Somalia oo bilowday in ay dadwaynaha ka tala geliso dib u eegis-ta dastuurka qabyada ah

2 Feb 2020

Somalia oo bilowday in ay dadwaynaha ka tala geliso dib u eegis-ta dastuurka qabyada ah

Muqdisho – In ka badan 100 qof oo ku nool Gobolka Banaadir ayaa ka qayb galay bilowga kulan looga tashanayo dib u eegista lagu samaynayo Dastuurka qabyada ah, kaasoo ay soo agaasintey Wasaaradda Arrimaha Dastuurka (MoCA). Kulankan 3 maalinlaha ihi wuxuu bilow ka yahay dhowr kulan oo muwaadiniinta ka caawin doona inay aragtidooda ka dhiibtaan Dastuurka qabyada ah.

Wasiirka Wasaaradda Dastuurka, Saalax Jaamac, oo kelmad furitaan ah shirka ka jeediyay ayaa sharraxay in wada tashigu uu isu keenayo aragtida Soomaalida oo idilI eek u aaddan Dastuurka, gaar ahaan mawaadiicda ku saabsan qiyamka Muqdisho, qaybsiga khayraadka dabiiciga ah, nooca doorashada iyo awood qaybsiga.

“Dadkeennu waxay ku nool yihiin gudaha iyo dibedda dalka. Waxaan rajaynaynaa inaan adeegsanno dhowr qaab oo aannu dadka ku barayno ololahan. Dadka internet heli kara iyagu qaab online ah ama warbaahinta ayay kala soconayaan," ayuu yiri Wasiir Jaamac.

Ololaha gaarista dadwaynuhu wuxuu amba qaadi doonaa geeddi socodka dib u eegista dastuurka, taasoo asaasi u ah dowlad-dhisidda Somalia.

Intii uu kulanku socdey, Ismaaciil Yaasiin Maxamed, Maareeyaha Doorashooyinka ee Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashada Qaranka, ayaa ka qayb galayaasha u xaqiijiyey in guddigaasi diyaar u yahay inuu doorasho qabto sanadkan.

"Maanta, waloow aan ognahay xaaladda dalku ku jiro, waxaan sidoo kale ognahay meelo ay cod bixiyeyaashu iska diiwaan gelin karaan Muqdisho ama gobollada. Waan calaamaynay goobahaasi. Isla marka xeerka doorashada la meel mariyo, waxaan daabulaynaa agabka doorashada, waxaana la furayaa goobaha cod bixinta, waxaana u diyaar garoobaynaa qabashada doorashada," ayuu sharraxay.

Sahra Cali Xasan, oo ah Taliye sare oo ka tirsan Wasaaradda Dastuurka (MoCA), ayaa aad u bogaadisey inay kulanka kazoo qayb galeen dhallinyaro badan oo reer Muqdisho ah.

"Maadaama ay dhallinyaradu yihiin madaxdii berry, waa muhim inay kasoo qayb galaan kulamadan si ay arrimahan u fahmaan. Waxaan kula talinnay inay akhiryaan oo dersaan dastuurka qabyada ah maadaama uu khuseeyo noloshooda iyo aayohooda," ayay tiri Marwo. Xasan.

Shariif Xuseen Ciise, oo ah wakiil ka socda Jamciyadda Ardayda Soomaaliyeed, ayaa qiray muhiimadda in laga wada tashado arrimaha dastuurka qabyada ah.

"Sababta aannu halkan u joogno waa inuu dastuurku soo jiito aragtideena iyo baahideenna. Waxaan u mahad celinayaa Wasaaradda Dastuurka oo kulankan fududaysay, naguna casuuntey in aannu aragtideenna ka dhiibanno dastuurka," ayuu yiri Md. Ciise.

Si loosii ambaqaado geeddi socodka dhaqan gelinta dastuurka, WD waxay la shaqaynaysaa Guddiga Madaxa Bannaan ee Dib u eegista Dastuurka iyo Guddiga Isku dhafka ah ee Baarlamanka u qaabilsan.

Bilaha soo aaddan, WD, oo kaashanaysa xafiiska QM ee Somalia, waxay gobollada ku qaban doontaa wada tashiyo la mid ah kuwan oo ka dhici doona Puntland, Jubaland, KG Somalia, Hirshabelle, iyo Galmudug.