii wada shaqeeyaan, si ay khilaafaadkooda ugu xalliyaan wadahadal, hadii loo baahdana ay waqti geliyaan arrinkaas, iyo in ay raacaan hadafka ah in la helo dowlad goboleed Galmudug midaysan oo xasilloon iyo inay ka fogaadaan billaabidda geedi-socodyo kale. Waxaan ku boorinaynaa hoggaanka golaha baarlamaanka dowlad gobolleedka Galmudug, musharaxiinta madaxweynaha, Ahlu-sunna Wal-Jamaaca, daneeyayaasha ku kulansan Gaalkacyo iyo wakiilada ka socda Dowladda Federaalka ah ee goob-joogayaasha ka ah geedi-socodka inay isla qaataan hanaan loo wada dhanyahay oo daah-furan.

Saaxiibadu waxay ku baaqayaan in tillaabooyinka haray ee geedi-socodka doorashada loo maro isla jawigii isu-tanaasulka kaas oo dhaliyay horumarka aan aragno ilaa iyo hadda, si Galmudug ay u gaarto himiladeeda oo buuxda iyadoo loogu danaynayo dadka reer Galmudug.

 

* Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Denmark, Jabuuti, Midowga Yurub, Finland, Jarmalka, Urur-gobaleedka IGAD, Talyaaniga, Kenya, Netehrlands, Norway, Sudan, Sweden, Turkiga, Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska, Qaramada Midoobay iyo Dowladda Mareykanka