Falcelinta COVID-19 ee Soomaaliya: U guurista khadka tooska ah ee waxbarashada sare

previous next
28 Apr 2020

Falcelinta COVID-19 ee Soomaaliya: U guurista khadka tooska ah ee waxbarashada sare

Muqdisho - Maalmahan, jardiinooyinkii aadka loo jeclaa iyo fasalladdii buuxi jiray ee jaamacadda Plasma ee magalada Muqdisho ayaa ah kuwa maran.

Si lamid ah qaybaha kale ee waxbarashada sare ee dalka, Jaamacadda Plasma oo ay dhigtaan in kabadan afar kun oo arday, bareyaalna ay ka yihiin kulliyadaheeda kala duwan 170 bare ayaa hadda ah mid xadidan, kaddib markii ay soo saartay dowladda amarro  ku aaddan jawaabta Fayruska Karoona  ee sababa cudurka Covid-19.

“Waxaan raaceynaa awaamiirta Dowladda Federaalka ah ee kala fogaanshaha bulshada iyo xiritaanka xarumaha waxbarashada, si loo badbaadiyo nolosha. Haddii kale, anaga darteen halista Fayruska Karoona  (coronavirus) wuxuu saameyn xun ku yeelan karaa bulshada,” ayuu yiri maamulaha xiriirka dadweynaha ee Jaamacadda Plasma, Cali Xaaji Barre. 

Laakiin, jaamacadda ayaa dadka ku wargelineysa haddii fasaladeedu ay maranyihiin in taas ay ka duwantahay waxbarashadeeda khadka tooska ah. Sida jaamacadaha kale ee dalka iyo adduunka oo dhan, Jaamacadda Plasma waxay fasaladeeda u wareejisay dhanka internetka - waxayna ka mid tahay kuwii ugu horreeyey ee sidaas laga sameeyo Soomaaliya.

Isbedelkaan yimid ayaan suurtagal ahaateen toban sano kahor,  markaasoo internetka suurgal aheyn, isku dhaca maleeshiyaadkana ay sababi jireen in aan la tagi Karin fasallada waxbarashada.

“Akhbaarta wanaagsan ayaa ah in ardaydu ay ku sii wadan doonaan waxbarashadooda qaabka casriga ee Jamacadda,” ayuu yiri Mudane Barre. "Laga soo bilaabo 2018, Jaamacadda Plasma waxay si tartiib tartiib ah ugu wareegeysay qaabka casriga ah - taasina waa sababta ay ardayda ay u awoodeen inay sii wataan fasalladooda labo maalmood ka dib markii la soo rogay xannibaadaha."

Sarkaalka jaamacadda wuxuu kaloo xusey in barnaamijyada waxbarasho lagu shubay laptop-yada ardayda iyo macallimiinta labadaba, sidoo kale la siiyay tababaro ku saabsan wax ku baridda qaab online ah.

"Markii hore, uma sahlaneyn macallimiinta da’da weyn, iyo ardayda qaar, inay maareeyaan casharadooda cilad farsamo darteed, waxaana jiray dhibaatooyin iyo kharashyo dheeri ah oo ku lug lahaa tababarka macallimiintii hore ee aqoonta u lahaa kali ah habka waxbaridda fool ka foolka ah," Mudane Barre ayaa sii raaciyay in caqabadihii laga gudbay.

Qaar ka mid ah machadyada kale ee Soomaaliya, sida Jaamacadda Muqdisho iyo Jaamacadda SIMAD, ayaa iyaguna bilaabay inay bixiyaan fasallo khadka tooska ah, iyadoo  qaabka isbeddelka waxbarashada casriga ah ay ka dhalisay faallo badan baraha bulshada ku kulanto dhexdooda, iyo sidoo kale rabitaanka ardayda ee ah inay sii wataan waxbarashadooda inta uu jiro cudurkaan faafa.   

“Magaceygu ​​waa Maahir Xasan Maxamed,” ayuu yiri arday uu muuqaalkiisa qabsaday warbaahinta bulshada. “waxan ahay arday dhigta kuliyadda dhaqaalaha ee Jaamacadda Muqdisho. Hoggaanka jaamacada ayaa noo suurta geliyay inaan sii wadno waxbarashadeena internetka. Si naxariis leh guriga u joog oo wax baro.”

Ardayad kale ayaa iyadana qabsatay baraha bulshada: “Magaceygu ​​waa Raxmo Caraye Cumar, oo ah arday ka tirsan Jaamacadda SIMAD. Laga soo bilaabo Abril 2020, waxaan ku qaadanay dhammaan casharadeenna hababka khadka tooska ah. Waqtigan xaadirka ah, waxaan aaminsanahay in wax ku barashada fasalku ay qatar gelin karto nolosheena sababo la xiriira COVID-19, sida laga soo xigtay wasaaraddeena caafimaadka. Waxaan ku dhiiri geliyaa ardayda kale inay gurigooda wax ku bartaan.”

“Waxaan aad uga fiicanahay dalal badan oo xasilloonaa soddonkii sano ee la soo dhaafay. Waxaan durbadiiba qaadnay barashada khadka tooska ah. Soomaalidu waxay u baahan tahay oo keliya wacyagelin fudud oo ay ku rumeysan karaan awoodooda,” ayuu arday kale ku qoray Facebook.

Xittaa macallimiintu way ku soo biireen 

"Maalmo ka hor, waxaan qaab online ah cashir ku siiyey ardey barata caafimaadka oo joogta Muqdisho. Sida ay u jecelyihiin in ay wax u bartaan iyo haraadka ay u qabaan waxbarashada waxa u weheliya maskax wanaagsan. Mustaqbalka Soomaaliya waa mid ifaya, ”ayuu ku qoray bogiisa Twitter Dhakhtar caafimaad.

"Kadib usbuucyo hakad na geliyey COVID-19, waxaan dib u bilaabay fasalkeygii jaamacadda Muqdisho anigoo adeegsanaya khadla tooska ah," ayaa mid kale soo dhigay bartiisa twitter-ka.

Kala Fogaansho

Ilaa dabayaaqadii bishii Marso, in kabadan 850 milyan oo carruur iyo dhallinyaro ah oo qiyaastii kala bar ardayda aduunka ah aya ka joogay iskuullada iyo jaamacadaha sababta COVID-19 dartiisa, sida laga soo xigtay Ururka Qaramada Midoobay ee Waxbarshada, Sayniska iyo Dhaqanka (UNESCO).

Hay'adda UN-ka ayaa intaa ku dartay in cabirka iyo xawaaraha xiritaanka iskuullada iyo jaamacadaha ay ka dhigan tahay culeys aan horay loo arag oo ku saabsan dhanka waxbarashada, iyadoo  waxbarashada tooska ahna ay tahay midda kali ah ee buuxin karto bahiyaha jira.

Iyada oo jawaab degdeg ah laga bixinaayo iskuulada badan ee sii xirmaaaya, UNESCO waxay aasaastay gudi hawleed COVID-19 ah, si ay talo iyo farsamo u siyaan dowladaha, taas oo ah dhanka waxbarashada iskuulada. Waxay sidoo kale u qabataa shirar joogto  oo toos ah wasiirrada waxbarashada adduunka oo dhan, si ay ula wadaagaan khibradaha iyo qiimeynta baahiyaha mudnaanta leh.