War-saxaafadeed Wadajir ah oo ku aaddan geedi-socodyada dib-u-heshiisiineed ee Dowlad Goboleedyada

28 Apr 2020

War-saxaafadeed Wadajir ah oo ku aaddan geedi-socodyada dib-u-heshiisiineed ee Dowlad Goboleedyada

Muqdisho –  Saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka* waxay soo dhoweynayaan wadahadalkii dhexmaray maamulka Jubaland iyo hogaanka Golaha Isbedel-doonka Jubaland, wadahadalladaas oo horseeday heshiis dib-u-heshiisiineed oo qalinka lagu duugay 23dii Abriil.

Heshiisku wuxuu ka dhiganyahay tallaabo wax-ku-ool ah oo lagu xallinayo khilaafaadkii ka dhashay geedi-socodkii doorashada Jubaland ee Agosto 2019, kaas oo kala qeybiyey bulshada iyo saamilayda siyaasadeed.

Natiijooyinka doorasho ee lagu murmay ee Jubaland iyo Dowlad Goboleedyada kale ka dhacayay 18-kii bilood ee la soo dhaafay waxay hoosta ka xariiqayaan muhimadda uu leedahay geedi-socod doorasho oo la isku hallayn karo oo dadka Soomaaliyeed ay kusoo doortaan madaxdooda iyadoo la raacayo Dastuurka Federaalka Ku-meelgaarka ah iyo dastuurrada Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dawladda Federaalka ah.

Saaxiibadu waxay ku dhiiri-gelinayaan dhammaan saamilayda hawshu khusayso ee Jubaland, oo ay ku jiraan hoggaamiyeyaasha siyaasadeed, beelaha iyo madax dhaqameedyada inay ka amba-qaadaan heshiiska 23dii Abriil, ayna hirgeliyaan tallaabooyinka lagusii amba-qaadayo, ayna sii wadaan wadahadalkooda wax lagu dhisayo.

Saaxiibadu waxay soo dhoweynayaan rabitaanka ay muujiyeen saamilayda hawshu khusayso ee Jubaland ee ku aadan la shaqeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyo in Jubaland ay diyaar u tahay wada shaqeyn buuxda oo ay la yeelato Dowladda Federaalka ah.

Saaxiibada caalamku waxay ku boorinayaan maamulka Jubaland iyo hogaanka DFS inay si nabad ah ku xalliyaan khilaafaadkooda soo jiitamayay, oo ay qaboojiyaan xiisadda ka taagan gobolka Gedo.

Saaxiibadu waxay diyaar u yihiin inay taageerada lagama maarmaanka ah u fidiyaan DFS iyo dhammaan madaxda Dowlad Goboleedyada oo ku dadaalaya dib-u-heshiisiin iyo iskaashi si loo horumariyo danaha qaranka. Sidaas darteed, saaxiibadu waxaa kale oo ay soo dhoweynayaan dadaallada kale ee dib-u-heshiisiinta ee dhowaan dhacay, oo gaar ahaan ka dhacay Koonfur Galbeed iyo Galmudug, looguna talagalay in lagu dhiso maamullo loo dhan yahay, laguna mideysanyahay oo heer dowlad goboleed ah. Waxaan boorinaynaa in dadaalladaan ay kasii socdaan Soomaaliya oo dhan si loogu daneeyo dadka.

Waxaan ugu baaqeynaa dhamaan dadka Soomaaliyeed inay xoojiyaan midnimada iyo dib-u-heshiisiinta billowga bisha barakeysan ee Ramadaan iyaga oo aan wajahaynin oo kaliya dhibaatooyinka aan horay loo arag ee ka ka dhashay COVID-19 laakiin sidoo kale wajahaya khatarta weli jirta ee ka imaanaysa argagixisanimada.

 

* Austria, Belgium, Denmark, Midowga Yurub, Finland, France, Jarmalka, Ireland, Talyaaniga, Netherlands, Norway, Poland, Sweden, Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska, Dowladda Mareynakya, iyo Qaramada Midoobay.