War-saxaafadeed wadajir ah oo ku saabsan caabuqa COVID-19

12 Apr 2020

War-saxaafadeed wadajir ah oo ku saabsan caabuqa COVID-19

Muqdisho – Saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka* waxay muujinayaan garab-istaagga ay garab-taaganyihiin dadka iyo dowladda Soomaaliyeed ee dhamaan heer kasta oo looga hortegayo loogana diyaar-garoobayo caabuqan saf-mareenka ah ee haleelay dunida (COVID-19). Waxay ku amaanayaan mas'uuliyiinta Soomaaliyeed tallaabooyinka ay qaadeen ilaa hadda ee lagu xakamaynayo faafitaanka feyraska, dadaalladaas oo ay ku jiraan wacyigelin, tallaabooyin karantiil (gooni u hayn),  iyo kala-fogaanta caafimaad ee bulshada.

Waxay ogsoonyihiin in faafitaanka feyrasku uu yahay caqabad caalami ah, ayna waajib tahay in si wadajir ah loo wajoho. Waxay hoosta ka xariiqayaan in la joogo waqtigii loo midoobi lahaa ka-hortagga caqabaddan aan horay loo arag. Wax-ka-qabashada [xaaladdan] waxay u baahnaan doontaa midnimo, iyo in meel la iska dhigo colaadda iyo rabshadaha. Saaxiibadu waxay milicsanayaan baaqii Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay oo ku baaqay xabbad joojin caalami ah waxayna taageerayaan baaqaas. Waxay si xooggan ugu dhiirigelinayaan dhammaan dhinacyada [is-haya] iyo bulshada inay soo afjaraan colaadaha. Waxay ugu baaqayaan al-Shabaab iyo kooxaha kale inay joojiyaan falalka rabshadaha wata iyo argagixisnimada isla markaana ay u suurta geliyaan kaalmooyinka inay gaaraan dhammaan bulshooyinka u baahan.

Saaxiibadu waxay ku boorinayaan DFS iyo dhammaan madaxda Dowlad Goboleedyada inay dib u bilaabaan, iyadoo aan dib-u-dhac kale lahayn, iskaashi wax-ku-ool ah oo lagu horumarinayo arrimaha hortabinta u leh qaranka, ayna ka wada shaqeeyaan sidii loo yareyn lahaa halista feyraska. Waxay xusayaan in khilaafaadka siyaasadeed ee sharciga ku-qotoma ay u baahanyihiin wadahadal iyo u-diyaarsanaanta in la abuuro is-afgarad. Dhammaan madaxda Soomaaliyeed, ee dowladda federaalka ah, dowlad-goboleedyada iyo Baarlamaaka waa inay sii wadaan hawlohooda muhiimka ah, iyagoo adeegsanaya xulashooyinka kulamada Khadka internetka ah haddii laga maarmi waayo.

Feyrasku [si loola tacaalo] wuxuu u baahan yahay midnimo aan ku koobnayn oo kaliya dalalka gudohooda, laakiin dhex marta dalalka deriska ah iyo kuwa ku yaalla gobolka. Saaxiibadu waxay ku dhiirigelinayaan Soomaaliya iyo dalalka gobolka inay yareeyaan caabuqa, xoojiyaanna nidaamyada caafimaadka, iyo inay xoojiyaan adkeysiga bulshada, iyo sidoo kale inay sii furaan marinnada ganacsiga ee muhiimka ah, ayna fududeeyaan qulqulka maaliyadeed ee ganacsiga gaarka loo leeyahay. Saaxiibadu waxay bogaadinayaan talaabada uu qaaday Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee uu iskugu yeeray kulan heer wasiir ah oo degdeg ah oo ku saabsan cudurka COVID-19 taariikhdu markii ay ahayd 22kii Febraayo 2020, iyo ku dhawaaqiddii Shir-madaxeedka Madaxda Urur-Goboleedka IGAD ee 30kii Maarso 2020.

Saamaynta uu caabuqa COVID-19 ku yeeshay bulshada iyo dhaqaalaha ayaa ah mid aad u ballaaran, oo ku biiraysa, siina cakirinaysa natiijooyinkii ba’naa ee ka dhashay colaadaha, saameynta ayaxa, abaarihii iyo fatahaadihii jiray kuwaas oo saameyn ku yeeshay bulshada kuwooda ugu nugul. Saaxiibadu waxay ugu baaqayaan madaxda Soomaaliyeed iyo milkiilayaasha dhulalka gaarka loo leeyahay inay hakiyaan ka-saarista dadka barakacayaasha ah [ee laga saarayo goobaha ay degganyihiin] inta lagu guda jiro muddada wax-ka-qabashada caabuqa COVID-19.

Saaxiibadu waxay soo dhoweynayaan diyaarinta Qorshaha  Soomaaliya ee Ka-hortagga iyo Ka-diyaar-garowga Caabuqa COVID19 waxayna ugu baaqayaan dhamaan saamilayda hawshu khusayso inay taageeraan qorshahaas ayna kaalmadooda isku-dubaridaan oo ay ku jaan-gooyaan arrimaha mudnaanta u leh qorshahaas.

Saaxiibadu waxay uga mahad-celinayaan Dowladda Federaalka Soomaaliya suurto-gelinta inay sii socdaan hawlgallada iyo taageerada caalamiga ah, waxayna mar kale xaqiijinayaan ballan-qaadkooda ku aaddan taageerada Soomaaliya si ay uga hortagto ugana diyaargarowdo saameynta caabuqa COVID-19.

 

* Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Canada, Denmark, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub, Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Kenya, Netherlands, Sweden, Switzerland, Turkiga, Uganda, Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska, Qaramada Midoobay, Dowladda Mareykanka.