Saaxiibada beesha caalamka oo soo dhoweyay wadaxaajoodkii siyaasadeed ee dhowaan ka dhacay Soomaaliya

28 Nov 2019

Saaxiibada beesha caalamka oo soo dhoweyay wadaxaajoodkii siyaasadeed ee dhowaan ka dhacay Soomaaliya

Muqdisho – Saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka* (ee hoos ku xusan) ayaa soo dhoweeyay kulankii dhowaan dhexmaray Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo iyo labo Madaxweyne oo hore, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif, kulankaas oo looga wada hadlay arrimaha hortabinta u leh Soomaaliya iyo muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo jawi siyaasadeed furan.

Waxay sidoo kale soo dhoweeyeen wadatashiga dhexmaray Madaxweyne Farmaajo iyo xisbiyo siyaasadeed ka badan 50, arrimahaas oo ah tallaabo wanaagsan oo lagu dhiirigelinayo wadahadalo dhaca ka-hor doorashooyinka ‘qof-iyo-cod’ ah ee 2020.

Waxaan dhiirigelinaynaa wadahadallo kale oo dhexmara mas’uuliyiinta ay ee hawshu khusayso ee heer qaran iyo heer Dowlad Goboleedba leh si loo xaqiijiyo wadahadal loo dhanyahay oo ujeedadiisu tahay in is-afgarad ballaaran laga gaaro doorashooyin ‘qof-iyo-cod’ ah oo nabdoon oo xor iyo xalaal ah, daah furan lana aamini karo, taas oo Soomaaliya u noqon doonta marxalad taariikhi ah oo ku saabsan geedi-socodyada dowlad dhisidda.

****

* Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Denmark, Ethiopia, Midowga Yurub, Finland, Jarmalka, Urur-gobaleedka IGAD, Talyaaniga, Kenya, Norway, Sweden, Turkiga, Ugandha, Boqortooyada Ingiriiska, Qaramada Midoobay, Dowladda Mareykanka.