War-saxaafadeed wadajir ah oo ku saabsan dib-u-dhaca doorashooyinka baarlamaanka Iyo goleyaasha deegaanka ee Somaliland

27 Nov 2019

War-saxaafadeed wadajir ah oo ku saabsan dib-u-dhaca doorashooyinka baarlamaanka Iyo goleyaasha deegaanka ee Somaliland

Muqdisho – Annagoo ah saaxiibada Somaliland ee heer gobol iyo caalamka ee hoos ku xusan* waxaan milicsanaynaa heshiiskii muhiimka ahaa ee dhexmaray xisbiyada siyaasadda bishii Luulyo 2019 kaas oo qirayay “ahmiyadda weyn ee ay leedahay qabsoomidda Doorashooyinka Baarlamaan iyo kuwa Goleyaasha Deegaanka ee muddada dheer la sugayay” waxaana “ku heshiinnay in doorashada sida ugu dhakhsiyaha badan loo qabto intiiba siyaasad ahaan iyo farsamo ahaanba ay suurto gal tahay”.  Waxaan ka walaacsannahay in dhacdooyinku ay si weyn u wiiqeen ballan-qaadyadaas ayna wax yeellaynayso sooyaalka demoqoraadiyadeed iyo sumcadda ay Somaliland ku dhex leedahay caalamka. Sidoo kale, waxaan aad uga walaacsannahay dhacdooyin u muuqdo xarig aan waddadii sharciga loo marin iyo xayiraado kordhay oo la saaray xorriyadda ra’yiga.

Waxaan si gaar ah uga walaacsanahay go'aanka Guurtidu ay ku kordhiyeen muddo xileedkii Goleyaasha Wakiilada iyo Guurtida ayana ku kala gaarsiiyeen ilaa Janaayo 2022 iyo Janaayo 2023. Labada Gole, oo loo aasaasay inay matalaan haweenka iyo ragga Somaliland, ayaa xilka hayay muddo aad uga badan halbeeg kasta oo demoqoraadiyadeed, goleyaasha deegaanka ayaa shaqaynayay iyagoo aan lahayn mas’uuliyad xileed demoqoraadi ah lagasoo billaabo bishii Abriil 2019.

Sidaas darted, waxaan ugu baaqaynaa dawladda iyo dhamaan hawlwadeenada siyaasadeed inay dib u xaqiijiyaan, hadal iyo ficil intaba ku xaqiijiyaan,  dhaqankii soo jireenka ahaa ee wada heshiinta, is-afgaradka iyo isu-tanaasulka, si xal loogu helo jahwareerka hadda taagan, ayna doorashooyinka baarlamaanka iyo kuwa deegaanku u qabsoomaan iyadoo aany jirin dib u dhac dambe, wax bandanna ay kasoo hormaraan ka-hor inta aanu dhamaan sanadka 2020. Annagoo ah saaxiibo muddo fog Somaliland kalasoo shaqeynayay horumarka 25kii sano ee lasoo dhaafay, waxaan bogaadinaynaa dadaalada dhexdhexaadinta maxalliga ah waxaana hoosta ka xarriiqaynaa, si aan u taageerno geedi-socodka doorashada, waa inuu noqdo mid kor u qaadaya u-wada-dhamaanshaha siyaasadeed iyo ixtiraam buuxo oo la siiyo sharciga. Iyadoo saldhig adag u ah geedi-socodka, waxaa loo baahanyahay in la helo Guddi Doorasho oo kalsooni ballaaran ka kasbada dhinacyada siyaasadda iyo weliba muwaadiniinta Somaliland.

Kaliya hay'ado  xooggan, oo si demoqoraadi ah loosoo doortay ayaa dadka Somaliland dhaxalsiin kara horumarka ay mudanyihiin. Waana taas midda aan ka filayno inay noogasoo baxdo wadashaqaynta aan la leenahay Somaliland.

*****

* - Qaramada Midoobay, Urur-Goboleedka IGAD, Midowga Yurub, Dowladda Mareykanka, Jarmalka, Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska, Norway, Ireland, Belgium, Sweden, Denmark, Netherlands, Finland, Faransiiska, Talyaaniga, Dowladda Giriigga, Switzerland.